DHINACEEN U SOCONAA?!!.

0
Monday August 15, 2016 - 20:59:42 in Maqaallo by
  • Visits: 1104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHINACEEN U SOCONAA?!!.

    Dikshenerka siyaasada Gudaha. Siyaasi ma ihi, waana igu adagtahay in aan odoroso siyaasada . maanta ayaa iigu horeeysay oo aan arkay qoraalkii ka soo baxay madasha wada tashiga ee Bishan agoosto 2016.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dikshenerka siyaasada Gudaha. Siyaasi ma ihi, waana igu adagtahay in aan odoroso siyaasada . maanta ayaa iigu horeeysay oo aan arkay qoraalkii ka soo baxay madasha wada tashiga ee Bishan agoosto 2016.
Waan fahmi waayay, waxaa ku qoran go’aan ay wada gaareen kuwa sheeganaya Madaxweeynayaal/Governatoorayaal. Laguna maamulayo dal dhan, dunidaba kama dhicin, ayaan u maleeynaa. kaba daran bal adiguba is weydii ma ku jiraa hal governamtoore oo wada tagi kara ama wada maamula dhamaan dagmooyinka uu ka kooban yahay gobalkiisu, go’aanna u gaari kara, kana fulin kara. Waa Maya, maya. hadaba siduu dal dhan go’aan ugu gaari karaa.

13907174_1190777727630625_4756385739777854338_n


Waxaa la sheegay waqti iyo wax lagu dhawaaqayo, waxa la aqri doonaa liis bug ah oo odayaal bug ah laga saxiixay, ayagoo weliba ka qaylinayo. Aqal sare iyo mid hoose ayaa la sheegay, aqal dhexena waa soo socdaa oo lagu qancinayo ciddii qayla qabto, aqalka sare ayaaba sax u dhaw waa 50/50 ayaa la yiri, tira isla eg rag iyo dumar, ma leysku mehri rabaa? Ma ogi, aduunka kama jirto. Waa tira loogu talagalay in ay fashil ku dhamaato, oo qaar loo diyaariyay ay hoosta ka diidi doonaan. Qaybsigu ma waxa uu ku saleeysanyahay, gobalba gobalkii uu ka dhulweyn yahay waa ka xubna badan yahay, mise gobalba gobalkuu ka dad badan yahay waa ka xubna yar yahay, labadaba ma ahan. Waa cadahay, waa ku talagal fashil qorsheysan.
Maxaa dhacaya ugu dambeyn, liiska governatoorayaashu ansaxiyeen ayaa lagu dhawaaqayaa, inta liiska ku jirto ayaa isku sacbinee, is dhaarinee, beesha caalamka ayaa aqoonsanee.. maxaa xiga sidii hore si ka duwan. Odayaal iyo xildhibaana badan ayaa naftoodu sasaban doontaa, degmooyin badan oo xildhibaano laga boobay, ama kuwa ayna rabin loo magacaabay ayaa ka go’i doona gobalada. Waxaa ka faa’iidi doona cid kasta oo mucaarad hubeysan ah.
Siyaasadeena guduhuna ma dhaafsana Hebal aa diidan iyo taladii hebel Maya, isii haddii kale, iyo inyaaw inyaaw garba nuuxiskii caruurta.
Haddii siyaasadii guduhu sidaa tahay tan dibaddana,Fiiri:
DIKSHENERKA SIYAASADA DIBADDA: Dal marka wafdi uu imaanayo waxa ay fiiriyaan xogta iyo danaha siyaasadeed ee dalka wafdigu ka imaanayo, waxa la diyaariyaa ciddii qaabili laheed, ajandaha lagala hadlayo, danta siyaasadeed ee dalkaa, iyo maamuus qarameedkooda IWM. Haddiise wafdigu ka imaanayo Soomaaliya, cid waliba waa sii ogtahay waxa ay u socdaan oo ku qoran buuga la dhaqanka diplomaasiyiinta agnabiga ah.
Qola waliba sida ay noola dhaqanto iyo bogga ay ku qoran tahay:
1-Carab: lacag ha loogu geeyo Hotelkooda (for shopping). Page 37.
2-Itobiya: la kulan adigu, koleeyba walaalkii kale ayuu ka dacwoonayaa . page 4.
3-Kenya : ha iska nasteen hayadahana hala kulmeen. page 104.
4-Jabuti: soo dhaweeya walaalaheen, hana naga gudbeen yeeyna cudurkooda nagu daaranine. page 15.
5-IGAD: aan handadno cabsidu haku badatee. page 1.
6-Midawga Afrika: fadhi ku dirirka hanagala soo qayb galeen anaguba wax ma heynee. ( darbigeey ku qoran tahay).
7-Midawga yurub: aan u gudbino qorsha cusub ayagu qorsha ma wataane, kuna xirno shuruud ayna ka bixi Karin, hayadahana aan u wakiilano, dhaqaalaha aan u balan qaadno yuuna naga bixin, inta baxdana dib ha noogu soo noqoto, af tirtirasho ha loo dhaafo. page 01-xxxIII-index
8-UN: aan kor kala socono xaalada ay ku suganyihiina yeeyna ka bixin. page.2034.
9- Jaamacadda Carabta: ajandaha halagu daro bis. page 11.
War deg deg ah: war cusub oo aan ka helay illa xog ogaal ah iyo sarkaal diiday in magaciisa la sheego ayaa igu yiri: ((Somalia lixdankii ayeey xoriyadeeda qaadatay)). War kaas wixii ku soo kordho dib ayaan idiinkagala socodsiin doonaa.
FG: iga raali ahaaw ,wixii iga qaldan, horaan kuugu sheegay,siyaasi ma ihi mana baran culuunta siyaasada, wixii iga khaldan sax,dhaliil, aragtidaada xor ayaad u tahay. Laakin dhinaceen u soconaa??????.
Qore : Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip