Farriinta General Cabdi Qaybdiid ee dadka reer Gaalkacyo

0
Sunday August 28, 2016 - 19:18:11 in Wararka by
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farriinta General Cabdi Qaybdiid ee dadka reer Gaalkacyo

    Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug, General Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid), ayaa waxaa uu ka digay in dagaalo sokeeye laga dhex huriyo shacabka walaalaha, ee ku wada nool Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug, General Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid), ayaa waxaa uu ka digay in dagaalo sokeeye laga dhex huriyo shacabka walaalaha, ee ku wada nool Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

"Reer Gaalkacyo anigu waxaan ugu baaqayaa nabad in la qaato, nabad in laga shaqeeyo, walaalnimo iyo derisnimo in laga shaqeeyo. Rasaasayn iyo qof la dilay, koox la dilay iyo qabiil la weeraray midna waxba tari maayaan. Waxaasi waa wixii lagu soo hallaagay.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore Galmudug.

Markale waxaa uu yiri "Waxaan leenahay reer Gaalkacyood ama reer Mudug dantooda haddii ay gartaan, waxa dhex-yaal oo ka dhaxeeya kala guuri maayaan. Marka caqliga saliimka ah waxuu sheegayaa in walaalnimadooda intey wada fariistaan wixii tabasha ah in walaalnimo looga wada hadlo, leesku sheego.”

Cabdi Xasan Cawaale oo la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa carabka ku adkeeyay inaysan jirin si maanta lagu kala goyn karo bulshada wada degan Magaalada Gaalkacyo.

"Ma kala go’ayaan xitaa haddii la damco in la kala gooyo, ma kala go’ayaan. Marka waa dad wada dhashay, waa isu deegaan, weligeedna waa caadi dadka, dadka isugu dhow baa marwalba wax ka dhex dhacaan. Waxaana keenaaya nolosha, ganacsiga, is dhex-marka iyo qof xun oo dhibaato gaysta.” Ayuu yiri Qaybdiid.

XIGASHO:-DHACDO.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip