Turkiga oo kala diray Ilaalada gaarka ee madaxtooyada

0
Sunday July 24, 2016 - 11:48:05 in Wararka by
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo kala diray Ilaalada gaarka ee madaxtooyada

    Ra'iisul Wasaaraha Turkiga ayaa ku dhawaaqay in la kala diray Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada, kadib markii 300 ka mid ah la xiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Turkiga ayaa ku dhawaaqay in la kala diray Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada, kadib markii 300 ka mid ah la xiray.

Binali Yildirim ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya aan loo baahneyn Guutada Ilaalada Madaxtooyada, kuwaasoo lagu eedeynayo inay qeyb ka ahaayeen afgambigii dhicisoobay.

Tirada Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ayaa gaaraya 2,500 askari, iyadoo 283 ka mid ah loo xiray qalalaasihii ka dhashay isku daygii afgambiga.

Howl galada lagu xir xirayo dadka xiriirka la leh ama ku lug lahaa isku daygii afgambiga ee fashilmay ayaa halkiisa ka sii socda.

Muhammet Sait Gulen oo uu adeer u yahay wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen ayaa lagu xiray magaalada Erzurum ee ku taala waqooyi bari Turkiga.

Wakaalada wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in wiilkan adeerka u yahay Gulen loo soo qaaday magaalada Ankara, si su’aalo loo weydiiyo.

Madaxweynaha Turkiga Recep tayyib Erdogan ayaa qaaday tallaabooyin adag oo uu uga jawaabayo isku daygii afgambiga, iyadoo shaqada laga ceriyay kumanaan shaqaale, lana xiray iskuulo, goobo caafimaad, iyadoo xabsiga la dhigay kumanaan ruux ay ku jiraan ciidan iyo saraakiil.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip