Guddida Baaritaannada Xasuuqa ee Somaliland oo codsaday in loosoo Gacan-geliyo Moorgan

0
Thursday October 20, 2016 - 23:43:08 in Wararka by
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Baaritaannada Xasuuqa ee Somaliland oo codsaday in loosoo Gacan-geliyo Moorgan

    Guddoomiyaha Guddida Baadhista Xasuuqa ee Somaliland, Khadar Axmed Like, ayaa beesha caalamka iyo Dawladda Fedeaalka Somalia ka codsaday in loo soo gacan galiyo raggii dambiyadda xasuuqa ah ka gaystay Somaliland ee uu ka midka yahay Maxamed Siciid Mo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guddida Baadhista Xasuuqa ee Somaliland, Khadar Axmed Like, ayaa beesha caalamka iyo Dawladda Fedeaalka Somalia ka codsaday in loo soo gacan galiyo raggii dambiyadda xasuuqa ah ka gaystay Somaliland ee uu ka midka yahay Maxamed Siciid Moorgan oo hadda la doonayo in lagu daro golaha sare ee Soomaaliya loo samaynayo.
Khadar like ayaa sheegay inay liisaska hore ugu jiro dadkii xasuuqa ka gaystay Moorgan iyo Maslax Siyaad Bare, kuwaas oo la doonayo in maxkamaddaha aduunka la tiigsadaan si looga jaro dambii ay umadda ka galeen oo uu sheegay in loo hayo markhaatiyaal faro badan oo ku cadeyn kara dambiyaddii ay wadanka ka galleen.
Guddoomiyaha baadhista Xasuuqqii Somaliland ka dhacay ayaa sheegay inay dadkaasi dambiyadda loo haysto doonayaan inay ku gabadaan xilalka ay doonayaan in loo dhiibo si aan sharciga loo horgayn, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii "Waxaan doonayaa inaan idiin sheego arrintan ay beesha caalamkuba ogaatay ee goleyaasha Soomaaliya loo samaynayo la leeyahay yaan lagu darin gacan ku dhiigleyaashii iyo dagaal oogayaashii, hadaba anagu waxaa liisaska dadkan dambiyadda xasuuqa ah ka gallay noogu jira oo qoraallo badan noogu kaydsan inuu Moorgan gacan ku dhiigle ahaa oo dagaal ooge ahaa oo ummadan waqooyiga joogay xasuuq ba’an u gaystay, kaasi ayaa imika la leeyahay Baarlamaananada Soomaaliya samaysanayso ha lagu soo darro, dadka dambiyadda cadcadi ka yaalaan ee qoran ee markhaatiyaal faro badan oo kaga furi kara dambiyadda ay galeen maxkamaddaha aduunka ayuu ka mid yahay Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, waxa kale oo ka mid ah Maslax Siyaad Bare, dadka noocaas ah ee dambiyadda bani’aanimada ka galay ayaa doonaya inay Baarlamaanadda Soomaaliya galaan si mar labaad dad kale u xasuuqaan”

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray "waxaanu aduunweynaha u sheegaynaa in aan baarlamaanada Soomaaliya loo samaynayo lagu dariin dadkii dambiyadda ka gallay waqooyiga, in mar labaad layidhaa madax baa laga dhigayaa, oo ay is leeyahay kaga baxsada maxkamaddaha aduunka, ama tu labaad samayn karaan maadaama oo dambiyadii hore ee ay galeen aan nagala xisaabtamin”




Maxamed Siciid Xirsi Morgan

Guddoomiyaha baadhista xasuuqyaddii Somaliland ka dhacay ayaa beesha caalamka iyo dawladda Soomaaliyaba ka dalbaday in loo soo gacan galiyo raga u qoran inay dambiyada ka galeen wadanka, waxaanu yidhi "waxaan aduunweynaha iyo dawladda Soomaaliya ay noo soo qabtaan isaga iyo wixii la hal maalla, iyo liiska dheer ee aanu hayno ee dambiilayaasha dadkan xasuuqa u geystay oo doonaya mar labaad inay ku fadhiistaan kursi umad laga xukumo. "

Ugu dambeyn, Guddiga daba-galka Xasuuqyaddii wadanka ka dhacay ayaa la aasaasay sanadkii 1997-kii wakhtigaasi uu madaxweynaha ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ka dib markii laffo badan oo isku xidh xidhan ay daadad soo rogmaday soo saareen, kuwaaas,baadhitaan dheer ka dib loo aqoonsaday inay ahaayeen dad shacab ah oo wakhtigaasi lagu laayey goobta la yidhaa Marko durduro iyo Badh-ka oo ahaa goobaha inta badan dadka la geyn jiray sida ay xaqiijiyeen guddidan daba galka xasuuqyadda oo warbixino badan ka diyaariyey, isla markaana hay’addo caalami ah baadhitaanno ku sameeyeen xabaalo wadareedyadan laga helay koonfurta magaaladda Hargeysa.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip