Naafada degen Isbitaal Martini oo ka codsaday dowlada in aan laga rarin isbitaalka

0
Sunday August 30, 2015 - 12:25:03 in Wararka by
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naafada degen Isbitaal Martini oo ka codsaday dowlada in aan laga rarin isbitaalka

    Ciidamadii ku naafoobay dagaalkii 1977dii kuna nool qeybo ka mid ah Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday dowlada Federalka in aan laga rarin halka ay degen yihiin maadaama sanooyin badan ay ku noolaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadii ku naafoobay dagaalkii 1977dii kuna nool qeybo ka mid ah Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday dowlada Federalka in aan laga rarin halka ay degen yihiin maadaama sanooyin badan ay ku noolaayeen.
                       Dadka naafada ah ee degen isbitaalka Martini ayaa sheegay in taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe uu amray in si deg deg ah ugaga guuraan isbitaalka ay degen yihiin.
Afhayeenka qoysaska degen isbitaal Martini Cabdi Mahad ayaa sheegay in saraakiil ka socota ciidamada xoogga dalka ay ku amreen in muddo 15 maalmood ah ugaga guuraan isbitaalka.
                Ciidamadii ku naafoobay dagaaladii 1977kii ayaa waxa ay ka codsadeen dowlada in haddii laga saarayo xerada ay mudada dheer degenaayeen ayna badbaadiyeen dhismaha isbitaalka la siiyo dhul ay ku noolaadaan.

                     Dowlada Federalka ayaa haatan bilowday in ay xarumihii hore u lahaayeen dowlada si tartiib tartiib ah loogaga saaro dadka degen, dhowaan ayaa wasiirka warfaafinta dowlada federalka uu booqday carwadii hore oo ay degenaayeen fanaaniinta Soomaaliyeed waxana uu ku amray qoysaska aan ahayn fanaaniin ee degen xaruntaas inay isaga guuraan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip