Dalka Brazil oo lagu xiray toban nin oo weeraro argagixiso qorsheynaayay

0
Thursday July 21, 2016 - 23:57:23 in Wararka by
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Brazil oo lagu xiray toban nin oo weeraro argagixiso qorsheynaayay

    Ugu yaraan toban nin oo qorsheyneysay weeraro argagixiso oo ka dhan ah ciyaaraha olimbikada ka furmanaaya dalkaasi, ayaa xabsiga loo taxaabay, iyadoo laba kalana lagu daba jooggo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan toban nin oo qorsheyneysay weeraro argagixiso oo ka dhan ah ciyaaraha olimbikada ka furmanaaya dalkaasi, ayaa xabsiga loo taxaabay, iyadoo laba kalana lagu daba jooggo.

Booliska Brazil, ayaa Khamiistii maanta xabsiga dhigay raggaasi oo si dhow looga shakisan yahay in ay maleygayeen weeraro ka dhan ah ciyaaraha 5-ta bisha soo socota ee August ka bilaabanaaya Magaalada Rio.

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka Brazil, Alexandre Moraes, ayaa sheegay in raggan lagu aqoonsaday farriimo ay isu weydaarsadeen barraha bulshada, sida barta Whatsapp. Farriimahan waxay muujinayaan in raggaasi ay ka wada hadleen sidii ay tababaro u samayn lahaayeen, ayna hub uga soo iibsan lahaayeen meel ka baxsan Brazil.

Wasiirka oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Brasilia ee Caasimadda Brazil, ayaa wuxuu tilmaamay inaysan raggaasi ka tirsanayn Ururka Daacish (Dowladda Khilaafada Islaamka), laakiin ay isu dayeen xiriir ay la sameeyaan.

Xubnahan oo laga soo kala qab qabtay illaa toban gobol, oo ay ku jiraan Gobolada Parana iyo Sao Paulo ee Koonfurta Brazil, ayuu Wasiirku sheegay in ay doonayeen hub ay ka soo iibsadaan dalka Paraguay. Gobolka Parana ayaa xuduud la leh Paraguay.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa hoosta ka xariiqay in yoolka raggan uu ahaa in ay weerarada ka fuliyaan Magaalada Rio, inta ay ka socdaan ciyaaraha caalamiga ee olimbikada.

Dhammaan dadka la xir xiray oo u dhashay Brazil, ayaa waxay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin Daacish, sida uu Saxaafadda u sheegay Alexandre Moraes.

Wasiirka Moraes, ayaa ugu dambeen dadka reer Brazil iyo caalamkuba ugu laab qaboojiyay in weeraro argagixiso oo ka dhaca dalkiisa uu yahay wax aad u yar.

Dhanka kale Golaha Wasiirada Brazil, ayaa shir deg deg ah loogu yeeray in ay isugu yimaadaan, si ay kaga wada hadlaan arrinta xasaasiga ah ee dalkaasi ku soo korortay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip