Taliyaha Booliska oo Muqdisho kula kulmay Saraakiil Midowga Yurub ka socotay (SAWIRRO)

0
Monday September 19, 2016 - 12:45:32 in Wararka by
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska oo Muqdisho kula kulmay Saraakiil Midowga Yurub ka socotay (SAWIRRO)

    Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed Jeneral Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiil ka socotay Midowga Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed Jeneral Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiil ka socotay Midowga Yurub.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Saraakiisha Midowga Yurub ay u kordhin lahaayeen taageerada ay siiyaan ciidamada Booliska Somaliyed.

Saraakiisha Midowga Yurub ka socotay waxaa horkacaayay Haweenayda Midowga Yurub u qaabilsan howlgalka dhisidda awoodda ciidamada Badaha ee Gobolka Geeska Afrika, Eucap Nestor Ms Maria Cristina-Stepanescu.

EUCAP Nestor oo ka shaqeysa in la xoojiyo kartida Ciidamada Somaliya si wax ku ool ah ay u maamulaan biyaha badda taasi oo ka caawinaysa inay burcad badeeda ula dagaalamaan si wax ku ool ah oo dheeraad ah, qorshaha waxaa ku jira la talin iyo tababar ilaalada xeebaha, nidaamka cadaaladda dambiyada badda iyo Booliska xeebaha.

Haweenaydaan iyo Saraakiishii la socotay ayaa markii uu soo dhamaaday kulankii ay la qaateen Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed, kadib waxa ay kormeereen xarumaha Dugsiga Tababarka ee Jeneral Kaahiye.

Booliska Somaliya oo hela taageerada ugu badan ee ciidamada Qalabka sida Somaliya ayaa hadana Askarta oo la soo baro shuruucda kala duwan ee ciidanka aaney ugu dhaqmin sidii loo baahnaa.

Ciidamada Booliska ee ku sugan Isgoysyada Muqdisho qaarkood ayaa gaadiidka lacago aanan shari aheyn ka qaata, taasi oo ka hor imaanaysa nidaamkii loo soo tababaray Askariga.

xaamud-1 xaamud-2 xaamud-3 xaamud-4 xaamud-5 xaamud-6 xaamud-7 xaamud-8 xaamud-9 xaamud-10





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip