Madaxweynaha Galmudug oo dhaliilay Maamulka Puntland

0
Wednesday September 28, 2016 - 21:38:09 in Wararka by
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Galmudug oo dhaliilay Maamulka Puntland

    Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed oo galabta si deg deg ah ugu laabtay Magaalada Cadaado, ayaa waxaa uu dhaliilay Maamulka Puntland, oo uu ku eedeeyay in markasta uu dadka reer Galmudug ku eedeeyo Shabaabnimo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed oo galabta si deg deg ah ugu laabtay Magaalada Cadaado, ayaa waxaa uu dhaliilay Maamulka Puntland, oo uu ku eedeeyay in markasta uu dadka reer Galmudug ku eedeeyo Shabaabnimo. Madaxweynaha, ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay in nabad ku wada noollaashaha labada maamul, ay ka jirto oo keliya dhinaca Galmudug, isagoo Puntland ku eedeeyay inay taasi ka gaabinayso.

Madaxweynaha, ayaa wuxuu dhibaato aad iyo aad u foolxun uu ku tilmaamay weerarkii dhinaca cirka ee saakay duleedka Magaalada Gaalkacyo lagula eegtay Ciidamada Galmudug.

C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Galmudug, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in maalin kasta ay Madaxda Puntland dadka reer Galmudug ku sifeeyan kuwo tirsan Al Shabaab,xilli Galmudug ay dagaal adag kula jirto Shabaab, sida uu yiri.

Waxaa uu soo hadalqaaday in ay la xiriireen dhammaan intii ku lugta laheyd duqayntaasi, isla-markaana uu u socdo wada hadal, iyadoo uu rajo ka muujiyay in natiijo wanaagsani ka soo bixi doonto.

Dowladda Dhexe Somaliya iyo Maamul Goboleedyadii ka qayb qaatay heshiiskii Galmudug iyo Puntland bishii November ku wada gaareen Magaalada Gaalkacyo, ayuu ugu baaqay in laga fiirsado dhibaato uu muujiyay in dhanka Puntland kaga imaanayso, isla-markaana aanay arrintu sidaan ku sii socon karin.

Guuleed, ayaa dadka reer Galnmudug ugu baaqay inay is dejiyan, isla-markaana aanu ka tan-badin ciilka iyo carrada ay qaadeen duqayntaasi, isagoo yiri wax kastoo dhaca xal baa laga gaaraa.

Iyadoo uu Saxaafadda kula hadlaayay Garoonka Magaalada Cadaado, ayuu xusay inay Puntland u arkaan maamul la deris ah Galmudug, iyana ay uga fadhiyan sidaasi si lamid ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip