C/Qaasim Salaad: "Ma jirto wax iska bedelay xilligii KMG-nimada, Soomaaliyana uma bisla bisla nidaam Federaal ah" [Wareysi]

0
Sunday August 30, 2015 - 12:44:33 in Wararka by
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/Qaasim Salaad: "Ma jirto wax iska bedelay xilligii KMG-nimada, Soomaaliyana uma bisla bisla nidaam Federaal ah" [Wareysi]

    Madaxweyniha Dowladdii Carte ee lagu dhisay shirka Jabuuti ayaa markii ugu horeysay si kulul uga hadlay xaaladda wadanka, isagoona sheegay in Soomaaliya ay ku dhacday masiibo xagga Rabbi uga timid, taasi oo ka soo bilaabatay xukuumadii milateriga Max

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyniha Dowladdii Carte ee lagu dhisay shirka Jabuuti ayaa markii ugu horeysay si kulul uga hadlay xaaladda wadanka, isagoona sheegay in Soomaaliya ay ku dhacday masiibo xagga Rabbi uga timid, taasi oo ka soo bilaabatay xukuumadii milateriga Maxamed Siyaad ilaa iyo maanta. C/Qaasim Salaad Xasan oo u waramayay Telefishanka Universal ayaa weriye C/Salaan Hereri wuxuu bal inuu ummadda u sharxo dhibaatooyinka Soomaaliya heysta halka ay ka soo asaasmeen iyo xalka mushkiladda dalka.

"Anigu waxaan oran karaa Soomaaliya waxaa ku dhacay masiibo uga timid xagga Rabbi” ayuu yiri Madaxweynihii hore C/Qaasim Salaad Xasan oo sheegay in cadow gudaha ah iyo dibadda ay ku hayaan dagaal dhinac kasta looga keenay.

Waxaa kale oo uu sheegay Madaxweynaha Dowladdii Carte in mar uu Soomaaliya tegay xilligii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, isla markaana uu ku biiriyay talooyin ku aadan sidii dowladdu door uga qaadan lahayd dib u heshiisiinta beelaha iyo arrimo kale, taasina ma dhicin duruufo badan oo dalka ka jiray awgeed.


Madaxweynaha oo ka hadlayay isbedelkii Soomaaliya ee lagu soo dhisay Dowlad federaal ah iyo in dalka uu ka baxay xilligii KMG-nimada ayaa sheegay inaysan jirin wax iska bedelay, marka loo eego dhinacyada amniga, ciidamadii dalka oo aan dhisneyn, mushaar la’aanta shaqaalaha Dowladda oo uu kor ka yahay Baarlamaanka iyo arrimo kale.

"Ma jirto wax iska bedelay xilligii KMG-nimada, Soomaaliyana uma bisla nidaam federaal ah” ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan oo muddo ka badan toban sano degan magaalada Qaahira ee wadanka Masar.

Isagoo sii sharaxayay sababta arrintaan ay ku timid, waxa uu sheegay C/Qaasim Salaad in nidaamkani ka mid yahay dagaal ay wataan reer galbeedka oo lagu burburinayo dalka, waayo buu yiri Soomaaliya marka wanaag lala doonayo waxay ahayd in marka hore laga dhayo burburkii gaaray, kaddibna dalka uu ka dhaco maamul ay dadku iska leeyihiin oo degdegmo wax u dooran kara, balse federaalka hadda Soomaaliya ka jira waa qabiil.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip