(FAALLO): Shan sanno kadib, Hawlgalka Ciiddanka Kenya ku soo galeen gudaha dalka Somalia ma Fashil mise Guul ?

0
Sunday October 16, 2016 - 12:44:46 in Maqaallo by
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (FAALLO): Shan sanno kadib, Hawlgalka Ciiddanka Kenya ku soo galeen gudaha dalka Somalia ma Fashil mise Guul ?

    Maanta oo kale, waxay ku beegan tahay 5-guuradii ka soo wareegtay markii ay Ciiddanka Kenya duullaanka kaga soo gudbeen Xuduudka Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo kale, waxay ku beegan tahay 5-guuradii ka soo wareegtay markii ay Ciiddanka Kenya duullaanka kaga soo gudbeen Xuduudka Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii.
Ciiddanka Kenya waxay Fariisin Dhexe ka dhigteen Dekedda magaalladda Kismaayo, oo ay ilaa iyo haatan meel uga dhaqaaqi lahaayeen, waxayna Hawlgalkooda qeybta ugu muhiimsan ka dhigteen inay Maamulkii Raas-kambooni kula shirkoobaan Ganacsiga Madow ee Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo iyo alaabta Kontorobaanka ee laga gudbiyo Xuduudka Kenya.

kdf-in-kismayo kdf-near-kismayo-portWarbixin ay Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Kenya qeyb ka yiuhiin Dhuxusha sharci-darradda looga dhoofiyo Dekedda Kismaayo, kaasi oo u muuqda mid si saddex geesood ah looga macaashi jirey.

Ciiddanka Kenya ayaa la rumeysan yahayinay Kharaj badan ka sameeyeen tan iyo markii ay la wareegeen Dekedda Kismaayo.

Soo-gelitaankooda gudaha Somalia waxa uu sababay inay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab kordhiyaan Hawlgalladda ay kaga soo hor jeedaan Askarta Kenyanka ku sugan gudaha Somalia.

Alshabaab waxay ballaariyeen Hawlgalka ay kaga soo hor jeedaan Ciiddankaasi, waxayna Hawlgaladooda gaarsiiyeen kuwo lagu ugaarsado Ciiddanka Kenya iyo Hawlgalo kale oo ka dhaca gudaha Kenya.

Istaraatijiyadda Ciiddanka Kenya ku soo galeen gudaha Somalia waxa uu Buuq ka dhex abuuray Siyaasiyiinta Dowladda Kenya, kuwa Mucaaradka iyo Ururradda Bulshadda, waxaana lagu baaqay in Ciiddanka Kenya laga soo saaro gudaha Kenya.

Saraakiisha Alshabaab waxay kaloo kordhiyeen Weeraradda Qorsheysan ee Jid-galka ee ay la beegsadaan Askarta Kenya iyo Weeraradda Tooska ee lagu qaado Fariisimadda Askarta Kenya ku leeyihiin Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo.

Jabkii ugu ballaarnaa ee Askarta Kenya ka soo gaaray gudaha Somalia ayaa lagu tilmaamaa Weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii Janaayo 15-dii ku qaadeen Ciiddankii Kenyanka ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

dagaalkii-ceel-cadde ceel-cadde ceel-cadde au2 auHawlgalka Alshabaab ku qaadeen Xeradaasi ayaa waxa ka dhashay Khasaarihii ugu badnaa ee Ciiddanka Kenya ku soo gaaray gudaha Somalia.

Duullaankaasi waxaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 100 Askar Kenyan, iyadoo kuwo kale nolol lagu qabtay.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay sheegeen inay Kaydad badan oo Hub iyo Gaadiid Dagaal kula wareegeen Dagaalkii Ceel-cadde, inkastoo ay Dowladda Kenya weli diidan tahay in la shaaciyo tirtada dhabta ee Askarta looga dilay Ceel-cadde.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Askarta Kenya kala kulmeen Jabkii ugu xooganaa Duullaankii Ceel-cadde, waxaana soo baxday Su’aalo badan oo ku aadan Dhabaha kale ee Kenya u furan inay qaadaan.

Dhismaha Derbiga Dheer ee ay Kenyanka ka dhisayaan Xuduudka ay Somalia la wadaagaan ayaa loo arkaa mid ay Kenya kaga badbaadi karto Weeraradda Xeeladaysan ee ay Alshabaab kala kulmaan.

Laakiinse, Khubarada Milliteriga ayaa rumeysan inuusan Derbigaasi hakin Karin Weeraradda Xarakadda Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

Xarakadda Alshabaab ayaa horey u sheegay inaysan joojin doonin Hawlgalka ka dhanka ah Kenya, tan iyo inta ay Ciiddankeeda ku sugan yihiin Taako ka mid ah Caro-edegta Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Su’aasha weli loo la’ yahay Jawaabta Hufan ayaa ah Shan sanno kadib, Hawlgalka Ciiddanka Kenya ku soo galeen gudaha dalka Somalia ma Fashil mise Guul?

kdf kdf-3 maxbuus-kdf

©Radio Dalsan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip