GUUL NOO DHOW MISNA AAN GAARI LA'NAHAY!

0
Tuesday October 27, 2015 - 16:22:25 in Maqaallo by
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUUL NOO DHOW MISNA AAN GAARI LA'NAHAY!

    Mararka qaar ayaa waxaan is weydiiyaa xaggee nalaga haystaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mararka qaar ayaa waxaan is weydiiyaa xaggee nalaga haystaa?

Ma Xagga Caqliga (Mentality-ga) ayaan ka yara hooseynaa Ummadaha Caalamka?


Ma Tarbiyadaa naga soo qaldantay waagii aan yareyn?
Ma Tacliin xumaa na haysatoo, Jaahilnimaa wax walba u samaynaynaa?
Ma dadkeennaa sidii ay dhibaato daba dheeraatay ugu jireen Diir nixii iyo Naxariistiiba ka guurtay?
Ma Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda ee na hoggaamiya ayaysan Daacad ka ahayn u adeegidda Dalkooda iyo Dadkoodaba?
Ma Muwaadiniintii ayaa dalka ka dhammaaday?
Ma Habaar fac ka fac ah ayaa nalooga tegay?
Ma Xaasidnimadii lagu sheegay (Suurat Al-Falaq) oo kale ayay Shacabkeennu isku hayaan oo ay horumar ku gaari waayeen?
Ma Qabyaaladdii ayaa na Qalbi martay oo dhinicii Samaanta naga weecisay?
Ma Fitnadii Nebigeenna محمد صلى الله عليه وسلم uu u mmaddiisa uga sii digay ayaan xilligeedii taagannahay?
Ma Dadkeennaa si qaldan u fahmay Diinta aynu haysanno ee Islaamka?
Ma dalalka aan deriska nahay ayaan damacsanayn in ay arkaan Soomaaliya oo Qarannimadeedii dib u soo ceshatay? mise Amar kale oo aan garanayn ayaa na haysta?

Su'aalahaas oo dhan jawaabahooda lagu wareer, ninba si u fasir, anigase waxaan ku soo koobay (Qaddar iyo xukun noo qornaa oo inaan marno lagama maarmaan tahay).

Mararka qaar waan amakaagaa su'aallo aan Karaankayga ahaynna waxaan si is daba joog ah ugu diraa Maskaxdayda markii aan arko Ummaddo dalalkoodii quruxsaday oo maalin walba ku bara tamaya sidii ay tallaabooyin horumar leh ugu biirin lahaayeen Waddammadooda halka annaguna aan ku dhaqanno taa Caksigeeda.

Mararka qaar waan isku yax yaxaa oo waxaan is iraah kaalay dadkaan iyo adinka miyaan isku 9 bilood ku wada dhalan? waa markaan arko Buuro Waaweyn oo la duleeliyay oo dhexdooda Gaadiid iyo Tariinno ka dhex dusayaan?

Mararka qaybtood waan qiraa in Cilmi nala dheer yahay markaan is barbar dhigo halka aynu taagannahay maanta iyo halka ay Ummadaha horumaray ee Dunidu marayaan markay hindiseen Tariinno Badda hoosteeda ku socda, sidoo kale Dayax Gacmeedyo Cirka loo dirayna ay macluumaad u soo gudbiyeen dhulka isla markaana Kaamirooyinkii lagu rakibay lagala socdo dhulka aynu guudkiisa saarannahay.

Mararka qaarkood waxaan is iraahdaa armaaba tihiin qoladii la yiri "Dhulka waxaan culeys ahayn kuma hayaan" haddana waxaan iraahdaa hadalka saa ha u dhigin, rajaduna yaysan kaa xumaan.

Nin Walaalkeey ah ayaa mar walba oo waxyaabaha dunida ka dhacaya aan la barbar dhigno dalkeenna Soomaaliya waxa uu igu oran jiray "Haddii Khariidadda Caalamka loo hagaajiyo sida Neef Lo' ah oo kale Soomaaliya waxay kaga oolli lahayd Saynta u dambeysa ee Saalladu ku soo dareerto!".

Mararka qaar waxaan is weydiiyaa "Toloow Adduunyada Marqaati miyaad ka tihiin?" markaan arko Tariinnada dheereeya ee ku dul cararaya Buundooyinka dhaadheer, oo qaarkood saacaddii jaraya 574km/h, kaaga darane dunidu ay Tariin ku guur ahayd 1804-tii oo ah muddo haatan laga joogo 211 sano.

Mararka qaybtood waxaan la yaabaa sida dunidu uga faa'iideysatay wax kale iska daaye Qorraxda ILAAHAY siiyay oo ay uga dhaliyeen Koronto iyagoo abuuray wax ay u bixiyeen (Solar Farms /Beerihii Solar-ka) oo labada ugu weyn Caalamka ay ku yaallaan Mareykanka kuwaasoo gaaraya 8 Milyan oo Solar oo la is garab dhigay waxaana ay Koronto siiyaan 340,000 guri, halka dadka ku nool Soomaaliya in badan oo ka mid ah aysan haysan koronto joogto ah.

Waxaa la sheegaa Barafasoorada Soomaaliyeed ee wax ka dhiga Jaamacadaha kala duwan ee Caalamka in ay xal u waayeen su'aal kaga timaadda ardaydooda oo ku saabsan dalkooda taasoo ah "Macallin annagoo ku faraxsan inaad cilmiga aad baratay noogu dhigto dalkan waxaan rabnaa in aan ku weydiinno dalkiinna miyuusan qabin Barafasoorro sidaada oo kale ah oo ummaddaan kala dhex gala, waa maxay sababta 24 sano ka badan aad dhibaato ugu jirtaan?".

Qof walba oo Soomaali ah waxa uu la mid yahay Shucuubta ku nool dunida, waxaana uu xaq u leeyahay in uu helo 4 Waxyaabood ee Tiirka u ah Nolosha Bani'aadamka ee dadyowgaasi ay haystaan (1. Biyo & Baad, 2. Hooy, 3. Caafimaad, 4. Waxbarasho) balse nasiib darro badi dadkeennu taa ma haystaan.

Isku soo wada duuboo yuusan hadalku waxba ila tegin, (Guul noo dhow misna aan gaari la'nahay!) waxaan ula jeedaa inta yar ee ay guusha iyo horumarku noo jiraan iyo sida aan u gaari la'nahay haddaan nahay Soomaali oo aan agteeda ugu meereysanayno, waxaana keliya guushaasi xaqiijin karnaa markii ILAAHAY na waafajiyo isla markaana la helo Nabad iyo Sinnaan.

Soomaalidu kama garaad yara Shucuubta Adduunka, balse wax kasta oo horumar iyo mashaariic maalgashi ee laga samayn lahaa dalkeenna, taasoo ummaddoo dhanna dan u ahaan lahaa waxay badidoodu u xayiran yihiin (Nabad la'aan), iyadoo nabaddana lagu sifeeyay Nolol.

Haddii ummad isku tiirsan oo mid ah la helo waxaa badanaya wax soo saarkeenna, haddii wax soo saarkeenna uu batana waxaa dhergaya oo baahida ka baxaya dadkeenna, marka wax yar oo reer hebelnimo lagu helay ha ku qancine walaal wax weyn baad xaq u leedahay ee ogoow.

Waxaan aaminsanahay in sanadaha soo socda ay wax badan is beddeli doonaan Haddii ILAAHAY idmo, dadka Soomaaliyeedna ay khibrad ka kororsan doonaan waqtigii adkaa ee ay soo mareen.



W/D Yaxye Yuusuf Khasaaro
E-Mail yaxyekhasaaro@hotmail.com
Facebook@Yaxye Yuusuf
France

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip