WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANATA OO AH AXAD 28-KA AGOOSTO 2016-KA

0
Sunday August 28, 2016 - 09:19:05 in Wararka by
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANATA OO AH AXAD 28-KA AGOOSTO 2016-KA

    MADAXWEYNE XASAN OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIR MADAXEEDKA AFRIKA IYO JAPAN . Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 6aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo Internati

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIR MADAXEEDKA AFRIKA IYO JAPAN . Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 6aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation on Africa Development).

 

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlaye muhimadda iskaashiga Afrika iyo Japan oo uu sheegay inuu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, gaar ahaan qaaradda Afrika oo si wanaagsan uga manafacaadi karta kheyraadkeeda.

"Qaaradda Afrika waxay cagta saartey waddada horumarka, kheyraadka ku jirana haddii si wanaagsan looga faa’ideysto waxaa hubaal ah in nolosha dadyowgeena ay wax badan ka beddeli karto. Soomaaliya waa dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye oo muddo dheer soo socday, haddana waxay ka mid tahay waddamada sida dhow uga faa’ideysanaya iskaashiga TICAD. Shirkan kii ka horeeyay ee Tokyo lagu qabtey 2013kii, waxaa barbar socday kulan gaar ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayey, taasina waxay muujineysaa muhimadda ay TICAD inoo leedahay’’.

Madaxweynaha waxaa u sheegay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

"Horumarka ay Afrika hiigsaneyso waxaa daba socda caqabado amni, gaar ahaan khatarta argagixisada oo u baahan si caalami ah loo wajaho. Dalkeena Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika khatar ayay ku yihiin argagixisada, balse nasiiba wanaag waddamada deriska nala ah ayaa waxaan qaadaney mowqif mid ah oo lagula dirirarayo argagixisada. Waxaan filayaa iyo gobollada kale ee Afrika ay ku deydaan iskaashiga Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada, loogana sii gudbo heer caalami ah oo khatartaasi lagu hakiyo’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shir Madaxeedka TICAD ugu baaqey in la dardar geliyo hirgelinta suuqyada xorta ah iyo ganacsiga furfuran, si wax looga beddelo nolosha malaayiin qof oo Afrika ku nool. Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha ka hadley marxalada siyaasadda ee Soomaaliya oo uu sheegay in horumarka iyo guulaha la gaarey ay daliil u tahay doorashada dhaceysa dhowaan ee waddanku ku soo dooranayo hoggaankiisa iyo goleyaashii matali lahaa.

Shir Madaxeedka TICAD oo shalay ka furmey Nairobi ayaa socon doono muddo laba maalmood ah,

WASAARADA WAXBARASHADA SOMALILAND OO SHAACA KA QAADAY IN DUGSIYADA HOOSE LAGU BARAN DOONO AF SOOMAALI.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, C/llaahi Ibraahim Habane, ayaa sheegay in dugsiyadda hoose caruurta wax loogu dhigo doono af soomaali, isla markaana ku qasban yihiin in dugsiyadda gaarka loo leeyahay iyo kuwo dawladuba inay isku manhaj wax ku wada bartaa.

Wasiirka ayaa xusay, in ay si adag isaga horyimaadeen Wasaaradda iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ka hor yimaadeen manhaj cusub oo loo samaynayo dugsiyadda waxbarashadda.

Wasiirka ayaa sheegay in caruurtu wax ku fahmi og yihiin afkooga, isla markaana la xoojin doono af soomaaliga, madaama oo ubadku waxa kaliya ee uu wax ku fahmi karaa yahay in luuqadoodda wax lagu dhigo, haseyeeshee, waxa uu sheegay in dugsiyadda gaarka ah arrintaasi diideen,isagoo sheegay in luuqaduhu aanay cilmi ahayn ciddii diida albaabka loo xidhi doonno.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in saacaddaha waxbarashaddu yar tahay, balse imila laga bilaabo la kordhin doono si ardayddu aqoontooddu u korodho.

"Dugsiyada gaarka loo leeyahay waxaan waydiiyey miyaan la xaadirin ardayda, waxay yidhaahdeen waa la saxa uun qofka jooga iyo qofka maqan waayo wakhti looma hayo (Ardayda badan), hadaba waxaan helnay waraaqihii lagu xaadirin jiray bariigi hore ee 1975 kii waa wakhtigii aan shaqadda bilaabay, waxaana imika soo koobi karaynay toban kun oo midh oo loo qaybin doonno dugsiyadda si loogu xaadiriyo ardayda, hay’addo badan ayaanu u qoranay in naga caawiyaan badinta waraaqahan, wali way ka caga jiidayaan, dee mar haddii ay waxbarashadda nagala shaqeeyaan waa in wixii aanu u baahanahay naga caawiyaanxisaskeena iyo inta macalinku dhigaa way yar tahay, khamiista lama dhigaba, madaxweynuhu wuxuu na amr, haddii kale waa sodan iyo toddoba kun oo doolar wasiirka Maaliyadda Samsam baa naga bixin, waraaqahaasi xaadirista dugsiyadda dawlada iyo kuwo gaarka loo leeyahayba way isticmaalayaan, waraaqdaasina waxay ku joogtaa shan iyo afartan arday waana inta laga rabo fasalka, wax ka badan ma rabno” ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi wa xaanu sheegay in fasalka shan iyo afartan arday wax ka badan aan la ogolaan doonin inay wax ku bartaan.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in xiisadaha ardaydu bartaan ay yartahay, sidaa darteed saacado dheeraad ah lagu dari doonno wakhtiga ardaydu wax baranayaan " waxaanu kordhin doonaa xiisaska macalmiinta dhigayaan, madaxweynuhu wuu la yaabay inta xisas ee ardaydu dhigto sanadkii, waxaanu nagu amray in la kodhiyo, siyaasaddii waxbarashadana waanu samaynay, golaha wasiiradda ayeynu gaynaynaa, xeerkii waxbarashadana wuxuu yaalaa golaha wakiiladda, waana hakinay xeerkaasi waayo waa in siyaasaddu ka horaysa xeerka, marka golaha wasiirada u gudbino siyaasadda waxbarashadda ayaa xeerkuna ka dambaynayaa, marka waa in shaqadda la wada qabtaa, oo si adag u shaqaynaa waayo mustaqbalkii ubadkeena ayeynu gacanta ku haynaa.”

"Aduunka daraasadii ugu dambaysay ee la soo saaray waxay sheegtay in caruurtu waxa ay wax ku fahmi karaan tahay afkooga, haddii aad dugsiyadda gaarka loo leeyahay waalidka lacagta kaga gurataan Ingiriisi baan barnaa, waalidka waxaan u sheegayna in aanay aqoontu ahayn Ingiriisi, sidaa darteed, waa in imika lagu bilaabo af soomaali, haddii aan arko kii caruurta uu qaadanayo ku bilaaba af Ingiriisi waan xidhaya lama baryo”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey in dugsiyadda hoose lagu baranayo af somaali.

Si kastaba ha ahaatee, amarkan cusub ee ka soo baxay wasaaradda waxbarashada waxa si weyn uga hor yimid dugsiyadda gaarka loo leeyahay, kuwaas oo ka biyo diiday in Af soomaali wax ku dhigaan.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO MASUULIYIIN KA TIRSAN DOWLADDA TURKIGA DALKAASI KULA KULMAY .

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Bursa ee dalka Turkiga ee aynu walaalaha nahay ayaa waxaa uu masuuliyiinta wasaaradaha waxbarashada iyo shaqaalaha ee dalkaasi kulamo kula qaatay xarumaha Wasaaradahaasi.

Madaxweyanaha ayaa kala hadlay masuuliyiintaasi sii xoojinta xiriirka dhinaca waxbarashada iyo tababarrada shaqaalaha ee dawladda Puntland iyo dawladda Turkiga, isla mar ahaantaana Madaxweynuhu waxa uu kala hadlay dawladda Turkiga sidii ay usii kordhin lahayd deeqaha waxbarasho ee ay siiso dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray machadka ugu weyn dalka Turkiga ee Farsamada gacanta iyo Farshaxanka ee lagu magcaabo BUSKEM, iyadoona Madaxweynuhu uu kala hadlay Masuuliyiinta Machadkaasi qaabkii ay ardayda reer Puntland ee wax ka barata dalka Turkiga uga faa’iidaysan lahaayeen Machad kaasi.

Dhinaca kale Madaxweynuha ayaa kormeeray goobaha taariikhiga ah ee dalkaasi oo uu ka mid yahay Masjidka weyn ee lagu magcaabo EMIR Suldan, kaas oo ah goobaha laga heli karo taariikhaha facaweyn ee uu leeyahay dalkaasi Turkigu.

UHURU KENYATTA OO KU EEDEEYEY QAXOOTIGA SOOMAALIDA KUWO U NUGUL INAY KU BIIRAAN ALSHABAAB.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hoosta ka xariiqay Go’aanka Kenya ee lagu xirayo Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab

"Marka dad Aadane ah Xero lagu hayo in ka badan 20 sanno oo aysan u rumoobin Rajadooda, waxay ku keeni kartaa inay Qaxootigu ku biiraan Kooxaha Dembiilayaasha sida Alshabaab” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Bangiga Adduunka, Ji Yong Kim ayaa sheegay inay fahamsan yihiin Walaaca Kenya ee Xeradda Qaootiga Dhadhaab, wuxuuna intaasi ku daray inuu Bangiga Adduunka taageero ka geysan doono sidii ay Qaxootiga Soomaalida ku nool Xerada Dhadhaab iskooda ugu laaban lahaayeen dalkooda hooyo.

Waxa kale oo uu timaamay iyo inay eegi doonaan Habab kale oo Ilo Dhaqaale iyo Shaqo Abuur looga samayn lahaa Deegaanadda ay Qaxootiga ku sugan yihiin

Sidoo kale, Guddoomiyaha Bangiga Adduunka waxa uu soo dhaweeyey inuu Uhuru Kenyatta bisha soo socota ka soo qeyb geli doono Shirka Golaha Guud ee QM bisha soo socota kaga xaajoon doonaan Xaalladda Qaxootiga Caalamka

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Kioon iyo Madaweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa horey ugu baaqay Shirweynahaasi Heerka Sare ee bisha soo socota ka furmi doona Xarunta Dhexe ee Q ee magaalladda New York

DOWLADA JAPAN OO WADAMADA QAARADA AFRIKA UGU DEEQAYSA LACAG GAAREYSA $30 BILLION

Dawlada Japan ayaa balan qaaday in lacag gaaraysa $30 billion ay ugu deeqayso Wadamada Afrikaan ah si wax looga qabto Hormarinta kaabayaasha.

Raisulwasaaraha dalka Japan Shinzo Abe oo ka hadlayay Furitaanka shirka Caalamiga ah ee japan iyo Afrika ee loogu magacdaray (TICAD) ayaa sheegay in deeqdaan ay aadi doonto kaabayaasha dhaqaalaha sida isbitaalada, Wadooyinka, iyo Dhalinta tamarta.

Risulwasaaraha Japan ayaa waxaa uu sheegay in uu rajaynayo in wadamada Africa ay si wada jira ah u xaliyaan dhibaatoyinka ka jira gudahooda.

Mr Abe ayaa sheegay in $500 million oo kale uu soo marsiin doono hay’adaha caalamiga ah si loogu taageero Caafimaadka iyo hal abuurka Qaarada Afrika.

Raisul wasaare Abe ayaa waxaa uu sheegay in dib u habayn lagu samayndoono Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay islamarkaana Qaarada africa ah helidoonto kursi joogto ah sanadka 2023ka

XILDHIBAAN C/QADIR COSOBLE OO KA DIGAY COLAAD KA DHALATA QAABKA LOO QAYBIYAY AQALKA SARE

Iyadoo weli dood ay ka taagan tahay hanaanka loo qaybsaday Xubnaha Aqalka Sare ee dalka, islamarkaana aysan cadeyn Xubnaha Gobolka Banaadir uu ka helay Aqalka Sare, ayaa Xildhibaanada qaar waxa ay ka digayaan colaad arimahaasi ka dhalata.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Somaliya ayaa ka digay colaad ka dhalata qaabka xubnaha Aqalka Sare loo qaybiyay.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble ayaa madaxda dowladda ugu sarreysa iyo kuwa madashaba u jeediyay in ay dib ugu laabtaan awood qeybsiga aqalka sare oo magaalada Muqdisho la siiyo xubnaha ay xaqa u leedahay.

"Waxaan leeyahay dib ugu laabta sida loo qeybiyay aqalka sare, maxaa yeelay arrintaa waxay keeni kartaa colaad hor leh waxaana leeyahay hala diido aqalkaasi sababtoo ah arrintaas lama aqbali karo.” ayuu yiri xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble.

Xildhibaan Cosoble ayaa sidoo kale sheegay in arin xadgudub ay tahay in la xaqiro xaqa ay leeyihiin dad gaaraya Labo Milyan oo Qof oo ku nool Magaalada Muqdisho.

"In shalay la yiraahdo dadka deggan Muqdisho xaq kuma lahan aqalka sare waa xad gudub lagu sameynayo dad ka badan Labo Milyan oo qof, dastuurkana way ka hor imaanaysaa arrintaas” ayuu yiri xildhibaanka.

BURCAD KENYAN OO DHAC U GEYSTAY GANACSATO SOMALI OO LAGU DILAY NAYROBI.

Boliska Kenya waxay Burcad Kenyan ku hubeysnaa Bistoolad xalay ku dileen Xaafadda Kalifornia ee u dhow Suuqa Ganasiga ee Islii oo ay Soomaali badan ku ganacsadaan.

Boliska waxay Tuugga la dilay ka heleen jeebkiisa lacag dhan 16,000 oo Shillinka Kenya taasi oo la rumeysan yahay inuu ka dhaay Ganasatada Suuqa Islii.

Boliska waay sheegeen in Dableyda la dilay oo 23 jir ahaa lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey Dilal iyo Dhac hubeysan oo ka dhacay Suuqa Xaafadda Islii.

Sarkaal ka tirsan Boliska Degmadda Kamukunji, Bungei Adam ayaa sheegay inay Ganasatada ku soo wargeliyeen Dableygii dhacay taasi oo keentay in la toogto Ninkii hubeysnaa, wuxuuna intaasi ku daray inay baxsadeen 4 kale oo la socday Burcadka la dilay.

Mid ka mid ah Ganasatadda Suuqa Islii oo lagu magaaabo Maxamed Axmed ayaa soo dhaweeyey Tallaabadda Degdegga leh ee ay Boliska ku dileen Dableyga wuxuuna Saraakiisha Boliska ugu baaqay inay oojiyaan Ammaanka Suuqa iyo inay Ciiddanka heegan ku ahaadaan Suuqa Xaafadda Isli ee magaalladda Nairobi oo ka mid ah Suuqyadda ugu ashquulka badan Nairobi.Dowladda Somaliya ayaa dhowr mar loogu baaqay inay wax ka qabato arinta Gobolka Banaadir oo Dowladda Xasan Sheekh aysan si toos ah weli u cadeynin.

QAAR KA MID AH MARWOOYINKA KOOWAAD EE MADAXDA AFRIKA OO KA QEYB GALAYO SHIRWEYNE LOOGA HADLAYO CAAFIMAADKA.

13 Marwo Madaxweyne oo Afrikaan ah ayaa ka qeybgalayo Shirkaasi oo ka furmayo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, iyadoo Shirkaasi feer soconayo Shirweynaha 6aad ee Horumarinta Afrika ee the 6th Tokyo International Conference on African Development.

Shirweynaha Marwooyinka Madaxda Afrikaanka oo ka furmay Hotelka Interontinental Hotel ee Nairobi, waxaa looga hadli doonaa Xaalladda Caafimaadka ee Haweenka iyo Caruurta Afrika, Maalgelinta Carruurta iyo Caafimaadka Dhalmada.

Marwooyinka Koowaad ee ka qeyb galayo Shirkaasi waxay ka kala sodaan dalalka Somalia, Kenya, Djibouti,South Sudan, Uganda, Benin, Ivory Coast, Mali, Lesotho, Mauritius, Sao Tome Principe iyo Afrikada Dhexe

BAANKA ADDUUNKA OO LACAG U YABOOHAY HANNAANKA DIB U CELINTA QAXOOTIGA DHADHAAB

Baanka Adduunka ayaa baadi goob ugu jira habab wax ku ool ah oo lagu bara taaro zoonka dhaqaalaha ee horay loo hirgaliyay ee shaqo abuurka ka dhaliya meelaha qaxootigu daggan yahay.

Baanka Adduunka Madaxweynihiisa Mr. Jim Yong Kim ayaa sheegay in baanku uu jeclaan lahaa inuu Kenya ka taageero sidii ay u maareyn lahayd dib u celinta qaxootiga weliba si sharaf leh oo Dhadhaabna dabadeed laga dhigo zoon ganacsi oo aad u wacan.

Kim ayaa ka hadlaayay Nairobi asagoo la hadlaayay Madaxweyne Uhuru Kenyatta shirka caalamiga ah ee lixaad ee Tokyo International Conference on African Development (TICAD VI).

Shirka ayaa waxaa uu haatan kasocdaa xarunta shirarka caalamiga ah ee Nairobi ee KICC wuxuuna qaadan doonaa muddo dhowr maalmood ah.

Shirka ayaa madaxweynaha Kenya kasokow waxaa ka qeyb galaya madaxweyneyaal badan oo caalamka daafihiisa iyo Afrikaba kakala yimid.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya shirweynahaa oo la filaayo go'aamo badan oo wax ku ool ah oo ganacsiga sare loogu qaadayo inay ka soo baxaan.

C/RAXMAAN C/SHAKUUR "BAARITAAN MADAX BANAAN HA LAGU SAMEEYO HANTIDA LAGA DHACAY BANKIGA DHEXE”

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa walaac ka muujiyay in xilligan Bankiga Dhexe laga qaato lacag dhan nus milyan doolar ah, iyadoo dhowaan dalka ay ka dhici doonaan doorashooyin Baarlamaan iyo mida Madaxweynaha.

Mr Warsame ayaa ku tilmaamay Halis Qaran in Bankiga Dhexe la dhaco, isla markaana dooral been abuur ah la soo geliyo, isagoo ku baaqay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.

” Waa Halis Qaran in Bangigii Dhexe la dhaco doolar been abuur ahna la soo geliyo, waxaan dalbanaynaa in lagu sameeyo baaritaan madaxbanaan oo ku aadan qadarka lacagta, waxa ku soo beegay xiliga doorashadda, ku lug lahaanshaha madaxda Dawladda”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur bartiisa.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Guddoomyihii hore ee Bankiga Dhexe Yusur Abraar ay isku casishay cadaadis uga yimid Ganacsato ku dhow Madaxtooyada, si ay u saxiixdo heshiisyo daneysi gaar ah ku jiro, kaasoo ka fog danta Qaranka.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise ayaa khamiistii sheegay in lacag dhan $530,000 laga xaday Bankiga Dhexe, isla markaana uu qaatay Khasnajigii Bankiga, kaasoo la sheegay inuu goostay.

Ninka Khasnajiga ee xaday lacagta ayaa lagu magacaabaa Muhyadin Mohamed Hassan oo loo yaqaano Sanguuni, waxaana jira tuhuno laga qabo in saraakiil ka tirsan dowladda ay ku lug leeyihiin xatooyada lacageed ee ka dhacday Bankiga Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee arrintan oo wali ay taagan tahay hadal heynteeda ayaysan jirin war faah faahsan oo dowladda ka soo saartay, mana jirto illaa iyo hada tallaabo la qaaday, marka laga reebo inay jiraan dad u xiran falkaas, inkastoo aan wali la shaacin.

DOWLADDA TALYAANIGA OO QALAB CIIDAN KU WAREEJISAY TALISKA CIIDANKA ASLUUBTA

Dowladda Talyaaniga ayaa Qalab Ciidan oo isugu jiray kabo, katiinadaha Maxaabiista lagu xiro ,Dhar ,koofiyado iyo Gaashaanka looga hortago Dibad baxyada rabshadaha wato waxa ay ku wareejisay Taliska ciidanka Asluubta waxaana ka Gudoomay Deeqdan Taliye ku xiggeenka Koowaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Cabdi Kaiin Cali Afrax oo ay wehliyeen Saraakiil ciidanka Asluubta ka tirsan.

Gen Cabdi Kariim Cali Afrax Taliye ku xiggeenka Koowaad ee ciidanka Asluubta oo Warbaahinta la hadlay ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey Taageerada ay siinayaan ciidanka Asluubta isagoo tilmaamay in Qalabkan Shalay lagu Wareejiyey ciidanka ay u Baahnaayeen islamarkaana uu ka haqabtiri doono dhinacyo badan.

Korneel Bernardo Mencraglia oo ah Madaxa hay’adda Gargaarka Talyaaniga ee Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan Taageerada ay siinayaan ciidanka Asluubta Somaaliyeed waxaana uu xusay in ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada Dhismaha Ciidam ada dalka Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay ka mid tahay Wadamada sida gaarka ah u caawiyo Sooma aliya waxaana ay inta badan ka qeyb qaadataa Taakuleynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo dhismahooda.

MADAXDA SOMALIDA EE DALKA KENYA OO SHEEGAY INAY MAXKAMADEYNAYAAN WASIIRKA AMNIGA DALKA KENYA

Madaxda Somalida ee dalka Kenya, ayaa ku hanjabay inay maxkamad soo saarayaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga dalka Kenya Joseph Nkaissery.

Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Nadiif Jaamac Xildhibaan Max’ed Daahiye iyo Xildhibaan C/Qaadir Aadan oo laga soo doorto Waqooyi Bari Kenya ayaa si isku mid ah waxa ay u sheegeen in maxkamad ay la tiigsanayaan Wasiirkaasi.

Sababta maxkamada ay ula tiigsanayaan ayaa waxa ay ku sheegeen in Wasiirka uu ku dhaqma ayo arimo Sharcidaro ah, islamarkaana uu sameynaayo u xaglinta dadka Kenyanka ah ee ku jira Xery aha Dhadhaab ee dalkaasi.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa horay u amray dadka Kenyanka ah ee Xeryaha Qaxootiga ku jira, islamarkaana iska dhigaya dadka Qaxooti ah in halkaasi laga saaro oo ay qaataan Kaarka Muwa adininimada, maadaama ay yihiin dad u dhashay dalkaasi.

Iyadoo amarkaasi uu jiro, ayaa Wasiirka Amniga Kenya waxaa la sheegay intii uu dadka Qaxoo tiga Kenyanka ah halkaasi ka saari lahaa inuu siinaayo kaarar Aqoonsi ah oo ku aadan inay Qaxooti ku yihiin Xeryaha Dhadhaab, halka kuwa Somalida ahna uu u diidaayo.

Arintaasi ayaa waxaa si adag uga carooday Madaxda Somalida dalka Kenya, waxaana Guddoomi yaha Magaalada Mandhera, Nadiif Jaamac uu sheegay inaysan u dulqaadaneyn arintaasi.

Wuxuu ku hanjabay in sharciga ay la tiigsanayaan Wasiirka Amniga dalka Kenya, si arintaan isla xisaabtan dhab ah loogu sameeyo, maadaama Wasiirka uu doonaayo dadka Somalida ah in laga eryo Dhadhaab, taa bedelkeedana ay ku noolaadaan dadka Kenyanka ah.

Xildhibaan Max’ed Daahiye iyo Xildhibaan C/Qaadir Aadan oo laga soo doorto Waqooyi Bari,ayaa Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR,ka codsaday in ay dabagal deg deg ah ku sameyso Dadka Kenyaanka ah ee la siiyay Kaararka Qaxootinimo ee cusub iyada oo kumanaan Somali ah oo Qaxootinimo u diiwan geshay ay Kenya ku cadaadineyso in ay ka guuraan xerada.

CIIDANKA PUNTLAND OO QABTAY DARAWALLO DADKA U SHEEGAY IN AY QAXAAN..

Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Dhanka Waqooyiga oo uu Maamulo Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa Ciidamada Maamulkaasi ay ku qabteen illaa 12 Darawal iyo Gaadiidkii ay wateen,kuwaas oo Dadka ku nool Magaalada u sheegayay in Magaalada uu Dagaal ka dhacayo islamarkaana Dadka ku Qalqaaliyay in ay Qaxaan.

Darawalada Qaar ayaa la qabtay iyagoo wada Alaab ay leeyihiin Dad Shacab ah oo ay u sheeg een inuu Qax jiro oo Magaalada Dagaal uu ka dhici doono.

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa Xabsiga dhigay Darawalada dadka ku qalqaalinayay in ay Magaalada ka Qaxaan.

MUWAADINIINTA MAREYKANKA OO WALAAC KA MUUJIYAY HOWLGALADA MAREYKANKA UU KA FULIYO GUDAHA SOOMALIYA

Hawlgalada sii kordhaya ee Ciidamda gaar ah ee Mareykanka ay ku lug leeyihiin ee ka socda Somaaliya ayaa kor u qaaday cabsida ay qabaan dadka Ameerikaanka ah ee ku nool dalkooda.

War saxaafadeed dhowaan kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa lagu cadeeyay in 17kii bishaan aynu ku jirno August ay Ciidamada gaarka ee maraykanku hawlgal ka dhan ah Al shabaab ay la sameyeen Ciidamada dawlada Somaliya hawlgalkaas oo ay kafuliyeen dergaanka Saakow ee koonfurta dalka Soomaliya.

Muwaadiniinta maraykanka ah ayaa waxa ay wallaac ka muujinayaan hawlgalada ay Ciidamada Mareykanku ka wadaan Somaliya waxaana ay sheegayaan in suurto gal ay tahay in uu dhaco aargoosi ku kusalaysan ku lug lahaanshaha uu marakanka ku lug leeyahay dagaalada ka Socda Somaliya.

Dadka ayaa waxaa ay cabsidoodu ku salaysantahay in dad asalkoodu uu yahay Somalida ee ku nool dalka Mareykanka in aysan in badan oo ka mid ah raali ka ahayn waxa uu marakanku kawado dalkooda.

CIIDANKA DOWLADDA IYO ALSHABAAB OO KU DAGAALAMAY GOBOLKA GEDO

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo kuwa Dowladda uu halkaasi ka dhacay.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay ku dhaqaaqeen deegaan 10KM u jirta Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, deegaankaasi oo lagu magacaabo Suriya.

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku soo qaadeen Deega ankaasi oo ciidamada Dowladda ay ku sugnaayeen, islamarkaana ay kuda jireen howlgalka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa xaqiijiyay hal Askari inuu kaga dhintay weerarkaasi, sidoo kalena ay kaga dhaawacmeen labo Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda.

Deegaanka Suriya ayaa wuxuu Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo kaga beegan yahay Dhanka Waqooyi, wuxuuna u jiraa 10KM waxaana hada deegaankaasi ku sugan ciidamada Al Shab aab.

Ciidamadii Dowladda Federalka Soomaaliya ee deegaankaasi howlgalka u soo aaday ayaa dib u gu soo laabtay Degmada Buurdhuubo, iyaga oo wata meydka Askariga dhintay iyo dhaawaca labada ka le.

Ilaa hada ma cadda Khasaaraha Shabaabka ka soo gaaray dagaalkaasi ka dhacay deegaanka Suriya ee Duleedka Degmada Buurdhuubo.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay dhawaan in la qaadi doono howlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, kaasi oo ka bilaabanaya Gobolka Gedo.

C/raxmaan Cali Guuleed Guddoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ayaa Risaala la had lay.

BOOLISKA BANGLADESH OO TOOGTAY HOGAAMIYAAL LA BAADI GOOBAYAY

Booliska dalka Bangdhalesh ayaa ku dhawaaqay inay soo afjareen hawlgal gaar ahaa oo ay ka sameeyeen xaafado ku yaala magaalada caasimada ah ee Dhaka.

Saraakiil booliska u hadlay ayaa sheegay inay toogteen Sadex ruux oo uu ku jiro qofkii hogaaminayay koox weerar ku qaaday maqaaxi ay dad badan ku sugnaayeen bishii hore.

Weerarkaas waxaa lagu dilay in ka badan 20 ruux oo rayid ahaa waxaana hay’adaha amaanka dalka Bangladesh ay sheegeen in willi ay ku raad joogaan koox kale oo argagixiso ah.

Sargaal booliska u hadlay oo la yiraahdo Sanwar Xuseen ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in dadka ay toogteen uu ka mid ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan ururka la yiraahdo Jameecatul Mujaahidiin ahaana shaqsigii ka dambeeyay weerarkii dadka badan lagu dilay ee caasimada ka dhacay bishii hore ee July.

Hogaamiyaha la dilay dawlada Bangladhesh magaciisa waxay ku sheegtay Tamiin Jawndary.

MAALINTA XAQUUQDA INSAANKA SOMALIYA OO SHALAY LAGA XUSAY MAGAALADA MUQDISHO …

Sanad kasta 27ka August, waxaa laga xusaa Soomaaliya Maalinta Xaquuqda Aadanaha, iyadoo Munaasabadaha iyo kulamada la qabto looga hadlaa Heerka ay marayaan dhibaatooyinka la xiriira xaquuqul Insaanka.

Waxaa shalay lagu qabtay Muqdisho xaflad lagu xusayay maalintan, taasoo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha dowlada Somalia, xubno ka socday bulshada ra’yidka, dadka aanu lixaadkoodu dhameyn.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee XF Somalia, ayaa soo qabanqaabisay munaasabadda, waxaana dadkii hadlay ay mid ka ahaayeen inay muhiim tahay dhawrista xaquuqda insaanka maadaama horay ay u dhaceen xadgudubyo dhanka bini’aadanimada ah.

Xuskan oo ahaa midkii Sideedaad ee Xuquuqda Insaanka Somalia ayaa waxaa ka mid ahaa xubn ihii ka hadlay Wasiirka dhallinyarada Somalia Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo yiri. "Waxaan xooga saaraynaa ka wasaarad ahaan inay si siman dadku u helaan xaquuqahooda la xiriira dhinacyada Sha qada, Ka qaybgalka siyaasadda iyo helista fursadaha muhiimka u ah nolosha bani'aadamka, iyadoo aan la kala soocayn."

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ururka Haweenka Qaranka Soomaaliya Canab Xasan Cilmi oo ka mid ahayd xubnihii ka hadlay xuska ayaa tiri. "Shalay waxaan dhaanaa xilliyo badan oo nasoo ma ray marka laga hadlo xadgudubka iyo weliba tacaddiyada ka dhanka ah Xaquuqda Aadanaha, laakiin waa inaanan sidan looga harin oo lagu dadaalo sidii ay dadku Xuquuqdooda u heli lahaayeen, iyadoo aan la illaaweyn dadka uusan lixaadkooda kaamilka ahayn.”

Dhanka kale, Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha Somalia, Sahro Maxa med Cali Samatar oo iyaduna hadashay ayaa tiri. "Halkudhigga aanu sanadkan waa: xaqiijinta xaquu qda dadka doorashooyinka ka qaybgalaya, maadaama shaqada Wasaarada ay qayb ka tahay dhawri sta Xaquuqda Aadanaha, waxaan u baahan inay shacabku fahmaan waxay tahay xaquuqda insaanka iyo sida ay laguma xadgudbaanka u tahay.”

Ugu dambeyntii, Heshiiska Bulsho ama Dastuurka Waddanka ayaa si weyn waxaa loogu xusay muhiimadda ay leedahay dhawrista Xaquuqda Aadanaha ee Somalia.

Buuggeyga "Wallee waa waaya arag” Janan Madax madow waa cajaa’ib!!..

Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), oo qoray buug badan, ayaa soo bandhigay buugiisi ugu dambeeyey oo lagu magacaabo "Wallee waa waaya arag”, waxa uu sheegay in uu dhammaan buugtiisu ay ku saabsan yahay xal u raadinta dhib badan oo haysta.

Buugga "Wallee waa waaya arag” oo ah buugga ugu dambeeya ee Admiral Qare, ayaa ku saabsan cilmiga ciidanka iyo sida loola dhaqmo hubka, sidaas oo kale waxa uu buuggu ka hadlayaa maamulka ciidanka, Dallacaadda, bixinta derejada iyo sida ay saraakiisha aan tababarka lahayn ugu amar ku taagleeyaan kuwa ka hooseeya.

Waxa uu ka hadlay sababta uu buugga "Wallee waa waaya arag” ayuu ku sheegay in ay tahay 2 sababood, waxa uu yiri:

” 2, sabab awgeed ayaan u qoray, tan koowaad,shacbiga Soomaaliyeed aqoon yahankiisu, cilmiga askarta xabbad kama yaqaano, Jananka jananada ugu weyn hadduu arko waxa uu ku leeyahay Kornayl, Kabtan, wax uu kala yaqaano maba jirto, Midda 2aadna waxa ay tahay, askariga aan dalkaan u rabno, in uu difaaco, nabadda sugo, sida uu yahay ee laga rabo”

AdmiralQare ” Hadda waa la iska daayey sharciga dallacaadda ee ciidanka, oo dalkeenu leeyahay, Waxa aad arkeysaa nin Shibil (Rayid) ah oo la leeyahay waxa aad tahay

Sarreeye Gaas (Janan), Taas sharcigu ma qabo, Janan waxa laga dhigi karaa nin garaadihii oo dhan soo maray, si la ogyahayna u soo maray, xisaabtii haddii aan xisaabay, Janan 25, sano ka hor maalintii uu akadeemiyad galay ma noqon karo Janan, haddii uu 20 jir ahaa 25, sano oo kale ku dar, 45 sano ka hor nin Janan noqon karaa ma jiro”

Buugta uu qoray Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), waxaa kamid ah Maxkamaddii Sheekh Cali Dheere, Qiblada iyo halka ay jirto, oo uu qoray 1996dii,

1998dii, waxa uu qoray buug ku saabsan hub ka dhigista, waxa ayna dhammaantood ku saabsan yihiin dhib jiray oo uu xal ugu raadinayey.

ADMIRAL FAARAX QARE

shaaciyenews@hotmail.com

BOGGA CAYAARAHA

 

WARBIXIN: AFAR WAXYAABOOD OO LAGA BARTAY KULANKII AY BARBARAHA KU KALA BAXEEN LIVERPOOL IYO TOTTENHAM SHALAY.

Gool uu dhaliyay Danny Rose ayaa kansalay goolkii rigoorada uu Liverpool hogaanka ugu dhiibay James Milner, waxaana ay ciyaartii White Hart Lane ku soo dhamaatay barbaro 11 ah, waxa ay aheyd natiijo ay ku qanci kareen Tottenham balse Liverpool ayaa raadineysay guul ka dib guuldaradii isbuucii hore ka soo gaartay kooxda Burnely.

Jariirada Daily Mirror ayaa hadaba qortay afar waxyaabood oo laga bartay kulankii shalay ee London ka dhacay iyadoo labada kooxood ee Reds iyo Spurs ay dhibcaha kala qeybsadeen iyadoo Tottenham ay shan dhibcood leedahay halka Liverpool ay afar dhibcood leedahay ka dib 3 kulan oo ay labada kooxood ciyaareen.

1. JURGEN KLOPP WUU SOCOD SIINAYAA LIVERPOOL.

Liverpool's James Milner scores their first goal from the penalty spot

Natiijadaan waa ay ku adag tahay, iyaga ayaa ahaa kooxda fiican inta badan ciyaarta, waana ay ku adag tahay inay qaataan barbaro marka loo eego fursadihii ay abuureen iyo sida ay ciyaarta u wadeen, waxaana ay aheyd inay badiyaan.

Sida uu Klopp u qaabeeyay kooxdiisa waa mid madadaalo leh, si adag ayay u shaqeeyaan, dhaqdhaqaaqoodana waa mid dhibaato ku ah daafacyada ka soo horjeeda.

Natiijooyinka ugu horeeya waa kuwa isku qasan laakiin xilli ciyaareedkan mid fiican ayuu u noqon karaa Liverpool.

2. DANIEL STURRIDGE OO KEYD LA GELIYAY KA DIB CABASHADIISA.

Maalmo yar ka dib markii uu Daniel Sturridge qirtay inuusan jecleyn inuu garab ka ciyaaro, Jurgen Klopp ayaa boos cusub u helay weeraryahanka Liverpool. Kursiga keydka.

Waa iska cadahay in Klopp uusan dareensanyn inuu ku tiirsanaan karo Sturridge oo uu kooxdiisa ku hareer dhisi karo.

Haddii aysan Klopp ka dhaadhacsaneyn tayada Sturridge markaas waxaa la joogaa waqtigii la iibin lahaa sababtoo Sturridge kuma fiicna kursiga keydka. Divock Origi ayaa xitaa laga soo horgeliyay ka hor inta aan fursad la siinin ciyaarta oo daqiiqado yar ay ka harsan tahay.

3. JAWIGA WHITE HART LANE OO QABOOBAY.

Qeyb ka mid ah garoonka ayaa furan iyadoo dhismaha garoonka cusub uu socdo, waxa ay taasi keentay in jawigii garoonka uu isbedelo.

White Hart Lane waa garoon isku xiran oo sawaxanka iyo qeyladu aysan ka bixin taasoo cabsi gelisa kooxaha martida ku ah, laakiin haatan guuxoodii wuxuu isu bedelay aamusnaan.

4. TOTTENHAM WAA AY TABEEN MOUSA DEMBELE.

Marka aad kaliya aragto Tottenham oo uu Dembele ka maqan yahay ayaad ogaaneysaa sida uu u fiican yahay xiddiga khadka dhexe ee Belgium oo ganaax ku maqan.

Xilli ciyaareedkii hore Dembele ayaa iska dhigay mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican Premier League.

Victor Wanyama waxa uu noqday saxiix fiican laakiin waa burburiye khadka dhexe. Dembele weerar iyo difaacba wuu isku yahay, Tottenhamna waa ay tabeysaa.

NATIIJOONINKA KULAMADA LA CIYAARAY EE ENGLAND PREMIER

Tottenham Hotspur 1 1 Liverpool

Chelsea 3 0 Burnley

Crystal Palace 1 1 AFC Bournemouth

Everton 1 0 Stoke City

Leicester City 2 1 Swansea City

Southampton 1 1 Sunderland

FTWatford 1 3 Arsenal

Hull City 0 0 Manchester United

NATIIJOONINKA KULAMADA LA CIYAARAY EE ITALY SERIEA

Lazio 0 1 Juventus

SSC Napoli 4 – 2 AC Milan

NATIIJOONINKA KULAMADA LA CIYAARAY EE SPAIN LALIGA

Eibar 1 0 Valencia

Osasuna 0 2 Real Sociedad

Real Madrid 2 1 Celta Vigo

Leganes 0 0 Atletico Madrid

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip