WARBIXIN: Inta Ay La Egtahay Dhibaatada Chelsea Waxaa Hoosta Ka Xariiqeysa Istaatistikadii Kulankii Liverpool.

0
Sunday November 01, 2015 - 13:37:54 in Sports News by
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Inta Ay La Egtahay Dhibaatada Chelsea Waxaa Hoosta Ka Xariiqeysa Istaatistikadii Kulankii Liverpool.

    Chelsea ayaa aheyd mid liidata xilli ciyaareedkan oo dhan, laakiin inta ay gaarsiisan tahay hoos u dhacooda waxa ay si weyn u soo baxday kulankii shalayto ee Stamford Bridge. Istaatistikadii la uruuriyay ayaana soo bandhigeysa sida Chelsea xaalka ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa aheyd mid liidata xilli ciyaareedkan oo dhan, laakiin inta ay gaarsiisan tahay hoos u dhacooda waxa ay si weyn u soo baxday kulankii shalayto ee Stamford Bridge. Istaatistikadii la uruuriyay ayaana soo bandhigeysa sida Chelsea xaalka ugu xun yahay.

Kooxda horyaalka heysata oo joogta gurigeeda islamarkaana la ciyaareysay koox isbedelo waa weyn soo martay sannadihii ugu danbeysay islamarkaana mushkiladooda gooniga ah ay heysatay ayay ku hor kufeen mar kale weliba si aad u daran.

Chelsea ayaa hogaanka ciyaarta qabatay xilli hore iyaga ayaana ugu cadcadaa inay badiyeen, laakiin hadana lagama arkin baahi ay u qabeen inay ciyaarta qabsadaan ama kubada la wareegaan.

Taas bedelkeeda gadaal ayay iska fariisteen, Liverpool ayaana ku dhawaad boqolkiiba 60 kubada iska heysatay, Chelsea ayaana ku guuldareysatay inay fursad kale hesho ilaa iyo daqiiqadii 60aad. Ma aysan helin fursad kale oo gool loo filan karay ciyaarta oo dhan.

Mourinho2


Waxa ay aheyd markii labaad oo Chelsea seddex gool looga dhaliyo seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Stamford Bridge. Goolal intaas la eg garoonkooda loogama dhalinin 55tii kulan ee ka horeysay ee Premier League.

Liverpool iyagana waxa ay u aheyd markii ugu horeysay ee wax ka badan labo gool ay kulan horyaalka ku dhaliyaan Stamford Bridge tan iyo 1989kii. Guuldarada soo gaartay Chelsea ayaa ka dhigeysa midii lixaad ee soo gaarta wiilasha Mourinho xilli ciyaareedkan, waxaana dhamaatay kaliya October.

Jugta ugu xoogan ee dhibaatada Chelsea waxa ay soo gaareysaa geesiyaasheeda John Terry iyo Eden Hazard. Qaab ciyaareedka kabtanka ayaa hoos u sii socda isbuucba isbuuca ka danbeeya, mana jirto soo noqosho uu sameynayo.


Costa vs Martin

Waa uu la tartami waayay Christian Benteke ka dib markii xiddiga reer Belgium uu bedel ku soo galay, kubadaha madaxa waxa uu Terry ku guuleystay kaliya boqolkiiba 40, halka xilli ciyaareedkii hore uu kubadaha madaxa ku guuleystay boqolkiiba 74.

Hazard ayaa isna waxaa soo martay galab ay tahay inuu iska ilaawo. Waxaa la bedelay daqiiqadii 58aad waana bedelkiisa ugu dhakhsiyaha badnaa ee lagu sameeyo abid kulan Premier League ah, waana ay cadahay sababta uu Mourinho go’aankaas u qaatay.

Kaliya isagoo garoonka ku jiray 26 daqiiqo xiddiga kale ee reer Belgium Benteke waxa uu dhaliyay gool, waxaana uu caawiye ka ahaa gool kale iyadoo Liverpool ay guul xusuus leh gaartay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip