Saddex wiil iyo gabar Soomaali ah oo ku dhintay Saxaraha u dhaxeeya Suudaan iyo Masar

0
Thursday August 27, 2015 - 20:24:35 in Wararka by
  • Visits: 1426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex wiil iyo gabar Soomaali ah oo ku dhintay Saxaraha u dhaxeeya Suudaan iyo Masar

    Dhalinyaradan, ayaa ka mid ahayd 24 qof oo ka amba baxay Magaalada Khartoum Ee Wadanka Suudaan, safarkooduna uu ku wajahnaa Xarunta Wadanka Masar Ee Magaalada Qaahira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyaradan, ayaa ka mid ahayd 24 qof oo ka amba baxay Magaalada Khartoum Ee Wadanka Suudaan, safarkooduna uu ku wajahnaa Xarunta Wadanka Masar Ee Magaalada Qaahira. Tahriibayaashan oo la socday laba gaari, ayaa afarta qof ee dhimatay waxaa la sheegay inay dileen dadka wax tahriibiya ee u dhashay dalka Suudaan, iyadoona aynaan kala cadayn waxa ay ku dileen.

Xasan Maxamed C/laahi (Uurdoox) oo tahriib ku galay Magaalada Qaahira, ayaa sheegay inuu wareystay gabar ka mid ahayd labaatankii qof ee dhacdadaasi ka badbaaday, isla-markaana ay u sheegtay in afarta qof ay dileen muqalasiin reer Suudaan.

Wiil ka mid ahaa afarta qof ee geeriyootay, ayaa ka hor intii aanu geeriyoon waxa uu ku dardaarmay in hooyadii ay cafiso.


Xamse Garaad Yuusuf oo ka mid ahaa labaatankii qof ee dhacdadaasi ka badbaaday, ayaa sheegay Saxaraha u dhaxeeya Suudaan iyo Masar, in uu ka dhib badan yahay midka u dhaxeeya Libya iyo Suudaan.

Dadka geeriyooday, ayaa ka kala yimid Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Ceerigaabo iyo Puntland. Wuxuuna hadafkoodu ahaa in ay Magaalada Qaahira kaga sii tallaaban dalka Talyaaniga.

Dadka ku safra Saxaraha u dhaxeeya Suudaan iyo Masar, ayaa inta badan waxay u geeriyoodaan haraad, gaajo, garaacis, gaariga oo la iska tuuro ama cilad ku timaada gaariga iyo wadada oo laga lumo/ambado.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip