Tarsan oo go'aan siyaasadeysan ku tilmaamay Banaanbaxyada Muqdisho laga mamnuucay

0
Monday September 19, 2016 - 12:15:25 in Wararka by
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tarsan oo go'aan siyaasadeysan ku tilmaamay Banaanbaxyada Muqdisho laga mamnuucay

    Iyadoo Dowladda hoose ee Muqdisho ay soo saartay amar ku aadan Banaanbax aysan iyada ogeyn inaan lagu qaban karin Magaalada Muqdisho, ayaa hadalkaasi wuxuu caro geliyay Siyaasiyiinta xil doonka ah ee loolanka siyaasadeed ka wada Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo Dowladda hoose ee Muqdisho ay soo saartay amar ku aadan Banaanbax aysan iyada ogeyn inaan lagu qaban karin Magaalada Muqdisho, ayaa hadalkaasi wuxuu caro geliyay Siyaasiyiinta xil doonka ah ee loolanka siyaasadeed ka wada Magaalada Muqdisho.

Xilligan oo dalka doorasho ay ka dhici rabto islamarkaana la filaayo dalka inay ka dhacaan Banaanbaxyo isugu jira kuwa taageero iyo kuwa mucaarad intaba, ayaa Maamulka Gobolka Banaadir si aanan ka fiirsi laheyn u sheegay Banaanbax Maamulka uusan fasaxin inaan la qaban karin.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ah Xubnaha Xil doonka ah ee Muqdisho ku sugan ayaa ku tilmaamay go’aanka Maamulka Gobolka uu ku mamnuucay Banaanbaxyada inay tahay arin qalad ah.

Waxa uu sheegay inaan la aqbaleyn wax ka baxsan Dastuurka KMG ee dalka, islamarkaana dadka ay dhigan karaan banaanbaxyada ay xaqa u leeyihiin.

"Go’aan sharci ku dhisan ma ahan, waa wax siyaasadi ka dambeyso, waqti loolan doorasho ah baa lagu jiraa, shirarna waa la qabsanayaa, haddii uu qalad yimaadana bannaanbax waa la sameynayaa, wax dastuurka ka baxsanna qof yeelayaa ma jirto.” ayuu yiri Tarsan.

Dowladda Somaliya ayaa wada caburin badan oo ay ku hayso dadka Siyaasiyiinta ah ee loolanka ka wada Magaalada Muqdisho, xilli Madaxweyne Xasan uu ka gilgilanaayo Olalaha ay wadaan Musharaxiinta dalka ku sugan.

Sanadkii 2012-kii xilligan oo kale markii Madaxweyne Xasan uu waday ololaha Musharxnimadiisa, wuxuu fursado badan u helaayay inuu qabso wax kasta oo sare u qaadaayay loolankiisa, balse hada uu talada dalka haya waxa uu Musharaxiinta ku hayaa Caburin joogto ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip