Daacish oo sheegatay masuuliyada Qaraxyo lagu laayay 80 ruux 230 qofna lagu dhaawacay (SAWIRRO)

0
Sunday July 24, 2016 - 11:43:36 in Wararka by
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish oo sheegatay masuuliyada Qaraxyo lagu laayay 80 ruux 230 qofna lagu dhaawacay (SAWIRRO)

    Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Afghanistan, ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada inay gaartay 80 ruux, halka dhaawacana uu gaaray 230 qof oo ka mid ahaa dadkii ku mudaharaadaayay Caasimada Kabul, kadib qarax lala beegsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Afghanistan, ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada inay gaartay 80 ruux, halka dhaawacana uu gaaray 230 qof oo ka mid ahaa dadkii ku mudaharaadaayay Caasimada Kabul, kadib qarax lala beegsaday.

Weerarkan bambaano oo ah kii ugu weynaa oo muddooyin sanado ah ka dhaca magaalada Kabul ayaa lala beegsaday dad mudaharaad ku dhigayey bartamaha magaaladaasi.

Dadka mudaharaadayey ayaa kasoo jeeda qawmiyada Hazara oo ka cabanayey xukuumada talada heysa iyo dhibaatooyin ay u geysteen ciidamada dowlada Afghanistan.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay inay iyadu ka danbeysay weerarkan, isla markaana uu ahaa weerar Ismiidaamin ah oo ay labo qof fuliyeen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qaraxa 1aad loo adeegsaday gaari loo ekaysiiyey inuu gadayo Jalaato oo kadib lagu qarxiyey dadkii goobtaasi ku sugnaa, qarax 2aadna uu fuliyey qof sitaya bambaano.

Warbaahinta oo muuqaal ka duubaysay dadka xilliga Banaanbaxa ay dhigayeen, ayaa la kulmay qaraxa, waxaana la arkaayay qiiq iyo Uuro cirka isku shareertay oo qaraxa ka dhashay.

Dadka dhaawacmay ayaa xaaladooda caafimaad lagu dabiibayaa goobaha caafimaadka ee dalkaasi.

Madaxweynaha dalka Afghanistan, Ashraf Gani si adag u cambaareeyay falkaasi lala beegsaday dadka mudaharaadka dhigaayay.

KabulKabul 1Kabul 2Kabul 3Kabul 4Kabul 5Kabul 6Kabul 7Kabul 8Kabul 9Kabul 10




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip