Wararkii ugu dambeeyay 19 ruux oo ku geeriyootay Diyaarad Ruushka leeyahay oo bur burtay

0
Saturday October 22, 2016 - 16:10:02 in Wararka by
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay 19 ruux oo ku geeriyootay Diyaarad Ruushka leeyahay oo bur burtay

    Ugu yaraan 19 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca (Helicopter) ee Ruushku ay ku bur-burtey Waqooyi galbeed Saybeeriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca (Helicopter) ee Ruushku ay ku bur-burtey Waqooyi galbeed Saybeeriya. Nooca diyaarada qumaatiga u kaca oo ahayd Mi-8 waxaa la socdey 22 qof markii ay bur-bureysay gelinkii danbe ee Jimcada, meel qiyaastii 14-KM u jirta magaalada Novyj Urengoj.

19 qof ayaa isla goobtaas ku geeriyoodeen, waxaa ka badbaadey saddex qof oo keliya kuwaas oo qaba dhaawacyo aad u culus.

Waxaa socda baaritaan ku aadan sababta shilkan keentay, waxaana loo badinayaa in ay sababtey cilad dhanka makaanikada ah ama cimilada oo aad u xumeyd maalintii shalay.

Guud ahaan waxaa cirka isku gedaamey ceeryaamo iyo dhedo waxaana adkeyd in duuliyihu arko waxa ka horeeya sida ay sheegeen masuuliyiinta Ruushku.

Sanadkii hore sidaan si lamid ah ayaa mid kamid ah diyaaradaha qumaatiga u kacaa ay ku burburtey isal gobolkaas waxaana ku geriyoodey 15 qof.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip