DIASPORA: MAXAA IS BEDELAY( 2012–2016)

0
Monday October 03, 2016 - 11:42:55 in Maqaallo by
  • Visits: 973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DIASPORA: MAXAA IS BEDELAY( 2012–2016)

    D–Baro: Dadka qaar ayaa beryahaan yiraa danyuus baro, marka ey ka hadlayaan qurba joogta Soomaalida, mafiicna, haddii aad walaalkaa tiraa danyuus, adna waxaad tahay danyuus walaalkii, ha isku wada qaadin dadku isku wada mid ma ahan waxeeyna u k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

D–Baro: Dadka qaar ayaa beryahaan yiraa danyuus baro, marka ey ka hadlayaan qurba joogta Soomaalida, mafiicna, haddii aad walaalkaa tiraa danyuus, adna waxaad tahay danyuus walaalkii, ha isku wada qaadin dadku isku wada mid ma ahan waxeeyna u kala qeyb sanyihiin Diasporadu sidan: 1-TACBAAN: waa mid qurbaha ku daahay ama asagoo da’ah tagay kana weyn 50 jir, waa howlgab inta badan Isbitaal iyo rug caafimaad ka ag dhaw, lafahiisoowna dhaqaajiyay.

2- TABLIIQ : Marba wadan ayuu tagaa, meel ceshata ayuu la’yahay, wadankiina kuma soo noqo karo oo tacab iyo tacliinba uma kordhin.

3-TACABUR: waa soow u tagay, asaga iyo caruurtiisuba soo ma noqonayaan.

4-TACBANE: Waa mid loogu talagalay camiil harawsi ah, dadka ugu faano aniga dowlad heblaa I wadata oo been ah, naftiisa iyo dadkana been u sheega.

5- TALAABSADE : Fannaan iyo sport, naftiisa iyo dadkaba ku maaweeliya, welina wadaniyadu raad ku leedahay.

6 –TARBIYA XUME: Xabsiyoow ku jiraa, qabri iyo qaabdaroow uuna sugaa.

7-TABANE: Masjid iyo samafal ururis ayaa howl maalmeedkiisu u badan yahay.

8-TIXRAACE: Webside iyo idaacadaa tiri ayuu dadka kula murmaa wax uuna xaqiiqdooda ogeyn.

9 –TARI FALE: Aabahii ayaa lacag uga dhintay ama dowladihii hore ayuu masuul ka mid ahaa ama asagaa kuwii dambe ka qaraabtay.

10- TAABAC: Qoladii timaadba waa la jiraa, waa taageere aan dhabtii aqoon sababta uu wax u taageerayo.

11-TIIRAANYEEYSANE: Sarkaal hore ama wadani daacad ah ayuu ahaa waxaa hortiisa ka muuqda tii hore iyo tan manta oo isku qaba la’.

12-TOOSANE: Ganacsade, Ilma koris iyo hami aduunaa waqtigiisu u badan yahay.

13-IS TUSE: Xisbiyada iyo hayadaha dalka uu joogo ayuu isku ekeeysiiyaa.

14-TAMASHLE: Qaad ayuu u soo doontaa Africa, gabdhahana ballan dhoofis ah ayuu ka qaadaa.


15- TECHNICAL COMMITTEE: Qaraabo, qiilana fuli, iska qardda jeex, qaajaa qurbaha kugula daahdee.

16- TOOBA SEEG: Waayeel dalka iyo diinta caayo.

17 –TIRTIRANE: Ceeyroow iska sugaa, aduun iyo Aakhiro halkaas xafiisoow ka sugaa.
18- TACLIIN: dalka wax u soo baro ayaa hamigiisa ku weyn.

19- TABARAA TIRI: Dalka iyo dadka kama tagi laheyn ee dantaa ku geeysay in uu go’aan kaas qaato.

20- TAAMAAYE: Raja ku nool.

21- TUUR XUME: Sida madaxa loo xiirto ama loo shanleeysto ma yaqaan.
22-TUXTUXLE: Passpot ajnabi ayaan wataa ayuu ku faanaa.

23- TOOSIYE: wuxuu ku fekeraa sidee xal loo helaa.

Kuwa kalena waa jiraane Haddii aad diaspora tahay adigu kumaa tahay? waxaad tahayba aniga walaalkeey dhiban ayaa tahay danyuusna ku dhihi maa. Haddiisa uu danyuus jiro waa ka……
Maqaalkaanu waa qayb yar oo ka mid ah maqaalkii SHAKAALKA ee 9/1/2012. Website ka Mog times. Hadda maxaa isbedelay?.

NB.Ka raali noqo in aan kugu dheereeyay war laga yaabo in aadan wax ka faa’iidin, oo murti la’ aan ah ,ama aadan wax ka fahmin,shakhsi gaar ah ha u macneeyn hana ku dabaqin qormadaan, wixii aan ku gafay iga cafi, wixii aqoon dariyi ii geeysay iga sax. waa balan in aan kaa qaato.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip