Faallo: Sirculus: Siyaasada Maraykanka ee Soomaaliya waa in Dumarka soomaaliyeed helaan Boqolkii sodan Golayaasha sharcida dejinta

0
Saturday August 20, 2016 - 09:48:18 in Maqaallo by
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Sirculus: Siyaasada Maraykanka ee Soomaaliya waa in Dumarka soomaaliyeed helaan Boqolkii sodan Golayaasha sharcida dejinta

    Xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka John Kerry ayaa lagu wadaa in Todobaadkan uu booqasho gaaban ku yimaado magaalada Nairobi, si uu wada-hadalo ku saabsan Doorashooyinka iyo Amniga uu ula yeesho siyaasiyiinta Soomaaliyeed Golaha Madasha Qaran ama M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka John Kerry ayaa lagu wadaa in Todobaadkan uu booqasho gaaban ku yimaado magaalada Nairobi, si uu wada-hadalo ku saabsan Doorashooyinka iyo Amniga uu ula yeesho siyaasiyiinta Soomaaliyeed Golaha Madasha Qaran ama Madaxda Soomaalida. Siyaasada ay Dawlada maraykanku dabada kariixayso ayaa ah in Dumarka soomaaliyeed Qayb weyn kahelaan labada Gole.
Golaha sare iyo Golaha hoose arinkaa oo ah wax ku adag dhaqanka Soomaalida ee islaamnimada ku dhisan in Dumarku helaan awood weyn !

Waxaa fiican in bulshada soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka, inay ka qayb qaataan dhismaha iyo horumarinta waddankeena hooyo si waafaqsan diinteena iyo dhaqankeena oo aynaan ku dayanin bulshooyinka isku dhex Daray ninka iyo naagta. Labaduba isku nooc yihiinn arinkaa oo reer Gabeedku ugu yeeraan sinaan dhinackasta ah oo Gaadhay in ay xadka dhaafto.

Waxaan ogaanay in sinnaan kasta aysan caddaalad ahayn sida lagu sheegay diinteena islaamka Hooyo waa hooyo Goor walba aabe waa aabe.

Mar waraysi laga qaadey Xildhibaan Fowsiyo xaaji aden ayaa sheegtay in dhibaatada ugu daran ee haweenka ka Soomaaliyeed hortaagan dhanka siyaasada iney tahay Dhaqaalo xumo iyo dhanka dhaqanka Soomaalida .

Waxay sii sheegtay in dhaqaalaha xumadaay ka reebtay iney ragga dhanka siyaasada kula tartamaan.

Wasiirkii hore ee arimaha dibada ayaa sidoo kale ka sheekeysay xiligii hore sida ay gabadhaha door weyn ugu dhex lahaayeen horumarka dhanka bulshada, ugu dambeyn ku baaqday in gacan weyn laga geysto sidii looga qeyb qaadan lahaa in haweenka horumar ka sameeyaan dhanka siyaasada Soomaaliya.

Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa sanadii ugu Danbeeyey siisay Bilado sharaf badan Qaybo ka mid ah Dumarka soomaaliyeed .

Halka dhawr jeer loogu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry inuu tallaabo ka qaado xayiraadda saaran Xawaaladaha Soomaalida ee ka hawlgala gudaha Maraykanka. Arinkaa oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ee maraykanka kunool.

Waan Taageen sanahay in Dumarka soomaaliyeed helaan xuquuqda dhinackasta, oo ay kaga Qeyb qaadanayaan horumarka bulshada Soomaaliyeed. ee waa wax laga xumaado in Dhaqanka iyo diinta ku dhisan islanimada laga dhigo wax fikir NGO ku dhisan badali karo.

caalim_finland


Qore. Mahamed Maxamuud Nuur Caalim
caalim68@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip