Booliska Degmada Afgooye oo gacanta ku soo dhigay Rag Bulshada dhibaato ku haayay

0
Wednesday July 27, 2016 - 10:39:18 in Wararka by
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Degmada Afgooye oo gacanta ku soo dhigay Rag Bulshada dhibaato ku haayay

    Saraakiisha ciidamada Booliska Degmada Afgooye ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen labo ruux oo Bulshada degan Degmada Afgooye dhibaato ku hayn jiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha ciidamada Booliska Degmada Afgooye ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen labo ruux oo Bulshada degan Degmada Afgooye dhibaato ku hayn jiray.

Labadan ruux ayaa la sheegay inay isbaaro dhigan jireen gudaha Degmada Afgooye oo dadka iyo gaadiidka lacago sharcidaro ah ay ka qaadi jireen.

Howlgal ammaanka lagu xaqiijinaayo oo ciidamada Booliska Degmada Afgooye ay ka sameeyeen Degmadaasi, ayaa waxaa ciidanka u suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan labadaasi ruux.

Taliyaha Booliska Degmada Afgooye Cilmi Maxamed Cismaan, ayaa sheegay raggaan oo gacanta Booliska ku jira in la waafajin doono sharciga.

"Ciidamada ammaanka waxay sameeyeen howlgal amniga lagu xaqiijinayo, waxay ciidanka soo qabteen Labo nin oo isbaaro dhiganaayey sharciga ayaana la marsiin doonaa.” Ayuu yiri Taliyaha.

Degmada Afgooye waxaa ku sugan ciidamo badan oo Millateriga ka tirsan kuwaasi oo ka soo tagay Xerooyinkii ciidanka ee ay ka tirsanaayeen, waxaana ay isbaaro dhigtaan meelo ka baxsan Degmada Afgooye.

Falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ayaa ku badan Degmada Afgooye oo maamulka awaamiir kala duwan uu horay uga soo saaray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip