Ciidamada Itoobiya oo xabsiga u taxaabay koox looga shaki qabo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

0
Sunday November 01, 2015 - 16:10:55 in Wararka by
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo xabsiga u taxaabay koox looga shaki qabo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

    Masuuliyiinta dowlada Itoobiya ayaa xiray koox looga shaki qabo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab oo doonaye inay gudaha wadanka Itoobiya inay uga dhawaaqaan koox xiriir laleh ururka DACISH ee wadamada Ciraaq iyo Syria

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta dowlada Itoobiya ayaa xiray koox looga shaki qabo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab oo doonaye inay gudaha wadanka Itoobiya inay uga dhawaaqaan koox xiriir laleh ururka DACISH ee wadamada Ciraaq iyo Syria

"Ciidamadeena Amaanka waxay awood u yeesheen inay xiraan 20 gaaraysa oo AL-Shabab xiriir laleh , iskuna dayaye inay Khilaafo Islaami ah kaga dhawaaqaan dhulka Itoobiya” sidaa waxaa yiri dacwad ooge Tedros Bahro, oo wariyaasha lahadlay.

Tedros ayaa hadalkiisa kusii daray in kooxdan sidoo kale ay qorsheenayen inay weeraro argagixiso ka fuliyeen Gudaha itoobiya , balse waxa uu dacwad oogahani ku faanay in ciidamadu ay fashiliyeen isku daygii dhalinyaradan.

Dacwad ooge Bahro ayaa walaacii ugu weynaa ka muujiyay wararka sheegaya in kooxdani Al-Shabaab xiriirka laleh ay ku suganyihiin deegaano ay ka mid yihiin Oromiya, Jima, Laqqa, Chourabi, Khamisi, iyo dhulka Soomaalida ee Itoopiya oo ay kamitahay deegaanka Jiqjiqa.

Ugu dambeyntii Dacwad ooge Tedros Bahro ayaa sheegay in fariisinka ugu weyn ee kooxdani ay ahayd caasimada Ethiopia ee Adsi-ababa qaasatan xaafada Kolfi Qrayno.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowlada Itoobiya qirato in wadankeeda ay ku suganyihiin koox Al-shabab iyo ISIS xiriir laleh.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip