Wasiirka Amniga "Anigu Musharax uma ihi Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe"

0
Monday September 19, 2016 - 10:23:40 in Wararka by
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga "Anigu Musharax uma ihi Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe"

    Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado in dhowaan lagu doorto magaalada Jowhar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado in dhowaan lagu doorto magaalada Jowhar.

C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlayay Wakaalada wararka ee SONNA ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu iska casilayo xilkiisa, si uu isugu soo sharaxo xilka Madaxweynaha Maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

"Waa dacaayad, waana been aan sal iyo raad toona lahayn inaan is casilayo, Musharax u taagan inuu qabto xilka madaxtinimo ee muumulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe-na maahi, mana danaynayo hadda”ayuu yiri C/risaaq Cumar Maxamed.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Wasiirka Amniga ka mid yahay shaqsiyaadka loo wado xilka Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isagoo lagu tiriyo Wasiirada aadka ugu dhow Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee 3-da bisha October ayaa qorshuhu yahay in magaalada Jowhar lagu doorto Madaxweynaha uu yeelanayo Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo haatan lagu howlan yahay sidii beelaha labada gobol u qeybsan lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip