Madaxweynaha oo Tababar ugu soo xeray Garoonka Balli-doogle Ciidamo Kumaandoos ah

0
Thursday July 21, 2016 - 20:55:01 in Wararka by
  • Visits: 487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo Tababar ugu soo xeray Garoonka Balli-doogle Ciidamo Kumaandoos ah

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka gaaray Garoonka Balli-doogle oo xarun u ah Ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa halkaas waxaa uu Tababar ugu soo xiray Ciidamo Kumaandoos oo muddo tababar u socday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka gaaray Garoonka Balli-doogle oo xarun u ah Ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa halkaas waxaa uu Tababar ugu soo xiray Ciidamo Kumaandoos oo muddo tababar u socday.

Madaxweynaha ayaa ku gaaray garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose diyaarad qaas aheyd, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya ciidamo horay ay u tababareen Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo muddooyinkii la soo dhaafay howl gallo qorsheysan ka fuliyay deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Taliyeyaasha Ciidamada xoogga dalka iyo Cirka ayaa si rasmi ah tababar ugu soo xiray cutubto ka tirsan Ciidanka Kumaandooska, kuwaasoo dhoolatus milateri ku soo bandhigay xerada gudaheeda.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Ciidamada Kumaandooska inay yihiin ciidamo udub dhexaad u ah howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana uu xusay in tababarkan uu muhiim u yahay xoojinta amniga dalka.

Waxaa uu kula dar daarmay Ciidamada inay u istaagaan difaaca dalka, isla markaana isu diyaariyaan sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa.

Waa markii u horeysay oo uu Madaxweynuhu gaaro garoonka diyaaradaha Balli-Doogle oo xilligan saldhig weyn ay ku leeyihiin Ciidamo Mareykan ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip