Mareykanka oo uga digay muwaadiniintiisa inay u safraan dalka Itoobiya

0
Saturday October 22, 2016 - 15:36:51 in Wararka by
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo uga digay muwaadiniintiisa inay u safraan dalka Itoobiya

    Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda waxay uga digtey inay xilligan u safraan dalka Itoobiya oo rabshado xooggan ay ka socdaan, taasi oo saameyn ku yeelatay dalkaasi Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda waxay uga digtey inay xilligan u safraan dalka Itoobiya oo rabshado xooggan ay ka socdaan, taasi oo saameyn ku yeelatay dalkaasi Itoobiya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in safaaradooda ku taalla dalka Itoobiya aaney xilligaan awood u lahayn iney qabato fulinta adeegyada muwaadiniinta Mareykanka u baahan yihiin.

Wasaaradda ayaa ku baaqday in illaa iyo ammar dambe aysan muwaadiniinta Mareykanka aadin guud ahaan gobollada dalka Itoobiya, inta ay socdaan Qalalaasaha Xoogan ee dalkaasi ka taagan.

Gobollada Itoobiya qaar waxaa ka socda dibadbaxyo wata rabashado, gaar ahaan gobollada ay degaan Oromada iyo Amxaarada, iyadoo gobol ka mid ah Gobolada Itoobiya Bishii aan soo dhaafnay ay ku geeriyootay Haweenay dalka Mareykanka u dhalatay, kadib markii dhagax la soo tuuray uu madaxa kaga dhacay.

Dibadbaxyadan ayaa sababay in dad carreysan ay bur-buriyaan dhismayaal muhiim ah, sidoo kale ay hakad galeen adeegyadii bulshada muhiimka u ahaa.

Dowladda Itoobiya ayaa 8-dii Bishan waxay xukun deg-deg ah ku soo rogtay guud ahaan dalkaasi.

Dowladda Itoobiya waxa ay isku dayeysaa inay xakameyo qalalaasaha dalkeeda ka taagan, si rabshadaha socda aysan u sii yeelan saameyn xoogan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip