Maxaa Ka Jira In Man United Ay Dalab 90 Milyan Ginni Kula Soo Wareegi Doonta Bisha Janaayo Gareth Bale?

0
Sunday November 01, 2015 - 13:49:54 in Sports News by
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Man United Ay Dalab 90 Milyan Ginni Kula Soo Wareegi Doonta Bisha Janaayo Gareth Bale?

    Manchester United ayaa qorsheyneysa inay dalab 90 milyan ginni ah ugu dhaqaaqdo Gareth Bale iyadoo xiddiga reer Wales uu weli saldhigan la' yahay Real Madrid, sida ay qortay Sunday People.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa qorsheyneysa inay dalab 90 milyan ginni ah ugu dhaqaaqdo Gareth Bale iyadoo xiddiga reer Wales uu weli saldhigan la' yahay Real Madrid, sida ay qortay Sunday People.

Waxaa la fahamsan yahay in Bale uu weli yahay bartilmaameedka koowaad ee United, waxaana tababaraha United Louis van Gaal iyo ninka suuqa kala iibsiga u qaabilsan kooxda Ed Woodward ay doonayaan inay mar kale u dhaqaaqaan 26 jirkaan.

Laakiin waxaa la rumeysan yahay in United aysan wadahadalada ku soo dari doonin in la isku bedesho Bale iyo goolhaye David de Gea kaasoo dhawaan heshiis cusub uu ku qaadanayo 200 kun ginni u saxiixay kooxda Old Trafford ka dhisan ka dib markii uu burburay heshiiskii uu ugu wareegi lahaa Madrid maalintii ugu danbeysay ee suuqii kala iibsiga xagaaga.

Woodward ayaana aaminsan inuu weli ganacsi la sameyn karo kooxda reer Spain inkastoo uu burburay heshiiskii De Gea.


Bale



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip