Xildhibaan hore Xasan Abshir Faarax oo la beeniya in uu ku dhintay Weerarka Hoteel Saxafi

0
Sunday November 01, 2015 - 09:51:57 in Wararka by
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan hore Xasan Abshir Faarax oo la beeniya in uu ku dhintay Weerarka Hoteel Saxafi

    Ka dib markii Warbaahinta qaar ay qoreen warar sheegayaa in weerarkii saaka uu ku geeriyooday Xildhibaan hore Xasan Abshir Faarax, ayaa arintaasi waxaa lagu tilmaamay mid been abuur ah oo aanan waxba ka jirin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib markii Warbaahinta qaar ay qoreen warar sheegayaa in weerarkii saaka uu ku geeriyooday Xildhibaan hore Xasan Abshir Faarax, ayaa arintaasi waxaa lagu tilmaamay mid been abuur ah oo aanan waxba ka jirin.

Safiirkii hore ee Somaliya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko, ayaa sheegay in uu la xiriiray Xildhibaan Xasan Abshir Faarax, uuna badqabo.

Xildhibaan hore Xasan Abshir Faarax ayaa wuxuu ku sugan yahay Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, halkaasi oo todobaadkii la soo dhaafay uu u ambabaxay.

Warbaahinta qaar ayaa si aanan ka fiirsi laheyn waxa ay u qoreen warar sheegayaa in uu dhintay Xildhibaan Xasan Abshir Faarax, laakiin xaqiiqda arintaasi ayaa waxa ay noqotay mid been abuur ah.



Xildhibaan hore Xasan Abshir Faarax ayaa Axadii la soo dhaafay wuxuu xubinadiisi Baarlamaanka ku wareejiyay Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Abshir Xasan Abshir Faarax.

Xasan Abshir Faarax ayaa deganaan jiray Hoteelka Saxafi, laakiin xilligan ma joogo oo Nayroobi ayuu ku sugan yahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip