Daawo tartanka Olambikada Rio 2016 oo ciyaariha orodada ku soo dhoweeyay garoomo faaruq ah

0
Friday August 12, 2016 - 23:42:46 in Sports News by
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo tartanka Olambikada Rio 2016 oo ciyaariha orodada ku soo dhoweeyay garoomo faaruq ah

    Tartanka ciyaarayaha Olambikada ee ka socda dalka Brazil ayaa dib u dhac weyn uu ka muuqdaa iyadoo tartankan uusan xiiso u lahayn sidii tartamadii hore,iyadoo la gaaray tartankii orodada ayaa garoomadu ay yihiin kuwo faaruq ahoo daawadayaal badan ays

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka ciyaarayaha Olambikada ee ka socda dalka Brazil ayaa dib u dhac weyn uu ka muuqdaa iyadoo tartankan uusan xiiso u lahayn sidii tartamadii hore,iyadoo la gaaray tartankii orodada ayaa garoomadu ay yihiin kuwo faaruq ahoo daawadayaal badan aysan joogin.

Garoon ay markiiba fariisan karaan dadku dhow konton kun oo ruux ayaa waxaa la arkayay maanta kuraastiisa oo midabkoodu yahay buluug ay yihiin kuwo cidlo ah iyadoo tikadhadana la iibsan.

Shacabka reer Brazil ayaan wax xiiso ah u hayn tartanka waxaana cabsi dhanka ammaanka ah awgeed u baaqday kumanaan taageerayaal oo badankood dalka Maraykanka ka iman lahaa.

Tartamadii maanta la qabtay ayaa waxaa billad dahab ah ku guuleystay orodyahanada dalka Ethiopia Almaz Ayana iyadoo jebisay rikoorkii u yiil gabdhaha waxayna ku oroday waqti dhan 29.17.45, sidoo kale waxaa tartankan kaalinta 2aad ka gashay orodyahanada dalka Kenya ee Vivian Jepkemoi Cheruyot iyadoo kaalinta 3aadna ay soo gashay orodyahanada dalka Ethiopia Tirunesh Dibaba.

Orodada dhaadheer ee caalamka ayaa waxaa kaalmaha hore ka gala orodyahanada ka soo jeeda geeska Afrika waxaana la filayaa in orodyahanka reer Britain Mo Farah balse asalkiisu yahay Soomaali uu meel iska saaro orodyahanada kale ee geeska Afrika dalalkooda u cararaya ee Ethiopia iyo Kenya.

Madax wareerka ka jira tartankan ayaa abaabulayaasha tartanka waxaa ay ku qasabta in taleefishinada ay ka sii daayaan codsiyo ay dadka ku weydiisanayaan inay garoomada yimaadaan. Codsiyadaa ayaa qaar ka mid ah taleefishinada waxaa laga daawaday orodyahanka dunida u haysta boqolka mitir ee Bolt inuu soo fariisto dadkana u sheego in uu joogo oo uu ordayo.

Waxaa diyaariyay Maxamed A, Caseyr

rio 16 (1)

rio 16 (2)

rio 16 (3)

rio 16 (5)

rio 16 (7)

rio 16 (8)rio 16 (9)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip