Madaxweyne oo dhagax dhigay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi "SAWIRRO"

0
Sunday November 01, 2015 - 20:36:58 in Wararka by
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne oo dhagax dhigay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi "SAWIRRO"

    Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Abu Dhabi ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta waxa uu ku dhagax dhigay dhismaha safaarad cusub oo Soomaaliya ay ka dhisaneyso magaalada Abu Dhab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Abu Dhabi ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta waxa uu ku dhagax dhigay dhismaha safaarad cusub oo Soomaaliya ay ka dhisaneyso magaalada Abu Dhabi, taasoo dhulka ay ku fadhiso iyo dhismaheedaba ay ugu deeqday dowladda Imaaradka Carabta.

Dhismahan oo socon doona muddo hal sano iyo laba bilood ah ayaa waxa uu ka koobanyahay safaaradda iyo guri deegaan ay safaaraddu leedahay, waxaana Madaxweynaha oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda dalkaasi ay booqdee xarunta loogu talogalay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Cadbiqaadir Shiikheey Al-Haatimi oo dadaal weyn ku bixiyay sidii safaaradan loo hirgelin lahaa ayaa sheegay in muddo ka badan 42 sanadood ay tahay markii ugu horeysay ee dhul iyo dhismo iswata oo Soomaaliya ay leedahay laga hirgeliyo dalka Imaaraadka Carabta, halka horay ay ugu shaqeyn jireen goobo si gaar ah loo leeyahay.7Cabdiqaadir Shiikheey Al-Haatimi ayaa ku amaanay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya sida ay ugu gacan siiyeen shaqaalaha iyo madaxda safaaradda ee uu isagu ugu horeeyo in safaarad Soomaliya leedahay laga hirgeliyo magaalada Abu Dhabi.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib safaro uu ku tagey dalalka boqortooyada Sacuudiga, India iyo Imaaradka Carabta, isagoo markii uu soo gaaray Muqdisho ay si diiran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, waxaana uu cambaareeyay weerarkii bahalnimada ahaa ee ay Shabaabku ku qaadeen Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

madaxwen (1) madaxwen (2) madaxwen (3) madaxwen (4) madaxwen (6) madaxwen (7) madaxwen (8)





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip