Hordhac: Manchester City vs Norwich City: Citizens Oo Soo Dhaweyneysa Mucjisadooda David Silva Kulan Ay Guul U Baahan Yahiin
Waxey soo dhaweynayaan koox guuldaro si xiriir ah ay usoo gaartay sadexdii kulan ee ugu dambeysay, sidoo kalana guuldaro rigoorayaal ah kala kulantay Everton wareega afaraad ee Capital One Cup.
Manchester City guul ay gaarto waxey ka saacidi kartaa iney wali sii ahaato hogaanka horyaalka balse guuldaro ama barbardhac ay gasho Gunners ayey si nadiif ah ugu naaloon kartaa.
Kulanka: Manchester City vs Norwich City
Tartanka: Premier League
Garoonka: Etihad Stadium
Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)
Garsooraha:Robert Madley (England)
MAXAA CUSUB?
Iheanacho ayaa filanaya inuu Bony kaga soo hormaro safka hore kulankaan kadib markii uu geesinimo muujiyay kulankii ugu dambeeyay ee Capital One Cup.
Pellegrini ayaa ka farxiyay Jamaahiirta City markii uu xaqiijiyay soo laabashada David Silva, sidoo kalana Zabaleta iyo Kolarov ayaa diyaar ah.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Manchester City:
Hart; Sagna, Kompany, Otamendi, Kolarov; Fernandinho, Toure; Sterling, Silva, Bruyne; Bony
Norwich City:
Ruddy; Martin, Bassong, Bennett, Olsson; Brady, Dorrans, Tettey, Redmond; Howson; Jerome
MA OGTAHAY?
Markii ugu dambeysay oo ay si xiriir ah laba jeer isku arkaan waxey aheyd xili ciyaareedkii 2013/2014, markasna Citizens ayaa 7-0 ku xasuuqay dhigooda kulan ka dhacay Etihad, halka kulankiikalana uu ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah.
Lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay labadaan kooxood is arkeen City ayaa ku guulo badan afar jeer ayey badisay halka kulan ay barbardhac galeen midna ayNorwich guusha heshay.
Hordhac: Manchester City vs Norwich City: Citizens Oo Soo Dhaweyneysa Mucjisadooda David Silva Kulan Ay Guul U Baahan Yahiin
Manchester City ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Norwich City kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska iyadoo ku raad joogta guusheedii sadexaad afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.