Faallo: Xarunta Dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ( Magaalada Gaalkacyo)

0
Monday October 10, 2016 - 10:19:02 in Maqaallo by
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Xarunta Dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ( Magaalada Gaalkacyo)

    Maxay tahay waxyaabaha shacabka wadadegan magaalada Gaalkacyo ka hor taagan horumarka inay Nabad ku wada noolaadaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay tahay waxyaabaha shacabka wadadegan magaalada Gaalkacyo ka hor taagan horumarka inay Nabad ku wada noolaadaan.

Gaalkacyo waa caasimada Gobolka Mudug waana magaalo si wayn u dhisantay waa magaalo astaan u ah dagaalkii sokeeyowaxii ka dambeeyey burburkii Soomaaliya waxaa u soo guuray dad ka soo qaxay magaalooyinka ugu waa weyn koonfurta soomaaliya sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Baladweyne dadkaa oo ah dad uu saameeyey Dagaalka sokeeye.

image

Magaaladda Gaalkacyo waxay u qaybsan tahay labo qaybood oo kala ah Xaafad ay dagaan beelaha Darood iyo Xaafad ay dagaan beelaha Hawiye waxaa jira beela kale oo soomaaliyeed oo iyaguna degan.

Dad baden ayaa aaminsan in dagaalka markasta ka dhaca magaalada Gaalkacyo inay sabab u tahay dhibaatada Qabiilka ama qabyaaladdu keento waxaa Waqti badan ku lumay in xal loo helo in dadkaa wada degan magaalada Gaalkacyo xal siyaasadeed oo nabad ku dhisan loo helo.

Dagaallada dadka Somaalida, waxaa uga dhintay kumannan ruux oo qiimo iyo qaaya wayn ugu fadhiyay Bulshada soomaaliyeed.

Dhanka kale Umadda Somaalida waxa ay hiddo iyo dhaqan u leedahay Qabyaalad gaamurtay oo lafaha iyo dhuuxa ka gashay,waana yaryahay ruux ka caafimaad qabo, Wadaad iyo Waranlaba, waxaan dhihi karaa dadka Somaalida Qabyaaladdu waxa ay u noqotay caqiido oo kale, ruuxa Soomaaliga ah meel uu joogaba waxaa wax kasta uga qiima badan, danaha reer Tolkiis, taas ayuuna wax kasta ka hormarinayaa. waqtiga la joogo dawlada aan dhisanayno waa in aan u marnaa qaabka qabiilka ee 4.5 ku dhisan arinkan oo ah wax caqliga ka fog in hab dawladeed qabiil lagu xaliyo

Cidina ma saadaalin karayso sida ay noqonayso iyo wadad loo maraya Mustaqbalka in nabad loogu wada noolaado magaalada Gaalkacyo .

waxaa wax la yaabo ah in maalin kasta qof shacab ah oo nolol ka samaystay magaalada Gaalkacyo in gurigiisa si gardaro ah looga dumiyo hadana la qixiyo

Waxaa ayaan darro in markasta si micno la’aan ah loo daadiyo dhiigga muwaadiniin Soomaaliyeed oo xaq u leh inay nabad iyo xasilooni ku noolaadaan. iyagoo wax shaqo ah kulahay siyaasada layku hayo ayna Garanen meesha ay u socoto. Khilaafkaa markasta Taagan

waad og tihiin Gaalkacyo maaha sida magaalada GAZA uu dhulku ku yar yahay gaalkacayo dadka wada degaan waxay hays taan dhulweyn oo cidla ah oo wax dega loo la yahay. waxaan wali aanen fahmin dhulka iska soo hor jeeda waxa la isugu qabanayo iyadoo dhul banaan la haysto aqliga magashaa colaadan waxaa ka danbeeya Dawlada Itoobiya ! ama dawlada shisheeye. Mise figrasa saxda ah waa Caqli xumada madaxda iyo Odayaasha bulshada ogaamiya oo Dani ugu jirto colaada .

Waxaa dalka Soomaaliya ka dhumay heerkii sare ee waxgaradnimada madaxa ugu sareeya Soomaliya,inay ka hor tagaan wax walba oo khilaaf keeni kara.

waxaa shacabka la daristey waxqabad la’aan iyo in shacabka rayidka ah ay dowladdda kala kulmaan dhaqan qabyaalad ku dhisan oo iska hor keenaya shacabka soomaaliyeed arinka oo nasiib daro ah kaas Tusaale kuugu filan waxa hada ka socda Hiiraan iyo Jawhar.

Waxaa hubaal ah in heshiiskii 1993 ay magaalada Gaalkacyo wax ku noqotey isla markaana uga soo baxdey burburkii dagaalka, ayna ahayd magaalada keliya ee dadkeedu ku heshiiyeen in ay nabad kuwada degaan cidna aan lagu xadgudbin, Heshiiska ayaa wuxuu sahlay in magaaladu si xawli ah u dhisanto

waxaa wax la yaabo ah in markii wadanka ay ka hirgashey dawlad Faderaal ah oo caalamku aqoon san yahay. in gaalkacayo iyo magaalooyin badan dib uga curteen colaadihii ku dhisnaa qabyaalada magaalooyinkaa oo kala ah sida Marka, Baladweyne Jowhar iyo Gaalkacyo.

Aniga iima muuqato wax weyn oo dhex yaala labada maamul oo kawada taliya magaalada Gaalkacyo maamulka Puntland waxaa hor yaal shaqo weyn oo ah in uu horumar ka hirgaliyo dhulka uu maamulkaa ka taliyo iyo siduu uga qayb qaadan lahaa in la helo soomaali oo ku heshiisa habsiyaasadeed oo qanciya shacabka soomaaloieed oo dhan.

Taamidlamid ah ay iyana sugaysa maamulka Galmudug oo ah in dhulka ay maamulaan ka hirgaliyaan horumar iyo dhiiri galiyaan in soomaaliya ka hirgasho in la helo siyaasad shacabka soomaaliyeed kuwada noolaan karaan

Maalinkasta markaad maqasho waxaa lagu dagaalamay magaalo ku taal wadanka soomaaliya waxaad soo xasuusaneysaadagaaladii sokeeye oo dal iyo dad-ba ay ku baaba’een. Ilaa iyo hadana wax is cafin iyo is raali gelin fiican aysan weli dhicin.

Suurta gal say ku tahay in aan wali aan laga heshiin wixii dhacay 26 sano ee dagaalka sokeeye oo uu ugu dan beeyo kan hada Gaalkacyo ka socda.

Mahamed Caalim

caalim68@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip