Doorasho, Muun, Koroow, orgi, digaag iyo Dollar.

0
Tuesday August 02, 2016 - 09:54:24 in Maqaallo by
  • Visits: 1101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorasho, Muun, Koroow, orgi, digaag iyo Dollar.

    Beryahan Magaalada waxaa laga maqlayaa shanqar aad u weyn, mana ahan qaraxyada oo kaliya, ee waxaa jira sawaxan ka yeeraya Hoteelada, guryaha,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beryahan Magaalada waxaa laga maqlayaa shanqar aad u weyn, mana ahan qaraxyada oo kaliya, ee waxaa jira sawaxan ka yeeraya Hoteelada, guryaha,
xafiisyada, xarumaha fadhi ku dirirka, shirarka qabiilada, goobaha haweenku ku kulmaan oo 30% looga hadlayo iyo xataa Xarunta Xalane dhaxdeedaa. Waa cod isku milmay oo aan la fahmeyn waxa laga hadlayo iyo luuqada lagu hadlayo, laakin arrinka laga hadlayo waa mid kaliya .

Untitled

 

DOORASHO, Goormee la qabanaa? Dib miyaa loo dhigaa? Qofkii xildhibaannimo isku sharaxaya meeqa lacag ah ayuu diyaarsanaa? Kii xil ka weyn rabana? Taa oo qofba siduu doono uu sababeeynayo , shanqarta ugu badan waxaad ka maqlee Xildhibaanada qaar, kuwaa oo ka cabsi qaba in ay dib u soo noqon waayaan iyo kuwo ka walwalsan lacagta diiwaan galinta oo aad loo badiyay.

Muunanka maamul gobaleedyada ayaa laga sugayaa in ay qiimaha wax ka badalaan, ku daraan ama ka dhimaan, ayadoo muun kasta laga filayo in dhowr Koroow oo uu ku kalsoonyahay xaafadiisa ka soo xulo, asagoo kaashanaya duubka uu aqoonsan yahay, cidda kaliya oo uu dhibsanayo muun gobaleedku waa dhowr Koroow oo dibada ka yimid oo sheegaya kalmado aan halkan laga aqoon oo kala ah, Democracy, transparent, fair selection. (Sawirka 2aad).

Waxaa la is weydiinaya cagta ciyaartooyda aa la kala gadan jiray ee codka xildhibaanada ee suuqa lagu kala gato imisuu noqon doonaa bacdamaa ay soo dhawdahay ciyaartii olombikada baarlamaanka oo afartii sanaba mar la qabto.

 



Sawirka 1aad) oo ay soo ban dhigtay Yusra Yusuf ayaa muujina shanqarta ka dhalatay kadib markii uu kooramkii looga hadli lahaa in la dhimo lacagta diiwaan galintu uu buuxsami waayay, baarlamaanka waxaa ku haray intii beeca aheed, intii kale maanta kal fadhiga ma imaan, waxa ay ogaadeen in cidii furi laheed ay maqantahay.


Ogow . lacagtii la jeclaa ee "D” na meesha kama maqna (sawirka4aad) , waxaa sii dheer tii oow orgay-khaliij iyo Afadiisa (sawirka 3aad) oo ay kala tashadeen jaamacadii digaaga ee aan xubinta ka aheeyn. (Sawirka 5aad).


ALLA hana waafajiyo xulasha haboon, anna iigu duceeya in uuna Alla iga dhigin xildhibaan hadda jira, waa iga daacad.
FG. Raali ahoow haddii aad musharax tahay, ha u macneyn si cara abuuri karta, waa hal abuur kaftan ah, laakin aragtidaada xor ayaad u tahay.
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip