Shabaab oo Madaafiic ku garaacay Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan

0
Tuesday September 27, 2016 - 11:19:43 in Wararka by
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo Madaafiic ku garaacay Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan

    Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan, Ururka Al Shabaab ayaa tiro madaafiic ah waxa ay ku garaaceen Saldhiga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan, Ururka Al Shabaab ayaa tiro madaafiic ah waxa ay ku garaaceen Saldhiga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolkaasi. Madaafiicdaan ayaa Shabaabka waxa ay ku garaaceen saaka aroortii Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee Halgan, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab duleedka Deegaankaasi ay ka soo tuureen dhowr Madaafiic ah.

Dadka ku nool Deegaanka Halgan ayaa Warbaahinta u sheegay in Dhowr madfac ay soo dhaceen, balse aysan ogaan karin Khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada Itoobiya ka soo gaaray Madaafiicdaasi ku soo dhacday Saldhiga ay ku sugan yihiin.

Madaafiicda kadib ayaa ciidamada Itoobiya waxa ay ku dhaqaaqeen jihadii ay ka soo dhaceen Madaafiicda, inkastoo aanan la ogeyn inay la kuleem Raggii Madaafiicda soo tuuray iyo in kale.

Al Shabaab ayaa Idaacada Andalus ee afkooda ku hadasha waxa ay ka sheegeen tiro Madaafiic inay gudaha ugu dhacday Saldhiga ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Deegaanka Halgan.

Xaalada Deegaanka Halgan ayaa degan, balse ciidamada Itoobiya ayaa wada dhaq dhaaqyo Millateri oo ay ugu roondeynayaan wadada laamiga ah iyo wadooyinka dhanka howdka xiga.

Ururka Al Shabaab ayaa xilliyada qaar sidan oo kale Madaafiic ugu garaaca Saldhigyada ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Gobolada dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip