Booqashadii XSKC ee Kismaayo guul usoo hoyatay Kubadda Cagta gobolka..maxaase la gudboon?

0
Saturday October 31, 2015 - 11:27:39 in Sports News by
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booqashadii XSKC ee Kismaayo guul usoo hoyatay Kubadda Cagta gobolka..maxaase la gudboon?

    Magaalada Kismaayo ee xarunta jubadda hoose ayaa waxaa dhowaan gaaray Wafdi uu hogaaminayey gudoonka sare ee XSKC. waxaana ujeedada safarkaasi uu ahaa horumarinta Kubadda cagta ee Heer gobol oo uu Xiriirka Soomaaliya u xilsaaran yahay,maaadama gobola

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kismaayo ee xarunta jubadda hoose ayaa waxaa dhowaan gaaray Wafdi uu hogaaminayey gudoonka sare ee XSKC. waxaana ujeedada safarkaasi uu ahaa horumarinta Kubadda cagta ee Heer gobol oo uu Xiriirka Soomaaliya u xilsaaran yahay,maaadama gobolada dalka ay ka dhisanyihiin kooxo aad u badan oo laga heli karo ciyaartoy heer qaran. Jubadda Hoose waa Hooyada Kubadda cagta dalka waxaa iminka halkaasi ku sugan ciyaaryahanadii hore ee gobolkaasi caanka ka ahaa ooo qaarkood dalka dibadiisa uga yimid kor uqaadista kubadda cagta iyo soo celinta Magacii gobolka,waxaana ka dhisan xiriir kubadda cagta oo heer gobol iyo mid Sadexda gobol ee Jubaland oo ka shaqeeyey isku xirka kubadda cagta sadexda gobol ee magacooda xambaarsanyihiin.

Waxaa madaxda Xiriirka Kubadda Cagta dalka kulamo lasoo yeeshay Gudoomiyaha XSK Jubaland,Wasaradda Shaqada ee Jubaland iyo maamulada kooxaha halkaa kajira,iyadoo madaxda xiriirku ka qeybgaleen ciyaaro ka dhacay garoonka WAAMO oo ah kan ugu weyn ee gobolka ku yaalla,waxaana halkaa kasoo muuqdey xidigo aad u farsamo wanaagsan oo madaxda xiriirka ka heleen qaab ciyaareedkooda.

XIriirka Kubadda Cagta Dalka iyo midka Jubaland State waxaa ay kala saxiixdeen heshiis iyo qodobo kasoo baxay Shir saacado qaatay oo ay yeesheen waxaana gunta heshiiska qodobadaasi sldhig u ahaa sidii horumar loo gaarsiin lahaa kubadda cagta dalka dhinac waliba.

"Booqshada markii ugu horeeysay Madaxka xiriirka Kubadda cagta waxaya inoo ahayd wax taariikhiya oo hore u dhici waloow xiriirka Tababarayaal garsoor uu hore halkaan ugu soo direy misana in Gudoomiyihii ugu sareeyey XSKC uu wafdi hogaaminayo halkaan soo garo waa horumar kubadda cagta Gobolka iyo midka Soomaaliya guud ahaa” sidaa waxaa yiri tababaraha Xulka J/Hoose Maxamed Carabeey oo qadka isgsiinta iigu waramayey.

Bahda Kubadda Cagta ee J/Hoose ayaa iminka waxaa la gudboon iney si haboon uga faa’ideystaan xiriirka wanaagan ee ay la jaanqaadayaan XSKC xagga farsamada,Aqoonta iyo dhamaan sidii kubadda cagta gobolka kor loogu qaadi lahaa,iyadoo la raacayo shuruucda Kubadda cagta lana tixgelinayo dadka Arrimahan aqoonta u leh ee iminka faraha kula jira,iyadoo madaxda Kubadda Cagta Jubaland waajib kutahay iyaguna inay soo dhoweeyaan cid kasta oo wax ku biirin karta horumarinta kubadda cagta gobolka iyo guud ahaan dalka.

Kismaayo hada waxaa kajira kooxo aad u fara badan oo heerarka koowaad iyo labaad isugu jira,waxana kuwaa ka hooseeya kooxaha xafadaha oo degmooyinka Gobolka ka dhisan ooo iyaguna mustaqbal wanaagsan ku leh kubadda cagta kuwaa oo tartamo loogu qabto garoomada Kismaayo kuyaala,

sida Sharcigu qabo kooxaha heerarka sare ee u diiwaanshashan XKC ee Jubaland waxaa ay lamidyihiin kooxaha heeraka A & B ee xarunta dalka kajira ama xiriir waliba caalamka uu leeyahay,waxaana kuwaa ay hoos tagayaan xiriirka oo arimihiisa wax laga weydiinayaa ilaa heerka kasoo xulista Xulka uu yeelanayo Gobolka,


xskc

Dhinaca kale kooxaha Mustaqbalka ah ee xaafadaha kajira waxaa tartamadooda Maamulaya Guddiga Kubadda cagta ee heer degmo oo la doonayo inuu soo saaro,isla markaana xiriirka iyo kooxaha ka sareeya uu wargeliyo kuwa tayada wanaagsan ee heerarka sare kusoo biiri kara si kooxaha ay ugu faa’ideytaan oo garoomada waaweyn ugu soo muuqdaan ilaa heer qaran hadii uu awoodo,waana qaabka kaliya ee lagu hormarin karo kubadda cagta heer gobol sida caalamka kajirta.

Qalinkii: C/Xafiid C/samed Zaciimka

A veteran along time Sports Journalist

Zaciimka02@hotmail.com

xigasho somaliweyn.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip