Bannaanbax looga horjeedo Dowladda Federaalka oo saakay ka socda B/Weyne

0
Sunday November 01, 2015 - 14:03:41 in Wararka by
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bannaanbax looga horjeedo Dowladda Federaalka oo saakay ka socda B/Weyne

    Magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa saakay ka socda bannaanbax looga horjeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda arrimaha gudaha oo faragelin xoogan ku heysa dhismaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa saakay ka socda bannaanbax looga horjeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda arrimaha gudaha oo faragelin xoogan ku heysa dhismaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe. Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee bartamaha magaalada, kuwaasi oo iyagu ku qeylinayay "Qaran-diide doonimeynoā€¯ iyo ereyo kale oo ka dhan ahaa Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.
Dibadbaxyada ayaa waxaa khudbado kala duwan u jeediyay madax ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, oo sheegay in shucuurta dadkaasi ay muujineyso sida ay uga horjeedaan in Dowladda Federaalka dhexe ee Soomaaliya ay ugu tumaneyso xuquuqaha asaasiga ah ee ay leeyihiin.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/Fataax Xasan Afrax ayaa maalintii shalay si cad u diiday warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha oo tilmaameysay qoondada guddiga farsamada maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, taasi oo Guddoomiye C/Fataax ku sheegay inaysan ahayn hab qeybsigii saddexda dhinac isku ogaayeen, kuna eedeeyay C/raxmaan Odowaa inuu isagu iska sameystay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip