Shabaab oo soo bandhigay in Xildhibaan hore uu fuliyay mid ka mid ah qaraxyadii lagu weeraray Garoonka

0
Wednesday July 27, 2016 - 09:09:18 in Wararka by
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo soo bandhigay in Xildhibaan hore uu fuliyay mid ka mid ah qaraxyadii lagu weeraray Garoonka

    Ururka Al Shabaab ayaa sheegay Raggii fuliyay weerarkii Ismiidaaminta shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho agtiisa inuu ka mid ahaa Xildhibaan hore oo ka tirsanaan jiray Baarlamaankii KMG ee dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al Shabaab ayaa sheegay Raggii fuliyay weerarkii Ismiidaaminta shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho agtiisa inuu ka mid ahaa Xildhibaan hore oo ka tirsanaan jiray Baarlamaankii KMG ee dalka.

Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil oo loo yaqaan (Saalax Badbaado) ayeey sheegeen Shabaabka inuu ahaa ruuxii isku qarxiyay meel ku dhaw Irida Ciidamada Amisom ay ka galaan Xerada Xalane, ee loo yaqaan albaabka Madiina Gate.

Shabaabka waxa ay soo bandhigeen cod laga duubay ka hor inta uusan isqarxin Ex Xildhibaan Saalax Badbaado, oo uu kaga hadlaayay falkii uu ku jiray, isaga oo diray digniino kala duwan.

Saalax Badbaado oo da’diisa ay aheyd 57 sano jir ayaa horay isugu dhiibay Ururka Al Shabaab, kadib markii uu u tagay Ururkaasi una sheegay inuu ka towbad keenay falkii uu ku jiray.

Codka laga duubay Saalax Badbaado ayaa fariin wuxuu ugu diray Dowladda Federalka Somaliya oo uu sheegay wadada ay ku taagan tahay inay tahay mid qaldan.

Dowladda Federalka Somaliya weli kama aysan hadlin jiritaanka xaqiiqda warkaan ka soo yeeray Ururka Al Shabaab ee ah inuu isqarxiyay Saalax Badbaado.

Dadka reer Muqdisho ayaa si aad ah u hadal haayo arintaan ku saabsan inuu isqarxiyay Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya, gaar ahaan Baarlamaankii KMG.

saalax-Badbaado (1)

Ruuxii kale ee isna isqarxiyay ayeey Shabaabka ku sheegen inuu ahaa 21 sano jir dhalinyaro ah, aduunkana ka doortay inuu Isqarxiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip