Nabadoon Xaad: Heshiiska Itoobiya anagu ma naqaano meel uu ka shaqeeyay

0
Friday October 21, 2016 - 20:00:19 in Wararka by
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabadoon Xaad: Heshiiska Itoobiya anagu ma naqaano meel uu ka shaqeeyay

    Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka Somalida, ayaa sheegay inaysan arkin heshiis ay Itoobiya kala dhex dhigtay Maamulada Puntland & Galmudug, haddii ay weli taagan tahay dhiilada Magaalada Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka Somalida, ayaa sheegay inaysan arkin heshiis ay Itoobiya kala dhex dhigtay Maamulada Puntland & Galmudug, haddii ay weli taagan tahay dhiilada Magaalada Gaalkacyo. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa sidoo kale sheegay inaysan Itoobiya wax xal ihi u hayn dagaalka Magaalada Gaalkacyo, inay sii huriso mooyee.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in Xukuumadda Addis Ababa ayba qayb ka tahay hurinta colaadaha Somaliya.

Waxaa uu Maamulada Galmudug & Puntland uu ugu baaqay inay la yimaadan xal ka baxsan dagaalka mudada labada toddobaad ku dhex maraaya Xarunta Gobolka Mudug.

Maxamed Xasan Xaad, ayaa labaduba ugu yeeray bal inay ka wada hadlaan xiisadda u dhaxeyso, si loo ogaado cidda dabka ku shideysa dagaalka Gaalkacyo, iyadoo markaasina farta lagu wada fiiqaayo cidaasi.

Nabadoon Xaad, ayaa qaba in dagaalka Magaalada Gaalkacyo looga gudbi karo, wada xaajood ay gaaraan dhinacyada ku hardamaya magaaladaasi.

Puntland iyo Galmudug, ayaa u muuqda inaanay diyaar u ahayn joojinta Dagaalka Gaalkacyo, iyadoo midba midka kale uu ku eedeynayo in uu dagaalka hurinayo.https://youtu.be/JiWIISJQYYU




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip