Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka iyo Wasiirka Amniga oo gaaray Baledweyne

0
Sunday July 24, 2016 - 14:21:19 in Wararka by
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka iyo Wasiirka Amniga oo gaaray Baledweyne

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, Wasiirka Amniga Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somaliya Mahad Cabdalla Cawad iyo masuuliyiin kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, Wasiirka Amniga Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somaliya Mahad Cabdalla Cawad iyo masuuliyiin kale.

Xubnahan ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baledweyne Ugaas Khaliif, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha ciidamada Jabuuti.

Ujeedada Wafdigaan ay u tageen Magaalada Baledweyne ayaa waxa ay tahay sidii maalinta beri ah ay uga qaybgeli lahaayeen Caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo beri lagu caleemo saarayo Magaalada Baledweyne.

Xildhibaano ka tirsan Dowladda ayaa horay ugu sugnaa Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo iyagana u tagay halkaa ka qaybgalka Caleemo Saarka Ugaaska.

Ammaanka Magaalada Baledweyne ayaa si weyn loo adkeeyay , gaar ahaan Xarunta Maamulka oo ay ku sugan yihiin masuuliyiinta maanta gaartay Baledweyne.

Inkastoo Magaalada Baledweyne ay ka jirto xiisad siyaasadeed, maadaama Odayaasha ay sheegeen Caleemo saarka Ugaaska kadib inay u soo jeesan doonaan sidii Maamul ka madax banaan midka Dowladda ay ugu dhisi lahaayeen Gobolka Hiiraan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip