Weerar lagu Qaaday Hoteel Saxafi iyo Al-shabaab oo sheegatay Mas'uuliyada weerarka (SAWIRRO)

0
Sunday November 01, 2015 - 11:10:18 in Wararka by
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar lagu Qaaday Hoteel Saxafi iyo Al-shabaab oo sheegatay Mas'uuliyada weerarka (SAWIRRO)

    Ugu yaraan 12 qof ayaa oo ay ku jiraan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo milkiilihii hotel Saxafi ayaa ku geeriyooday, in ka badan 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen weerar Al-shabaab ay saakay ku qaadeen dhismaha Hotel Saxafi oo ku y

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 12 qof ayaa oo ay ku jiraan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo milkiilihii hotel Saxafi ayaa ku geeriyooday, in ka badan 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen weerar Al-shabaab ay saakay ku qaadeen dhismaha Hotel Saxafi oo ku yaalla isgoyska lambar afar ee magaalada Muqdisho.

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
Weerarkan ayaa ku billowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiya ayaa lagu jabiyay albaabka hore ee hoteelka, iyadoo markaas kaddibna ay kooxo hubeysan gudaha u galeen hoteelka, iyadoo weli la maqlayo rasaas dhacaysa.

"Kooxaha weerarka qaaday gaari miineysan ayay albaabka hoteelka ku jabiyeen, markii uu qaraxu dhacayna waxay gudaha u galeen hoteelka, iyagoo illaa hadda ay ku jira hoteelka gudihiisa," sidaas waxaa yiri C/rashiid Daahir oo ka tirsan saraakiisha dowladda Somalia.

Sarkaalka oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray. "Innagu illaa hadda waxaan ognahay inay ku dhinteen weerarkan 12 qof, balse ma sheegi karo sida ay kala yihiin." Wuxuuna weerarkan ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo amniga Muqdisho.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Abtidoon oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Somalia, milkiilihii Hotel Saxafi, C/rashiid Shire Il-Qayte iyo abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan [Dhego-badan] iyo wariyeyaal ka tirsan idaacadaha Muqdisho qaarkood.

Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay mas’uul ka tahay weerarka ayna xoogagooduna ay weli ka dagaallamayaan gudaha hoteelka Saxafi, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ay geysteen iyo midka loo geystay.

"Alle mahaddii waxaa ah in xoogaggeennau ay qabsadeen dhismaha hotel Saxafi oo dhan, kaasoo ay deggenaayeen xubno ka tisran dowladda Somalia iyo xubno ka tirsan dalalka soo duulay,” ayuu afhayeenka Al-shabaab Sh. C/casiis Abuu-Muscab ku sheegay hadal uu siiyay warbaahinta Al-shabaab.

Sidoo kale, Sheekh Abu-Mucab ayaa sheegay in xoogaggoodu ay hadda howlgallo gaar ah kawadaan gudaha Hoteel Saxafi, inkatsoo uusan sheegin howlgaladan nooca ay yihiin iyo sida loo fulinayo.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan, isagoo ka mid noqonaya weerarro dhowr ah oo sannadkan oo keliya lagu qaaday hoteello dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Hotel Saxafi ayaa ku dhow xarunta dambi-baarista booliiska Somalia ee CID, iyadoo la xiray waddada marta halkaas, ciidammo badanna ay dhooban yihiin agagaarka hotel Saxafi.

Wixii kusoo kordha weerarkan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee WWW.MOGTIMES.COM haddii ALLE IDMOINSHA ALLAAHU TACAALAA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip