Baaritaan lagu ogaaday ragga iyo haweenka dunida ugu dhaadheer iyo kuwa ugu gaagaaban

0
Wednesday July 27, 2016 - 19:25:07 in Maqaallo by
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaritaan lagu ogaaday ragga iyo haweenka dunida ugu dhaadheer iyo kuwa ugu gaagaaban

    Baaritaan la sameynayay muddo hal qarni ah ayaa lagu ogaaday in ragga dunida ugu dhaadheer ay yihiin dadka Dutchka halka haweenka ugu dhaadheer dunidana ay yihiin dumarka Latvia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaritaan la sameynayay muddo hal qarni ah ayaa lagu ogaaday in ragga dunida ugu dhaadheer ay yihiin dadka Dutchka halka haweenka ugu dhaadheer dunidana ay yihiin dumarka Latvia.

Celcelis ahaan ragga Dutchka ah ayaa dhererkoodu waxa uu gaaraa 183cm (6ft),halka celcelis ahaan dumarka dalka Latvia uu dhererkoodu gaaro 170cm (5ft 7in).

Baaritaanka oo lagu soo daabacay wargeyska eLife ayaa lagu sheegay in baaritaano lagu sameeyay 187 dal tan iyo sanadkii 1914kii ay ka dhalatay natiijadan la soo bandhigay.

Ragga ka soo jeeda wadanka UK ayaa sare u kacay illaa iyo 11cm ama (4in) celcelis ahaan qofka labka ah ee UK waxaa uu haatan yahay 178cm (5ft 10in) halka dhinaca dheddigana 164cm (5ft 5in).

Dadka Maraykanka ah ayaa warbixintan waxa ay ku sheegtay in ay noqdeen kuwo hoos ugaga soo dhacay heerkii hore dadkaasi dhererkoodu uu ahaa,sanadkii 1914kii dadka Maraykanka waxa ay ahaayeen kuwo ku jirey kaalinta 3aad ee dhinaca dhererka ragga halka ay haatan ka noqdeen kaalinta 37aad,haweenka Maraykankuna oo hore ugu jirey kaalinta 4aad ayaa haatan waxa ay noqdeen kaalinta 42aad.

Kaalimaha ugu sareeya ee dhinaca dhererka caalamka ayaa waxaa ugu badan wadamada Yurub. Waxayna warbixintan cadeysay in dadka dunida ugu gaagaaban ay ku nool yihiin dalka East Timor kuwaasoo celcelis ahaan gaara (160cm; 5ft 3in).

Wadamad Bariga Asia waxaa sare u kacay dalal ay ka mid yihiin Japan,China iyo Koofur Korea waxayna noqdeen kuwo ka dhaadheer halkii ay joogeen boqol sano kahor.

Si kasta ha ahaate{10} saddexda rag ee dunida ugu dhaadheer ayaa dalalka ay ka soo jeedaan waxa ay yihiin qaar aysan ku jirin tobanka dal ee dadka ugu dhaadheer caalamka ay ku nool yihiin.

Ninka caalamka ugu dheer ayaa ah nin u dhashay dalka Turkiga Sultan Kösen, dhererkiisuna waa 251 cm, 8 ft 3 inches, iyadoo qofka labaad ee caalamka ugu dheerna uu yahay nin u dhashay dalka Morroco Brahim Takioullah, dhererkiisuna waa 246 cm, 8 ft 1 inch kaalinta 3aad ayaa waxaa ku jira nin u dhashay dalka Iran Morteza Mehrzad, 242 cm, 7 ft 11¼ in

Tobanka dal ee raggoodu ay ugu dhaadheer yihiin caalamka ayaa waxa ay isugu xigaan sidan Netherlands, Belgium,Estonia,Latvia,Denmark,Bosnia and Herzegovina,Croatia,Serbia, Iceland Iyo Czech Republic sidoo kale tobanka dal ee dumarka dunida ugu dhaadheer ayaa waxaa u badan wadamada qaarada Yurub

 

1-Latvia   {2} Netherlands {3} Estonia {4} Czech Republic {5} Serbia {6}  Slovakia {7} Denmark {8} Lithuania {9}  Belarus  {10} Ukraine




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip