WAA WARAR WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 31-KA AGOOSTO 2015-KA

0
Monday August 31, 2015 - 10:31:50 in Wararka by
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARAR WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 31-KA AGOOSTO 2015-KA

    MADAXWEYNE XASAN OO LA KULMAY DHAXAL SUGAHA IMAARAADKA CARABTA Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxa muud iyo wafdiga uu hogaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka heley Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Khalifa bi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN OO LA KULMAY DHAXAL SUGAHA IMAARAADKA CARABTA Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxa muud iyo wafdiga uu hogaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka heley Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa kulan la qaatay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al-nahyaan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

 


Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii loo abuuri lahaa iskaashi cusub oo ay labada dal samee yaan, waxaana uu dhaxal sugaha ballan qaaday in Soomaaliya ay ka caawinayaan dib u dhiska ciid anka, tababarsiinta iyo qalabeyntooda.

Sheekh Maxamed bin Zayed Al-nahyan dhaxal sugaha Imaaraadka ayaa tilmaamay in ay ka go’antahay sidii ay mar waliba u caawin lahaayeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in bisha September ay qaban doonaan shirweyne looga hadlay sidii maalgeshi loogu sameyn lahaa oo ay ka wada qeyb geli doonaan ganacsato Imaaraadka ka soo jeedaiyo ganacsato Sooma-aliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay Dowladda Imaaraadka taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada , Cali Axmed Jaamac (Jangeli) iyo mas’u uliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO MUQDISHO KA FURAY SHIR DASTUURKA SOOMAALIYA LOOGA HADLAAYO

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shalay Magaalada Muqdisho, wuxuu ka furay shir looga tashanaayo dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka oo Bulshada rayidka ay fikrado ka dhiibanayaan.

Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Dastuurka Xukuumadda Federalka Soomaaliya, waxaana tallooyin laga uruurinayaa Bulshada Rayidka oo ka kala timid dhowr Magaalo oo Gobolada dalka ka tirsan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo shirkaan furay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la helo fikradaha dadweynaha, si loogu biiriyo howsha dib u eegista Dastuurka Soomaaliya.

Ku Simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu sheegay Fekradaha ka yimaada Bulshada Rayidka ee Shirka ka qaybgal aayo in lagu dabaqi dooni intii wanaagsan Dastuurka Soomaaliya.

Bulshada Rayidka ee Shirkaan ka qaybgalaysa ayaa ka kala timid Maamulada, Jubbaland, Galmudug, Puntland iyo Gobolka Hiiraan, waxa ayna intii uu shirkaan socdo isdhaafsan doonaan tallooyinka ku aadan Dastuurka Soomaaliya

Dastuurka Somalia oo ah mid KMG ayaa la doonayaa in dib u eegis lagu sameeyo, kadibna laga saaro qodobada qaar oo lagu soo daro qodobo kale, kadibna afti dadweyne loo qaado.

Ahmiyad weyn ayuu u leeyahay Somalia Dastuurka, balse Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka gaabisay sidii loo horumarin lahaa Dastuurka dalka, dadkana tallooyinkooda looga qayb gal in lahaa.

R/WASAARE CUMAR CABDRASHIID OO GAARAY MAGAALADA KISMAAYO ..

R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane: Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke ayaa shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose iyadoo ay garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyeen Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Ku xigeenkiisa Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere iyo dadweyne farab adan.

Xubnaha R/Wasaaraha safarkiisa ku wehelinaya ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Odowaa Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Wasiir ku xigeeno iyo xubno kati rsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Safarka R/Wasaare Sharma’arke iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in ay ka wadahadalaan sidii dib caadi loogu soo celin lahaa xiriirka ka dhexeeya dowlada Federalka iyo maa mulka Jubba.

Bartamihii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa Axmed Madoobe lagu doortay magaalada Kisma ayo mana jirin wax war ah oo ka soo baxay dowlada federalka ee ku saabsan doorashada.

C/QAASIM SALAAD: "MA JIRTO WAX ISKA BEDELAY XILLIGII KMG-NIMADA, SOOMAALIYANA UMA BISLA NIDAAM FEDERAAL AH” .

Madaxweyniha Dowladdii Carte ee lagu dhisay shirka Jabuuti ayaa markii ugu horeysay si kul ul uga hadlay xaaladda waddanka, isagoona sheegay in Soomaaliya ay ku dhacday masiibo xagga Rabbi uga timid, taasi oo ka soo bilaabatay xukuumadii milateriga Maxamed Siyaad ilaa iyo maanta.

C/Qaasim Salaad Xasan oo u waramayay Telefishanka Universal ayaa weriye C/Salaan Hereri wuxuu bal inuu ummadda u sharxo dhibaatooyinka Soomaaliya heysta halka ay ka soo asaasmeen iyo xalka mushkiladda dalka.

"Anigu waxaan oran karaa Soomaaliya waxaa ku dhacay masiibo uga timid xagga Rabbi” ayuu yiri Madaxweynihii hore C/Qaasim Salaad Xasan oo sheegay in cadow gudaha ah iyo dibadda ay ku hayaan dagaal dhinac kasta looga keenay.

Waxaa kale oo uu sheegay Madaxweynaha Dowladdii Carte in mar uu Soomaaliya tegay xill igii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, isla markaana uu ku biiriyay talooyin ku aaddan sidii dowla ddu door uga qaadan lahayd dib u heshiisiinta beelaha iyo arrimo kale, taasina ma dhicin duruufo bad an oo dalka ka jiray awgeed.

Madaxweynaha oo ka hadlayay isbedelkii Soomaaliya ee lagu soo dhisay Dowlad federaal ah iyo in dalka uu ka baxay xilligii KMG-nimada ayaa sheegay inaysan jirin wax iska bedelay, marka loo eego dhinacyada amniga, ciidamadii dalka oo aan dhisneyn, mushaar la’aanta shaqaalaha Dowladda oo uu kor ka yahay Baarlamaanka iyo arrimo kale.

"Ma jirto wax iska bedelay xilligii KMG-nimada, Soomaaliyana uma bisla nidaam federaal ah” ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan oo muddo ka badan toban sano degan magaalada Qaahira ee wadanka Masar.

Isagoo sii sharaxayay sababta arrintaan ay ku timid, waxa uu sheegay C/Qaasim Salaad in nidaamkani ka mid yahay dagaal ay wataan reer galbeedka oo lagu burburinayo dalka, waayo buu yiri Soomaaliya marka wanaag lala doonayo waxay ahayd in marka hore laga dhayo burburkii gaaray, ka dibna dalka uu ka dhaco maamul ay dadku iska leeyihiin oo degdegmo wax u dooran kara, balse federaalka hadda Soomaaliya ka jira waa qabiil.

WASIIRADDA HAWEENKA SOOMAALIYA OO KA HADASHAY XAALADAHA KA JIRTA MAGAALADA MARKA

Wasiiradda Haweenka Xukuumadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar oo ka mid ah Mas’uuliyiintii Dowladda ee darraad tagay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegtay in Booqashadeeda Marko ay tahay sidii ay wax uga ogaan lahayd tacadiyada ay la kulmaan shacabka Marka ku nool.

Magaalada Marka ayaa waxaa daraad gaaray wafdi uu hoggaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, iyagoo kulammo la qaatay saraakiisha AMISOM ee degmaadaas ku sugan.

"Aniga halkan uma imaan howlo siyaasadeed ee waxaan u imid dhibaatooyinka Xuquuqul Insaanka ee ka jira Marka inaan ogaado, waxayna aheyd inaan mar hore imaado si aan wax badan uga ogaado xaadaladaha shacabka,” ayay qaar ka mid ah shacabka degmadaas u sheegtay wasii radda haweenka Sahro.

Sidoo kale, Wasiiradda Haweenka ayaa shacbka ku nool Marka uga tacsiyeyshay dilkii loo geystay bishii hore koox dad ah oo ku sugnaa xaflad aroos, kuwaasoo ay dileen ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM.

Dhanka kale, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna sheegay in degmada Marka dhawaan ay noqon doonto meel ammaan ahaan aad u wanaagsan, shacabka degmadaas ku noolna ay heli doonaan ammaan buuxa.

"Al-shabaab yaanan laga cabsan Alle ayaa Wax Dila, Al-shabaab dhawaan waa laga adkaan doonaa ee aan iska dhicinno innagoo wadajirna,” ayuu isna ka sheegay Magaalada Marka Madaxw eynaha Koonfurgalbeed Soomaaliya, Shariif Xasan.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo isna ka hadlay xaaladda ka jirta Degmada Marka ayaa sheegay in degmadaasa ay tahay degmo la dayacay oo aanu ka jirn amni la isku halleyn karo.

WASIIR SAALAX "MILKIILAYAASHA HOTEELADA WAA INAY DADKA NAAFADA U SAMEEYAAN MEEL AY KA GALAAN HOTELKA"

Wasiirka howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ku amray Milkiilay aasha Hoteelada iyo Dhismooyinka dhaadheer ee ku yaallo Magaalada Muqdisho in dhismooyi-nkooda ay ku soo daraan meelo ay ka galaan dadka Naafada ah.

Eng. Salah Sheekh Cismaan, Wasiirka howlaha Guud iyo dib u dhiska ayaa sheegay dadka naafada inay ku dhiban yihiin sidii ay u kori lahaayeen daaraha dhaadheer ee Magaalada ku yallo, xilli ay jiraan adeegyo muhiim ah oo ay ka doonayaan xarumahaasi.

Wuxuu faray Milkiilayaasha Xarumahaasi si deg deg dadka naafada inay ugu soo kordhiyaan meelo sahli kara dadkaasi inay ka galaan Dabaqa si ay u helaan adeegyada ay doonayaan.

Dabaqyo dhaadheer ayaa ku yaallo Magaalada Muqdisho oo dadka naafada aysan u fudud aan karin inay si dhaqsi ah ku fuulaan.

Haddii arintaan ay hirgeliyaan Milkiilayaasha Daaraha dhaadheer ee Magaalada Muqdisho, ayaa tani waxa ay wax badan ka bedeli doontaa dhibaatada dadka naafada ay ku qabaan koritaanka goobahaasi.

XILDHIBAAN DAAHIR AMIIN "SHABAAB BADAN AYAA BELADWEYNE KU SOO QUL QULAYA”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuna sugan Magaa lada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay Magaalada inay ku soo qul qulayaan Dhalinyaro badan oo Shabaab ka tirsan.

Daahir Amiin Jeesoow, ayaa ku sheegay sababta Shabaab Beladweyne ay u galayaan inay tahay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Amisom inay Shabaab ka saareen Deegaano badan oo Gobolka ka tirsan, sidaasi awgeedna Shabaabka ay miciin bideen Magaalada inay dhuumaleysi ku galaan.

Waxa kale uu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, Saraakiisha ciidamada ammaanka Magaalada Beladweyne in laga doonaayo inay galaan feejignaan badan oo dhanka ammaanka ah si looga hor tago qataraha ay sameyn karaan Dhalinyaradaasi Shabaabka ka tirsan.

"Waxaan la soconnaa in Degmada Beladweyne ay soo gaarayaan Al-Shabaab, sababtoo ah meel ay tagaan malahan, magaalada ayeey naf la caari ku soo yihiin, sidaa darteed waa in saraak iisha amniga ay howlgallo sameeyaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Isaga oo hadalka sii wata Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, waxa uu ugu baaqay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya inay gurmad la gaarto dadka ku nool deeganadii Ururka Al Shabaab ciidamada ay ka saareen.

"Wasaarada Arimaha Gudaha waxaan ugu baaqeynaa shacabka inay u gurmato, weli dadka ku nool deeganadii Shabaabka laga saaray xaaladooda ma fiicno gurmad ayeey u baahan yihiin.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Jeesoow.

Magaalada Beladweyne oo xarun u ah Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ka dhaca dilal qorshey san oo lagula kaco dadka nabadoonada iyo xubnaha la shaqeeya Maamulka Gobolka.

NAAFADA DEGEN ISBITAAL MARTINI OO KA CODSADAY DOWLADA IN AAN LAGA RARIN ISBITAALKA

Ciidamadii ku naafoobay dagaalkii 1977-dii kuna nool qeybo ka mid ah Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday dowlada Federalka in aan laga rarin halka ay degen yihiin maadaama sanooyin badan ay ku noolaayeen.

Dadka naafada ah ee degen isbitaalka Martini ayaa sheegay in taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe uu amray in si deg deg ah ugaga guuraan isbitaalka ay degen yihiin.

Afhayeenka qoysaska degen isbitaal Martini Cabdi Mahad ayaa sheegay in saraakiil ka socota ciidamada xoogga dalka ay ku amreen in muddo 15 maalmood ah ugaga guuraan isbitaalka.

Ciidamadii ku naafoobay dagaaladii 1977-kii ayaa waxa ay ka codsadeen dowlada in haddii laga saarayo xerada ay mudada dheer degenaayeen ayna badbaadiyeen dhismaha isbitaalka la siiyo dhul ay ku noolaadaan.

Dowlada Federalka ayaa haatan bilowday in ay xarumihii hore u lahaayeen dowlada si tartiib tartiib ah loogaga saaro dadka deggan, dhowaan ayaa wasiirka warfaafinta dowlada federalka uu booqday carwadii hore oo ay degenaayeen fanaaniinta Soomaaliyeed waxana uu ku amray qoysaska aan ahayn fanaaniin ee degen xaruntaas inay isaga guuraan.

GOLAHA WAKIILADA SOOMAALILAND OO DIIDAY IN KEYDKA SHIDAALKA BERBERA LAGU WAREEJIYO SHIRKADO ..

Golaha Wakiiladda Soomaaliland ayaa shalay diiday inay Heshiish Xukuumaddu la gashay Shirkaddo Gaar ah si ay Haamaha Shiidaalka Kaydka Berbera ugu Wareejiso.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa Mooshin ka dhan ah Heshiish ay Xukuumaddu la ga shay shirkaddo gaar ah si ay ugu wareejiso Haamaha shiidaaka Berbera kuwaas oo ay ku tilmaam een mid kooto loogu xidhayo shirkaddo gaar ah oo aanay dadku u sinayn taas oo sharci jabin ku tilm aameen.

Xidhibaan Maxamed Saalax oo golaha ka hor akriyey mooshinkan ayaa sheegay inuu mooshi nkani daaran yahay sida aanay sharci u ahayn in cid gaar ah lagu wareejiyo Kaydka Haamaha Berb era, isla markana xusay in goluhu doonayo in dawladdu maamusho lana hoos geeyo wasaaradda Ganacsiga.

"Mooshinkani wuxu ku saabsan yahay heshiishyadda xukuumaddu ku doonayso inay ku wareejiso Haamaha Berbera waxaana diidaya qodobka 22 aad ee dastuurka oo sheegay in aan cid gaar ah kooto loogu xidhi Karin Haamaha shiidaalka iyo goobaha dawladda haddii cid kale agu war eejinayaya tartan loo galayo si muwaadin kasta ula tartamo "ayuu yidhi Maxamed Saalax oo ka mid aha xildhibaanadda mooshinka wadday.

Intaas kaddib Guddomiyaha golaha Wakiilada C/raxman Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa she egay in loo codeeyo mooshinka; waxaana in heshiishkan la laalo ogolaaday 40 xildhibaan halka sagaal xildhibaana diideen laalistaasi shan kalana ka aamusee gudoomiyuhuna aanu codeyn.

Guddoomiye xigeenka koowaad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo mudaneyaal taageersanaa heshiiska xukumaddu ku wareejinayso Haamaha ayaa fadhiga iskaga baxay kadib markii ay arkeen in aqlabiyadda goluhu diidan tahay heshiiskaasi, waxaana shir gudoonka golaha dhammeeyay Guddoomiye Cirro oo uu weheliyo kuxigeenka 2-aad Cali Aw Yuusuf.

Qaraarka Holaha Wakiilladu ku Laaleen Wareejinta Haamaha Berbera ayaa ka Dambeeyay markii guddida ilaalinta hantida qaranka iyo Dabagalka Musuq-maasuqa ee Wakiilladu soo saartay warbixin sheegaysa in xukumaddu sanadkii ka hesho Haamaha 24-milyan oo Dollar, sidaas darte edna ay tahay hay’ad muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee ilaa hadda Xukuumaddu kama hadal Arrintaasi, waxayna Wareejinta Haamaha shiidaalka dadweynuhu intooda badan u arkeen khalad, iyadoo Mawduucani ahaa kii loogu hadal haynta badaa toddobaadkan.

DAGAAL KOOXO HUBEYSAN U DHEXEEYA OO SHALAY KA DHACAY DEEGAANKA QORILEY EE GOBOLKA SOOL

Dagaal Sababay Dhimasho iyo Dhaawac ayaa lagu soo Warramayaa inuu Shalay ka dhacay Tuulada Qoriley oo 86-KM Koonfur-bari kaga Aaddan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dagaalkan oo u dhaxeeya laba dhinac oo Sannado badan colaado dhexmarayeen inkastoo dhowr jeer oo hore lasoo afjaray, dagaalkan oo la sheegaey inay lix qof ku naf-waayeen; halka ay ku dhaawacmeen afar ruux oo kale.

Aadan Cabdi oo ku sugan deegaanka Qoriley ayaa HOL u sheegay in Dabley Hubaysan oo ka timid deegaanka Burtinle ee Gobolka Nugaal ay soo weerareen tuulada; wuxuuna intaas ku daray ina an la sixi karin khasaaraha Madaama uu Deegaanku yahay mid Kaymo badan; balse buu yidhi dhim asho iyo dhawacba way jiraan labada dhinac.

Ma jiraan ilo Madax bannaan oo laga heli karo Xaqiiqda dhabta ah ee Tuuladaas ka jirta; wax aase warar ku dhow goobta ay sheegayaan in ciidan urursi uu halkaasi ka jiro; lagana cabsi qabo in mar kale uu dagaal ka dhaco.

Ugu dambeyn, Sanand iyo Barayaa laga joogaa markii dhinacyo tuuladaas ku dagaallamay xabad joojin la dhex-dhigay; ka dib colaado u dhexeeyay 15-sano oo halkaas ka socday; iyadoo sida la xaqiijiyay ay colaaddan soo celisay markii 28-kii bishan dablay hubeysani ay weerartay nin ku sugnaa Agagaarka Cagaare oo aan wax badan ka fogayn tuulada Qoriley.

QARAX KHASAARO GEYSTAY OO KA DHACAY MAGAALADA GAROOWE

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in xalay Magaaladaasi uu ka dhacay qarax khasaaro geystay.

Qaraxaan oo ahaa Bambada nooca gacanta laga tuuro, ayaa la sheegay inuu ka dhacay gaari yar oo yaallay wadada dhinaceeda, wuxuuna yaallay gaariga Suuq Inji halka loo yaqaan, meel ku dhaw mehrada Xalwo Kismaayo.

Saddex ruux ayaa la sheegay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ahaa Dhalinyaro wadada dhinaceeda mareysay xilliga Baabuurkaan Bambada ay kasoo dhacday.

Baabuurka qaraxa uu kasoo dhacay, ayaa la sheegayaa inay wadatay haweenay, ilaa hada lama oga waxa qaraxa u saaray haweenaydaasi gaariga ay wadatay iyo ujeedka ay laheyd intaba.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay Isbitaalka Magaalada Garoowe, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibaayo.

Booliska Magaalada Garoowe, ayaa sheegaya inay baaritaan ku sameynayaan qaraxa iyo sida uu gaariga uga soo dhacay, iyadoo dadkii ku sugnaa meesha qaraxa uu ka dhacay ay kala yaaceen xilliga bambada ay qaraxday.

Magaalada Garoowe, ayaa waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ammaankooda fiican yahay, marka loo eego ammaanka deeganada Maamulka Puntland.

DAB QASAARE GEYSTEY OO QABSADAY DHISME AY DAD BADAN DEGENAAYEEN MAGAALADA KHOBER.

Ugu yaraan toban ruux ayaa ku geeriyootay labo boqolna waa ay ku dhaawacmeen dab qabsa day dhisme ay degenaayeen qoysas badan magaalada Khober boqortoyada Sacudi Carabiya.

Dhismahan oo ay dadka degen u badnaayeen dad ajnabi ah oo u shaqeeya shirkadda shidaal ka boqortoyada Sacudi Carabiya ee Saudi Aramco bariga magaalada Khober.

Lama oga sababta dhalisay dabkan hase yeshee wararka ayaa waxa ay tilmaamayaan in `dad badan ay ku xayiran yihiin dhismaha.

Dowlada Sacudi Carabiya ayaa u isticmaalaya diyaarado helikabtaro ah daminta dabkan iyadoo qasaaraha ka dhashay dabkana uu isa soo tarayo.

Shirkada Aramco ayaa waxaa u shaqeeya shaqaale badan oo ajaaniib ah oo ay Soomaali ku jirto. Hase yeeshee lama oga in dadka waxyeelada ka soo gaartay dabkan ay ku jiraan dad Soomaali ah.

Shirkadda Aramco ayaa sheegtay in ay bilowday baaritan ay ku dooneyso in ay ku ogaato sab abta dhabta ah ee dhalisay dabkan.

XILDHIBAANKA KURSIGA IIBSADAYOOW GONDAHAAGA KA DAY GEERIDII GALBEED LAGA SHEEGAY ‘LABA WADDO MID DOORO’ {Maqaal}

Golaha Baarlamaanka Federaalka oo jirsaday muddo saddex sano ah, isagoo qabtay howlo intooda badan dhaliilo aan la koobi karin ay ku wareegsan yihiin oo ku saabsan inuu ka gaabiyay hwolihii looga fadhiyay ayaa waxaa intaas oo dhan uga sii darnaaday culeyskii ugu weynaa ee soo food saaray ka dib guddoonka Golaha gacanta laga saaray mooshin la doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo lagu soo eedeeyay qodobadii ku qornaa 9-kii bog ee ay soo gudbiyeen 93-ka Mudane.

Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan aqoonyahanada, siyaasiyiinta dadka u dhuun daloola arr imaha siyaasadda waxay siyaabo kala duwan uga hadleen mooshinka xasaasiga ah ee Madaxweyna ha laga gudbiyay, iyagoo 85% isku raacay in xilligaan uusan ku habooneyn mooshinka, iyagoo maq aarka meelo dal daloola ka dayaya.

Qeyla dhaanka qiilka loo sameynayo ee ka soo yeereysa, inkasta oo ay xor u yihiin, hadana Baarlamaanka Federaalka ayaa looga fadhiyaa inuu ka tallaabsado tijaabadii ugu weyneyd ee ka meyri karta rubuc ka mid ah ceebihii laga sheegayay, isla markaana dib u soo celineysa kalsoonida ay ku qabaan shacabka ay magacooda matalaan ee intooda badan aaminay inay Xildhibaanadu kur-siga iibsadeen macaashka ugu weynna uu ka soo galo howlaha mooshinada ee aan wax dan ah ka lahayn dal iyo dad toona.

Ma aha wax cusub in Baarlamaanka Federaalka uu kala saaro haddii ay isku dhacaan Madax tooyada iyo Wasiirka koowaad ay ku kala saari jireen codka Mudanayaasha Baarlamaanka, iyadoo laba Ra’iisal Wasaare oo soo maray xukuumadda Madaxweyne Xasan degdeg u xaliyay, ka dib mar kii ay waayeen kalsoonida Golaha.

Si kastaba ha haatee inkasta oo Soomaalida cusub tahay Madaxweyne waayay codka kals oonida Baarlamaanka, hadana waxaa is barbar yaala laba sababood oo mid kasta culeyskeeda wadata.

1. In Baarlamaanka uu sameeyo isbedel dhinaca xukuumadda ah soona doorto Madaxweyne cusub oo soo dhisa dowlad kahor inta uusan wakhtiga ka dhicin, isla markaana isagoo kaashanaya waaya aragnimadii uu ka dhaxlay xukuumadii ka horeysay uu saxo eedeymaha faraha badan ee Golayaa sha Xukuumada Federaalka.

2. Haddii uu Baarlamaanka isku ka meermeero meel marinta mooshinka luqunta ugu jira, waxaan cidna daah ka saarneyn inay ku dhaceen imtixaankii ugu weynaa ee soo maray taariikhda, cimriguna ugu dhammaanayo meel cidlo ah.

Madaxweyne Xasan oo isagu horay uga horjeestay mooshinka laga gudbiyay, ayaa markaan godkiisa biyo ugu soo galeen, isagoo geed dheer iyo mid gaaban u koray sidii loo kansali lahaa moo shinkaasi, isla markaasina shirar badan la qaatay guddoonka Baarlamaanka, waxaana markaan heys ata mahmaahdii ahayd "Ka hari weysaye waa ku heysataa!!”.

Xaqiiqdu waxay tahay in odayga markaan uu booska banneeyo, mar haddii uu shaqada ka ceyriyay laba Ra’iisal Wasaare isagoo u maray Baarlamaanka ma jirto sabab diideysa in cod la geliyo kalsoonidiisa xitaa haddii ay hal toddobaad ka dhiman tahay mudada xukuumadda.

Mooshinka cudurka ku noqday Madaxweynaha wuxuu daawo u yahay sharafta iyo sumcadda Baarlamaanka oo caddeyn u noqoneysa awoodda uu u leeyahay inuu xaliyo mushkiladaha ku yima ada qaanuunka dowliga ah ee dalka, mar haddii taa la waayana mugdi ayay ku jirtaa in dalkeena uu helo dowlad badbaado u noqota dadkeeda iyo dalkeeda.

Waxaa Qoray: Qorane Axmed Saciid

E-mail: baabka@gmail.com

 

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN {SHEEKO TAXANE AH}.

Q/57-aad

Ogowna macaanto iney jirto murti oraneysa {laba waxyaabood oo naarta lagu galo ayaa jirto

1-inaad miyuusiga iyo heesaha aad isa siisid iyo 2-inaad naagaha u Ooysid} Iyo mid kale oo Oraneysa {Naagaha indhahooda wey xeelad badan yihiin marka muujadooda qayaanada ku soo qaa bishana yeelo xeelad aad isku badbaadiso}

The best girl in asia{Naag haddii lagaaga sheekeeyo ,waxba haka shee gin},XulBeella Abbaayo Macaan waxaan hubaa in aad ii soo bandhigi doontid hadallo aan ku qanco fikrad aan kashadana aad soo saari doontid waxa ana ahay macaanto wiil mar walbaaba ku faraxsan la noolaanshahaada jecelna sheekadaada kaftank aada,fara ka ciyaarkaada,aanan marnaba ka daal eyn.

Macaanto waxaa I deeqay jirkaada dhisan ee haddana isku dheelli tiran,gacaliso qurux alle wuu kuugu deeqaye yaad anfac ugu gashaa Xul-Beella Abbaayo Macaanto, waxaan jeclahay huunno inaan kaa…………. ogoowna habeen iyo maalininaad qalbigeygaaad dhex hurddo

Macaanto Xul-Beella,waxaan jeclahay inaad gacanta midigta aan kuugu keeno mac-macaan la cuno gacanta bidixdana aan kuugu dhiibo ubax qurux badan oo hadiyad ah, indhaha beni;aadam kana u soo jiito sawirro iyo Dhan-Baallo kale oo mu hiim ah,mar walbaa aan kulanno aan kuu sheego aqbaar farxad leh . Midda kale waxaan jeclahay gac aliso inaan laabta laabta kuu saaro qalbigaadana ku nasto ilaahna inaga dhigo lammaan ayaal uu qal bigoodu isku xiran yahay sida laba ubax oo lamma ane ah axdigii ay wada dhigteena alle uu la garab galo , dooqeyguna waa abuuridda qurxinta iyo waraabinta ubaxa jardiinooyinka aqalkeenna ka baxa maka aan hurdada ka soo toosana dhaaya haygu ayaa ku raaxeysta……

Marka aan hurdada ka soo toosana dhaayaheygaayaa ku raaxeysta,midda kale C/qaadir Abboowe Macaane dabeecaddaadu waxaa ay tahay haddiiba aanu wada kulanno in aad inaad ………. marka aan ku casuumayana waxaan miiske yga ku diyaardoonaa cuntada faakihada loo yaq aanno ee noocyadeeda kala ah = Quraarad Malab ah nooca xabag bariishiga ama gowlaalka loo yaqaano iyo qaadadeeda,dhowr xabbo oo Tufaax ah,Rumaan,Seytuun, Timir Canab, Buskud, Garaasiini,Sanbuus ,Xalwo,Xanjo,Lows,Kashaato,Daango,Xabxab, Doolshe, kabaab iyo cabbit aanno kala nooc ah sida:-Faanto,Cocacolla,Sprte, Casiirlimooni.

 

Midd ka Galiye dhallinyaradu waxaa ay isku qaldaan dooqa,ka helidda waxaana waxaa kale oo ay isku qalddaan Damaca iyo Jaceylka aniguse fikir ahaan waxaan qabaa iney kala duwan yihiin doo qa iyo ka helidda ,

Haddaba ka helitaanka waa wax iska caadi ah sida adigoo ka hela ruuxa dabee caddiisa, shee kadiisa,quruxdiisa iyo socodkiisa hannaanka ama qaab dhismeedka jirkiisa isku dheelli tiran.

Dooquse waa wax ku saleysan ama saldhig u ah guurka waayoo qofku wuxuusan dooqiisa ka helin ama uusan xulan kana baaraan degin kuma dhiirran karo inuu nolosha la qeybsado balse dhallin yarada badankood xulashadooda kama fiiriyaan meelo badan ee nolosha ayey si fudud ku wada agaan iyagoo aan ka fiirsan sahan badannasameyn,

Midda kale Gacaliye C/qaadir nolosha dhabta ah bilowgeedii waafiraashka {gogosha}

haddii aad gogosha igu qanciso waa sidii la rabay haddii kalena noloshu dhadhan ma laha.

waxa badan waxaan maqli jiray sheekooyinka laga soo tebiyo aroosyadaiyo laba walbo oo nolosha guri qura ku wadaagay,qaar ayaa noloshooda waxaa ay aheyd mid aan la qaadan karin labada shaq sina mid baan qanacsaneyn oo aan ku samirsaneyn la noolaanshahaqofka kale ee dhiddigga ah dhiggiisa ah, waa jirtaa marka hore inaadan aqoon badan aadan u laheyn amba aad ka xishooneys idin maaddadaas cashar buuxa laga siiyo, walaaloow waddamada qaarkood waliba kuwa sheegta horumarka inay siiyaan wiilashooda iyo gabdhahoodacasharro buugaag ku qoran iyo koorsooyin ah Al Punno la daawado bilaa macallin lammaanaha is guursanayana tababbar ku saabsan arrimaha xiriirka gogosha iyo sida lo guto caafimaadkooda wacyi gelin guudiyo cuntooyin caawiya ruuxa awoo diisa soona jiita lammaanihiisa kale.

Gacaliye C/qaadir Abboowe Macaane waxaa jira Oraah Soomaliyed oo Dhaheysa{afar waxyaabo od weji macbuus ayey kaa dhigaan:-

1-bentaada badan

2-kibir badan

3-su;aasha badaniyo

4-biyaha wasaqda ah oo la fariisto}

Midda kale Gacaliye C/qaadir Abboowe Macaane Adduunyada waxaa ugu macaan habeenka ugu horeeya ee Aqal galka seey iyo afadiis macaanka adduunka oo la sheeko waa midkaas mid kale oo la sheego ma jiro…..

La soco isninta danbe hadduu alle idmo

 

W/Q C/QAADIR C/LLE NUUR {QALBI DAHAB}

Tel:-0618455506

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip