HEERARKA QORIDA FARTA SOOMAALIYGU AY SOO MARTAY. { Qore:-Cabdiqadir Salaad Maxamad}

0
Monday October 17, 2016 - 19:39:19 in Maqaallo by
  • Visits: 1414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    HEERARKA QORIDA FARTA SOOMAALIYGU AY SOO MARTAY. { Qore:-Cabdiqadir Salaad Maxamad}

    Afsoomaaliga waa luqada loogu hadalka badanyaha geeska afrika (5ta Soomaaliya) haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed kuDhaqmaan wuxuu yeeshay 1972dii.iyadoo soomartay heerarkaan soosocda:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afsoomaaliga waa luqada loogu hadalka badanyaha geeska afrika (5ta Soomaaliya) haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed kuDhaqmaan wuxuu yeeshay 1972dii.iyadoo soomartay heerarkaan soosocda:- 1. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Cismaan Yuusuf Kenediid 1920 dii. Qoraalkaas waxaa loo yeqaanaa Cusmaaniya,(waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Cismaan la odhan jirey), waxaa mararka qaarkoodna la dhihi jirey Far Soomaali (Somali Script).Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo ahaa ninka allifey fartan waxaa uu dhashay 1898 kii.

Waxaa uu ka mid ahaa 4 wiil oo uu dhalay suldaankii Hobyo Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid. Cismaan wuxuu ahaa nin aqoon u leh Luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga, isaga oo ahaa gabayaa iyo suugaan yahan.

     
  Af soomaaliga waa luqada loogu hadalka badanyaha geeska afrika waxaana kuhadlo (5ta soomaaliya)  yadoo sidaas eytahay loogama horeyn ina keenidiid Markii hore waxaa uu Cismaan isku dayey inuu af Soomaaliga ku qoro xuruufta af Carabiga. Laakiin arrintaas wuu ku qanci waayay.

 Gaar ahaan markii xarfaha Carabiga uu ka waayey qaar matali kara dhawaaqyada gaarka u ah luuqada Soomaaliga. waxay farta Cismaaniyadu ahayd tan ugu caansan faraha af Soomaaliga ah ee jirey. Waxaa sannadihii lixdamaadkii isticmaali jirey dad lagu qiyaasay 50,000 oo qof. Waxay dadweynaha fartan yeqaana u isticmaali jireen in lagu wada xidhiidho laguna keydiyo qoraalada af Soomaaliga.
   
  2. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur 1933 dii oo loo yeqaano Far Gadabuursi (Gadabuursi Script),waxaana loogu magac daray qoyskii uu ka dhashay.
   
  3. Qoraalka Far Soomaaliga ee uu allifey Xuseen Sheekh Axmed Kadarre 1952 dii oo iyana loo yeqaano Fartii Kaddariya (Kaddariya Script), waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Kaddare lagu naaneyso.
      
Xuseen waxaa uu ahaa nin dhallinyar oo aad u firfircoon oo ka tisanaa shaqaalihii Raadiyo Muqdisho. Markii dambena, waxaa uu noqdey madaxa  qeybta af Soomaaliga ee Akademiyadii Cilmiga iyo Fanka(Somali Academy
of Sciences and Arts).
      
 Farta Kaddariya sida tan Cusmaaniyada maaysan noqon mid caan ah ama mid ay dad badani aad u yeqaano. Laakiin, waxaa ay leedahay qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan ma yeelan makiinado iyo qalab lagu garaaci karo (typewriters and printing machines) iyo qoraallo fartan ku soo baxay.
    
 Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf iyo afar nooc oo loo qoro. Qoraalkeeda waxaa laga bilaabaa dhinaca bidixda una socotaa dhinaca midigta (from left to right).

Fartan markii loo gudbiyey Guddigii Luuqadaha ee 1961 dii waxaa ay soo jeediyeen in dhawr waxyaabood dib loogu noqdo. Kedib markii arrimahaas la soo dhammeystireyna waxay guddigi ku qiimeeyeen inay kaalinta labaad gashay (waxaa ay ku xigtey tan isticmaasha xuruufta Laatiinka oo kaalinta koowaad gashay oo uu soo gudbiyey Shire Jaamac Axmed) Xubnihii guddiga ee loo saaray farta sooma aliga (1961 )

1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal Guddoomiye

2. Yaasiin Cismaan Kenadiid Xubin

3. Maxamuud Saalax (Ladane) Xubin

4. Dr. Ibraahim Xaashi Maxamuud Xubin

5. Khaliif Suudi Xubin

6. Mustafe Sheekh Xasan Xubin

7. Shire Jaamac Axmed Xubin

8. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) Xubin

9. Yuusuf Meygaag Samatar Xoghayn


WAXAA DIYAARIYE
Y:- CABDULQAADIR SALAAD MAXAMED


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip