Wafdi iyo ciyaartoy ka socota Xiriirka Shataranjiga Somaaliya oo Muqdisho ka ambabaxay

0
Monday August 29, 2016 - 18:38:20 in Wararka by
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi iyo ciyaartoy ka socota Xiriirka Shataranjiga Somaaliya oo Muqdisho ka ambabaxay

    Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Air Port waxaa maanta ka ambabaxay wafdi iyo ciyaartoy ka tirsan Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya, waxaana wafdiga oo ku sii jeeda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan ay ka qeyb gelayaan t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Air Port waxaa maanta ka ambabaxay wafdi iyo ciyaartoy ka tirsan Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya, waxaana wafdiga oo ku sii jeeda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan ay ka qeyb gelayaan tartan caalamiga ah ee Chess-ka Adduunka.
Wafdiga oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Axmed Xasan Cabdi (Wataac) iyo howl fududeeye Cali C/raxmaan Daahir la socda ilaa shan ka tirsan ciyaartoyda Chess-ka.

Intii aanay ka dhoofin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho wafdiga kulan ballaaran la waateen madaxda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed maalintii shalay, iyadoona halkaasi dardaaran iyo sagootin loogu sameeyay.

Guddoomiye Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Axmed Xasan Cabdi (Wataac) ayaa madaxda GOS waxa uu uga warbixiyay ciyaartoyda ku sii jeeda dalka Azerbaijan, isagoona sheegay in ujeedada kulanka ay tahay sidii ay talo iyo tusaaleyn uga qaadan lahaayeen bacdamaa ciyaarotyda ay matalayaan qaranka dadka iyo dalka Soomaaliyeed

.DSCN0887

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Md. Ibraahim Xuseen Roombe oo isagu si weyn u soo dhoweeyay doorka xiriirka Shataranjiga uu ka qaatay isku duba ridka ciyaartoyda Shataranjiga ee ka qeyb galeysa tartanka caalamiga ah, wuxuuna kula dardaarmay inay muujiyaan isku xirnaan, karti iyo dadaal dheeraad ah.

Dhinaca kale wafdiga oo Transit ku maraya magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga ayaa horay u sii raacay diyaaradda Turkish Airlines, kaddibna uga sii gudbaya magaalada Baku ee wadanka Azerbaijan, halkaasi oo bisha dambe horaanteeda ka furmaya tartanka 42-aad ee Shataranjiga Adduunka oo ay ka soo qeyb gelayaan ilaa 192-dal oo ka socda dalalka caalamka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip