Waa Maxay Furaha Nolol Farxad iyo Caafimaad Leh?

0
Monday October 10, 2016 - 10:59:31 in Maqaallo by
  • Visits: 1762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Furaha Nolol Farxad iyo Caafimaad Leh?

    annadkii 1938 ayay Jaamacadda Harvard billowday daraasad loo bixiyay 'The Grant Study' oo qeyb ka ah tu kale oo la yiraahdo 'the Study of Adult Development.' Daraasaddu waxay socotay muddo 75 sano ah waxaana lagu baarayay oo intaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

annadkii 1938 ayay Jaamacadda Harvard billowday daraasad loo bixiyay 'The Grant Study' oo qeyb ka ah tu kale oo la yiraahdo 'the Study of Adult Development.' Daraasaddu waxay socotay muddo 75 sano ah waxaana lagu baarayay oo intaa dabaggal lagu hayay nolosha caafimaad ee jir iyo maskax ee rag gaaraya 724.

 Dadkaasi sannad walba su’aalo ayaa la waydiinayay, waxaa la akhrinayay warbixinnada caafimaadkooda, waxaa si dhow loola soconayay isbeddelka noloshooda ee dhan walba ah. Dadka ka qeyb qaatay daraasadda, 60 ka mid ah nolol ayay ku soo gaareen sannadkii 2015; qaarkood waa 90 jirro walina waxay ka qayb qaadanayaan daraasaddii oo ilaa waaga socota.

Dadka la darsay waxay isugu jireen laba kooxood, kuwo markii waraysiga lagu billaabayay dhiganayay sannadkii labaad ee jaamacadda; dhammaantood waxay dhameeyeen jaamacadda intii lagu gudo jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunyada. Kooxda kale waxay ahaayeen dhallinyaro aad iyo aad sabool u ah oo deggenaa xaafadaha ugu tabaaleysan ee magaalada Boston.


Labada kooxba si joogto ah ayaa loo waraysan jiray, guryahooda loo tagi jiray, waalidkood si gaar ah iyagana waraysiyo looga qaadi jiray. Ka dib wey koreen, waaweynaadeen, shaqooyin kala duwan galeen, midkood wuxuu madaxweyne ka noqday Maraykanka, qaarkood khamriyacab daran ayay noqdeen, kuwo nolosha heer sare ayay ka gaareen, kuwo kalana dhanka kale. Robert Waldinger oo ka mid ah dadka hadda wax ka wada daraasaddan wuxuu leeyahay isaga oo dad kale maanta uga warbixinaya daraasadda ‘dadkii billaabay daraasaddan sinnaba uma ay malaysan karin in, 75 sano ka dib aan hortiinna soo istaago oon ka sheekeeyo shaqadii ay berigaa billaabeen. Laba sano kasta waxaan u yeernaa dadka la darsayo innagoo ka codsanna haddii ay diyaar u yihiin ka warcelinta dhowr weydiimo oo ku saabsan noloshooda.’ Robert oo hadallkiisa sii wata ayaa leh ‘kaliya su’aalo ma waydiinno. Waxaan ku dhex wareysannaa qololkooda fadhiga. Waxaan akhrinnaa warbixinnada caafimaad ee dhakhaatiirtoodu qoraan. Waxaan baaritaan ku sameynaa dhiiggooda. Waxaan sawirro (scan) ka qaadnaa maskaxdooda. Waxaan la sheekeysannaa ciyaalkooda. Waxaan filin ka duubnaa iyagoo xaasakooda kala hadlaya walaaca ay qabaan.’

Natiijada Daraasadda

Xiriirrada bulshada ayaa dadka aad u caawiya, kelinnimaduna wey dishaa. Qofka BULSHAYGA ah oo xiriir fiican la leh qoyska, saaxiibbada iyo bulshadaba ayaa caafimaadkiisa jir iyo maskaxba aad uga fiican yahay kan keliga ah oo xiriirkiisu yar yahay.

Dadka uu xiriirkooda bulsho yar yahay caafimaadkoodu xilli hore oo nolosha ayuu xumaadaa, shaqada maskaxdooduna hoos u dhac ayaa ku timaada waana ka cimri gaaban yihiin kuwa kale.
Xiriirka fiican oo leh kalsooni iyo in qofku qofka kale uu isku hallayn karo wuxuu sabab u yahay xusuus (awoodda maskaxda ee keydinta dhacdooyinka) xoog leh oo muddo dheer jiri karta. Dadka aan lahayn xiriir noocaas ahna waxay u nugul yihiin hilmaan xilli hore ah iyo xusuus taag daran.

Raggii yaraantooda xiriirka ay la lahaayeen hooyooyinkooda uu u xumaa waxay u badnaayeen in ay dhaqsi lawlawaan/cantatabaan markii ay duqoobeen.

Raggii yaraantoodii xiriir fiican la lahaa hooyooyinkooda waxay noqdeen kuwo aad ugu wanaagsan shaqooyinkooda.

Wuxuu xiriir ka dhaxeeyaa yaraanta walbahaarka marka la weynaado iyo xiriirka fiican ee lala leeyahay aabbaha inta la yar yahay.

Waxaa lagu soo koobay: macna ma laha fara badnaanta tirada xiriirrada ee waxaa macna leh tayada xiriirrada; xiriirro fiican oo waqti dheer jiraya waxay kor u qaadayaan tayada caafimaad ee maskaxda iyo jirkaba. Xiriirrada wanwanaagsan waxay saameyn weyn oo togan (fiican) ku leeyihiin jeelka iyo qanacsanaanta nolosha. Goerge Vaillant oo daraasadda 3 buug ka sameeyay wuxuu leeyahay daraasaddu waxay na tuseysayaa: ‘farxaddu waa JACAYL. Joogsi.’

Waxaa Qoray: Shaakir Maxamed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip