WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 21-KA LUULYO 2016-KA

0
Thursday July 21, 2016 - 10:43:12 in Wararka by
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 21-KA LUULYO 2016-KA

    KULAN LOOGA HADLAYO MAALGASHIGA IYO XOOJINTA BANGIYADA SOOMAALIYA OO NAYROBI LAGU QABTAY… Dood Cilmiyeed ku saabsan sida loo xoojin karo Bangiyada Soomaaliya isla markaana ay ba ngiyada dalka Kenya maalgashi ugu sameyn karaan Soomaaliya aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KULAN LOOGA HADLAYO MAALGASHIGA IYO XOOJINTA BANGIYADA SOOMAALIYA OO NAYROBI LAGU QABTAY… Dood Cilmiyeed ku saabsan sida loo xoojin karo Bangiyada Soomaaliya isla markaana ay ba ngiyada dalka Kenya maalgashi ugu sameyn karaan Soomaaliya ayaa shalay lagu qabtay magaall ada Nairobi ee dalka Kenya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa furay kul ankaan oo ay soo qabanqaabisay safaaraddu ayna ka qeyb galayaan Wasaaradaha arrimaha diba dda, maaliyadda, ganacsiga iyo qorsheynta ee labada waddan, masuuliyiinta bangiyada dhexe ee labada dhinac iyo bangiyada ganacsiga ee gaarka loo leeyahay.

"Ujeeddada kulankani waa in la is dhaafsado sida ay bangiyada ganacsiga ee Soomaaliya iyo Kenya isu kaashan karaan, ayadoo labada dowladood ay taageerayaan ama ay u fududeynayaan arrintaas” ayuu yiri danjire Jamaal.

Cabdirisaaq Xasan oo ah la taliyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in xoojinta iyo sharci siinta bangiyada Soomaaliya ay ahmiyad u leedahay kor u qaadidda hannaanka dhaqa ale ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay in sanidihii la soo dhaafay uu bangiga dhexe uu ruqsad siiyay bangiyo iyo xawaalado badan oo dalka ka shaqeeya.

"Waxa aan ruqsad siinnay lix bangi oo ganacsi oo qaarkood ay halkaan fadhiyaan, sidoo kale waxaan ruqsad siinnay in ka badan lix shirkad oo xawaaladeed kuwaas oo adeegyo u qabta bulsha da Soomaaliyeed” ayuu yiri Cabdirisaaq.

Buteri Watson oo ka tirsan Bangiga Adduunka ayaa sheegtay in Soomaaliya sanidihii la soo dhaafay ay horumar weyn ka sameysay hannaanka maamulidda dhaqaalaha dadweynaha, ayadoo la sameeyay sharciyo badan oo taageeraya ama fududueynaya in maalgashi lagu sameysto wadd anka ayadoo ay jirto daahfurnaan maaliyadeed.

"Soomaaliya waxa ay sameysay hourmar weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah, maamulidda dhaq aalaha dowladda iyo xoojinta hay’adaha qaabilsan dhaqaalaha ayaa aad loo hagaajiyay” ayay tiri Buteri.

"Hay’adaas la xoojiyay iyo horumarkaas ayadoo laga amba qaadayo, Waxa aan ka hadlaynaa sidee hay’adahaas dowladda ee koraya ay u caawin karaan ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxa ay ku taageeri karaan iyo sida ay ganacsatada dalalka dariska ah gaar ahaan Kenya u maalgashan karaan Soomaaliya”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Cabdullaahi Sheekh Cali "Qaloocoow” ayaa shirkaan ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad weyn siinayso xoojin ta wada shaqeynta hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladeed. Wuxuu intaa ku daray in qorshaha qaran ee horumarinta dalka ay qeyb ka tahay horumarinta iyo kor u qaadidda dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, ayaa shegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyney so in dowladaha dariska ahi ay maalgashi ku sameeystaan Soomaaliya, ayadoo ay dowladdu diyaa risay sharciga maalgashiga dalka, kan Iibka qaranka iyo kuwo kale.

Sidoo kale wakiilo ka socda rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed, Bangiyada IBS, Premier Bank, Salaam Somali Bank, Dahabshiil, Amal iyo bangiyo ka shaqeeya dalka Kenya ayaa ka qeyb galaya kulankaan oo doodo ku saabsan sida loo wada shaqeyn karo ay ku yeelanyaan madasha.

Bangiga Adduunka iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa soo qabanqaabiyay kul ankaan. Billowgii sanadkaan safaaradda ayaa kulan sidaan oo kale ah u qabatay ganacsatada Soo maaliyeed ee ka shaqeysta dalka Kenya.

WASIIRKA WARFAAFINTA DHAQANKA IYO DALXIISKA OO SHALAY TABABAR U FURAY SUXUFIYIIN

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye” ay aa shalay xarunta wasaaradda ka furay tababar ku saabsan Qaabka Wariyuhu isaga difaaco qata raha Xilliyada colaadaha.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Shaqaalaha iyo tababarrada ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa bixinaya Hayadaha Caalamiga ee taageera Suxufiyiinta ee I.M.S &FOJO, waxaana ka qeybgalayaashu ku baran doonaan xirfadaha ay kaga gaashaaman lahaayeen haddii ay soo wajahdo Qatar dhanka ammaankooda la xiriirta.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Max’ed Cabdi Xayir "Maareeye” ayaa si rasmi ah u furay Tababarkan wuxuuna ka hadlay muhiimadda aqoonkororsigaan u leeyahay Suxuf iyiinta marxaladda shalay dalku marayo.

" Waa fursad qaali ah oo loo baahan yahay in aad ka faa’ideysataan isla markaana xirfadda aad halkaan ka heshaan aad u gudbisaan warfidiyeenada kale aan nasiibka u helin, dhanka kale wasiirku wuxuu cadeeyay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso sidii Suxufiyiinta loo sugi lahaa ammaankooda” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Munaasabadda Furitaanka tababarkaan waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasa aradda Warfaafinta Md: C/llaahi Colaad Rooble, Agaasimaha guud ee warfaafinta Md: C/risaaq Cali Yuu suf (Bahlaawi) iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta.

HUMAN RIGHTS WATCH OO CIIDAMADA KENYA KU EEDEEYSAY TACADDIYO AY U GEYSTEEN DAD RAYID AH

Warbixin ay soo saartay Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxa ay ku sheegtay in ciidamada Kenya ay ku kaceen gabood fallo ka dhan ah bani’aaddanimada, laba dii sano ee u dambeeyay intii lagu guda jiray howllgallo ciidamada ay ka sameeyeen gobolka Waq ooyi bari iyo Magaalada Nairobi.

Waxa ay sheegtay Hay’adda in la dilay dad badan, sidoo kalane la afduubay 34 Qof, oo lagu qabtay howlgallada laga sameyay deegaannadaasi, kuwaasi oo ilaa hadda aan meel lagu sheegin nolol iyo geeri.

Cabdi Barre, Maxamed ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay meel qiyaastii 18 Kiilo Mitir u jirta Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari, kaasi oo bishii Augost 2015 ay ciidamada ka qabteen meel ka baxsan Gurigiisa.

Eedeynta Human Rights Watch oo ka kooban 87 Bog ayaa intaasi ku dareysa in muddadii da mbe ay sii kordheysay qabqabashada dadka looga shakiyo Al Shabaab ee la dilo, iyaga oo aan Caddaalada marin kadibna iyada oo aysan ka warqabin Ehaladooda.

Hay’adda ayaa xustay in ka badan 8 bil ay wadday baaritaanka kiiskaan, oo laga fuliyay goo baha ay tacaddiyadu ka dhaceen ee Nairobi, Gaarisa, Wajeer iyo Bandheera, iyada oo wareysatay 117 Qof oo isugu jira dhibbanayaal, goob joogayaal, Qareenno, Wariyayaal, Ururada u dhaqdhaq aaqa xuquuqda aadanaha iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya. Ma ahan markii ugu horreysay oo Hay’adda xuquuqda aadanaha ay Ciidamada Dowladda Kenya ku eedeeyso dambiyo gabood fal ah, iyada oo howlgallada ciidamada ay sii kordheen, tan iyo markii ay bateen Weerarrada qorshey san ee ka dhacaya Dalkaasi.

GUDDOOMIYAHA G/BANAADIR OO KORMEERAY SIDA LOO BIXINAYO RAASHIN GARGAARA OO LA GEEYAY QAAR KA MIDA DEGMOYINKA GOBOLKA.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Md: Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray sida loo qeybinayo Raashin gargaar ah oo la gaarsiiyay qaar ka mida degmooyinka Gobolka oo ay ka mid yahiin Yaaqshiid, Boondheere, Waabari iyo X/Jajab.

Guddoomiyaha ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehliyay G/ kuxigeenka Gobolka ee dhinaca siyaasadda Max’ed Axmed Diiriye yabooh ayaa waxaa uu ugu kuurgalayay qaabka raashinka deeqda ee Turkigu loo gaarsiinayo dadwaynaha ku dhaqan dagmooyinkaasi.


KENYA: DAD LA LA' YAHAY, KUWO LAGU DILAY WAQOOYI BARIDOWLADDU WAA IN AY BAARITAANNO SAMAYSAA, AYNA XAQIIJISAA CADAALLADA

Dowladdu waa in ay Baaritaanno Samaysaa, ayna Xaqiijisaa Cadaallada

Labadii sano ee lasoo dhaafay intii uu socday hawlgalka argagixiso la dagaallanka ee Waq ooyi Bari Kenya iyo Nairobi, waxaa la waayay ugu yaraan 34 qof oo ay wateen laamaha ammaanka ee dalka, waxaa sidaa lagu sheegay warbixin ay shalay shaacisay ha'yadda Human Rights Watch. Dowladda Kenya waa in ay soo afjartaa tacaddiyada ka dhasha hawlgalka argagixiso la dagaall anka, ayna si degdeg ah u baartaa dadka la la’ yahay iyo dadka ku dhintay iyaga oo ku xiran Waqo oyi Bari.

Warbixinta oo ka kooban 87 bog, cinwaanna looga dhigay, "Dilal iyo Dad La Waayay: Taca ddiyada Hawlgalka Argagixiso La Dagaallanka ee Nairobi iyo Waqooyi Bari Kenya,” ayaa diiw aangelisay 34 dhacdooyin ay ka qeyb qaateen laamaha kala duwan ee ammaanka, ayna milateriga Kenya si toos ah ugu lug lahaayeen hawlgalo lagu baarayay guryo ama lagu soo qabanayay dad looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin ururka AlShabab. Hasayeeshee ka dib bilooyin ama mararka qaar muddo sanad ka badan, dadka laga shakiyay ayaan la hor keenin maxkamad, qoysaskoodana ma garanayaan halka ay jiraan. Dhammaan ehelada dadka la la’ yahay ayaa booliska ku wargeliyay maqnaanshahooda, waxaana ay garab ka raadsadeen laamaha kala duwan ee dowladda, balse ma jirto cid u sheegtay halka ay ku sugan yihiin dadka la watay, ama baaritaan wanaagsan ku samay say tacaddiyada la sheegay.

"Dadka ku nool Waqooyi Bari Kenya waxay mudan yihiin in laga difaaco weerarrada AlShab ab, ee ma aha in ay tacaddiyo dheeraad ah kala kulmaam dowladda,” waxaa sidaa yiri Ken Roth, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Human Rights Watch. "In dadka inta la uruuriyo, haddana la sheegi waayo meesha ay ku sugan yihiin waa dembi halis ah, waxaana ay sii kordhineysaa cabsida iyo aaminaad la’aanta laga qabo laamaha ammaanka.” ayuu raaciyay.Human Rights Watch ayaa muddo ka badan sideed bilood baaraysay tacaddiyada ka dhaca Nairobi iyo deegaannada Waqooyi Bari Kenya ee Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera. Waxa ay wareysatay 117 qof oo ay ku jiraan dhib anayaal, dad goob joog u ahaa hawlgalada argagixiso la dagaallanka, imaamyo, mas’uuliyiin dowl adda ka tirsan, weriyayaal, qareenno, kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha, saraakiil boolis iyo milateri ah iyo hogaamiyayaasha beelaha deegaanka. Human Rights Watch ayaa sidoo kale wareysiyo dabagal ah la yeelatay dad ku sugan Nairobi waxayna sidoo kale telefoon kula hadashay dhibanayaasha iyo marqaatiyada ku sugan Waqooyi Bari.

Walaaca laga qabo xaaladda ay ku sugan yihiin 34ta qof ayaa waxaa uga sii daray meydadka in ka badan 11 qof oo labadii sano ee lasoo dhaafay la helay, qaarkoodna lagu arkay meel aan ah ayn halkii laga qabtay, dadkaasi oo ahaa kuwo ay markii hore xireen laamaha ammaanka ee Ken ya. Inta ay ogtahay Human Rights Watch, boolisku ma aanay samayn baaritaan micna leh oo ku aaddan dhimashada dadkaa. Waxaa meydadkaasi ka mid ah mid laga helay deegaanka Mandheera, oo laga soo saaray god lagu aasay ka dib markii ay shacabku sidaa dalbadeen, has ayeeshee dowladda Kenya meydkaasi kuma aanay samayn baaritaan micna leh sida uu dhigayo sharciga dalka u yaalla.

Human Rights Watch ayaa ogaatay in dadka lagula kaco xariga aan loo meel dayin xilliyada hawlgalka ammaanka ay ka mid yihiin dhalinyaro Soomaalida Kenya ah, imaamyo iyo macallimiinta dugsiyada Quraanka. Waxaa dadkaasi lagu xiray, ugu yaraan markii hore, saldhigyo milateri iyo xer yo kumeel gaar ah oo ay ciidanka ku leeyihiin keymo ku yaalla Waqooyi Bari iyo qeybo kale oo dal ka ka tirsan. Mararka qaar, waxaa dadka qabqabta ciidanka booliska, ka dibna waxa ay ku wareejiy aan milateriga.

Nin 48 jir ah ayaa u sheegay Human Rights Watch in booliska ay xireen bishii Mey 2015, laba maalmood ay ku hayeen saldhiggooda degmada Wajeer, ka dibna ay u dhaadhiciyeen xerada milat eriga ee Wajeer. Wuxuu sheegay in muddo ka dib ay milateriga soo qabteen walaalkii, ayna ku wa da xirnaayeen xeradaasi. Askarta milateriga ayaa laad, dharbaaxo, garaac iyo koronto ay ku qabte en isugu daray ninkan, waxaana la sii daayay 15 maalmood ka dib. Lama ogga halka uu ku dam beeyay walaalkii.

21kii Maarso, 2015, afar askari oo milateri ah ayaa gurigiisa Mandheera ka watay Cabdiweli Ibraahim Sheekh oo 28 jir ah, waxaana goob joogayaal ay arkeen asaga oo loo wado xerada mil ateriga Mandheera. Dib dambe looma arag. "Saraakiisha ammaanka ayaa noo sheegay in ay su’ aallo weydiin rabaan, ka dibna ay soo deynayaan,” ayuu yiri nin 50 jir ah oo Cabdiweli la joogay mar kii la xirayay. "Ma aanan ogeyn in sidaa lagu weyn doono.” ayuu raaciyay.Ehelada dadka la la’ yah ay ayaa si weyn u baadi goobay, waxaana ay ka raadiyeen goobaha dadka lagu hayo, iyaga oo gar ab ka codsaday siyaasiyiinta iyo culimada diinta, mararka qaarna baraha bulshada maciin biday si ay u helaan dadka ka maqan. Qaar ka mid ah eheladaasi ayaa gudbiyay codsi ay maxkamadaha dalka uga dalbanayaan in ay dowladda ku amraan bixinta xogta dadka la la’ yahay. Hasayeeshee mas’uuliyiinta ayaa beeniyay in ay ogyihiin halka ay jiraan dadkaasi la waayay.

"Haddii dad Kenyan ah la la’ yahay, booliska waxay mas’uuliyad ka saaran tahay in ay si muu qata ula shaqeeyay qoysaska dadkaasi iyo marqaatiyada, si dadka maqan loo helo,” ayuu yiri Roth oo ku daray "Aamusnaanta dowladda ayaa waxbadan muujineysa.”

Hawgalada argagixiso la dagaallanka ah ee laamaha ammaanka ay ka wadaan Waqooyi Bari, ayaa bilowday waxyar ka dib weerarkii Sebtember 2013 lagu qaaday xarunta dukaamaysiga ee Westgate, caasimadda Nairobi, balse waxay xoogeysteen Abriil 2015, ka dib weerarkii lagu qaa day jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay ku dhinteen 147 qof oo 142 ka mid ah ay arday ahaayeen. Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay fulisay labadaasi weerar. Wuxuu ururkaasi sidoo kale sheegtay weerarro kale oo khasaare badan ka geystay gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari. Si looga jawaabo weerarradaasi ayaa Ciidanka Difaaca Kenya, Booliska, Sirdoonka Qaranka, iyo Kuwa Ilaalada Duurjoogta waxaa la geeyay gobolka Waqooyi Bari, waxaana mararka qaar ay ciidammadaasi la shaqeynayeen unugyo kale oo ku sugan Nairobi.

Human Rights Watch waxa ay rumeysan tahay in 34ta qof ay yihiin dhibanayaal qasab lagu kaxaystay, oo sharciga caalamiga ah uu u aqoonsan yahay dad xoriyadooda ay ka qaateen laa maha dowladda, isla markaana la inkiray xarigooda ama la qariyay xaalkooda iyo halka ay ku sugan yihiin. Milateriga iyo booliska Kenya ayaan ka jawaabin su’aallo ay Human Rights Watch ka weydi isay halka ay ku sugan yihiin 34ta qof.

Tallaabada ay dowladda wax uga qabaneyso tacaddiyada ka dhasha hawlagalada argagixiso la dagaallanka ayaa ah kuwo aan la qaadin waqtigii loo baahnaa, waxaa sidaa sheegtay Human Rights Watch. Dowladdu waa in ay bixisaa xogta asaasiga ah ee ku aaddan heybta, masiirka, iyo halka ay ku sugan yihiin dadka lagu xiray hawlgalada noocaasi ah, iyo in ay xaqiijiso in qof kasta oo la xiro ama lasoo qabto la mariyo habka sharciga ah.

Booliska iyo milateriga Kenya waa in ay si degdeg ah u baaraan dadka la sheegay in la la’ ya hay, dilalka iyo jirdilka ka dhaca Waqooyi Bari iyo in ay cadaallada mariyaan kuwa masuulka ka ah arrimahaas. Madaxweynaha waa in uu alkumaa gudi gaar ah oo baaritaan ku sameeya inta ay gaarsiisan yihiin tacaddiyada ka dhasha hawlagalada argagixiso la dagaallanka ee Kenya.

"Shaki kuma jiro in Kenya ay wajahayso caqabado waaweyn oo dhanka ammaanka ah, balse masuuliyiinta waxaa waajib ku ah in jawaab celintooda ay noqoto mid wax ku ool ah, ayna xushme eyaan habka sharciga ah markasta oo ay laamaha ammaanka hawlgal samaynayaan,” ayuu yiri Roth oo intaa raaciyay "Dadka la la’ yahay iyo kuwa aan dilkooda la baarin ee Waqooyi Bari ayaa ah kuwo loo maray qaab sharci darro ah, waxaana ay arimahaasi sababi karaan in lasii fogeeyo bul shooyinka maxaliga ah, kuwaasoo iskaashi in lala sameeyo loo baahan yahay.”

"Dilal iyo Dad La Waayay: Tacaddiyada Hawlgalka Argagixiso La Dagaallanka ee Nairobi iyo Waqooyi Bari Kenya,” waxaa laga heli karaa

MAGAALADA MARKA IYO XANNUUNKA FOOSHA

Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa laga soo sheegayaa xaalad aad u murugsan, tiiyoo ay muuqato inay indhaha uun ka daawanayso Dowladda Somaliya.

Magaalada Marka oo ah Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay si buuxdo ugu kala qaybsantay xiisadda u dhaxeysa laba ka mid ah beelaha wada degga Gobolkaasi.

Waxaa la soo warinayaa in burbur xoog lihi uu ka muuqanaayo Magaalada Marka, tiiyoo ay dheer tahay in ay ka barakaceen inta badan dadkii rayidka ahaa ee ku noollaa.

Marka hadda waxay u kala qaybsan tahay labada beelood ee ku hardamaaya gacan ku hayn teeda, mana jirto wax tallaabo rasmi ah oo illaa iyo hadda ay ka qaaday Dowladda Dhexe Somaliya.

Ma jirto cid si buuxdo uga arrimisa Magaalada Marka, iyadoo dhawaan ay isaga baxeen Ciidankii Militariga Somaliya. Ururka Al Shabaab ayaana sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta Marka.

Ciidanka Amisom oo degan Deegaanka Ceeljaale oo 6km u jirta Magaalada Marka, ayaa si adag u beeniyay sheegashada Al Shabaab, ee ah in ay la wareegeen gacan ku haynta Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Dadka isaga soo hayaamay Magaalada Marka waxaad qaarkood ku arkeysaa Magaalada Mu qdisho, waxayna kuu sheegayaan in xaalad aan laga warami karin ay ka jirto Magaalada lagu naa neyso (Marka Cadey).

DOWLADDA OO CIIDAMO GEYSAY ISBITAALKA DEVA EE MAGAALADA MUQDISHO

Ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya, ayaa la sheegay in habeen hore fiidkii la geeyay Isbitaalka Deva oo ku yaalo Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ciidankaan ayaa waxa ay adkeynayaan ammaanka Xarunta Isbitaalkaasi, sidoo kalena waxa ay ilaalinayaan qalabka kala duwan ee Isbitaalka yaallo.

Isbitaalka Deva, waxaa maamulaysay Hay’adda Nile Academy oo Dowladda Somaliya ay ku amartay in dalka ay uga baxdo muddo isbuuc gudihiisa ah.

Wasaarada Caafimaadka ayaa la sheegay in ciidankaan ay dalbatay, kadib markii laga cab sooday in la biliqeysto qalab fara badan oo qaali ah oo dhex yaala Isbitaalka Deva.

Ilo Xog ogaal ah ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha ciidamadan oo aad u badan inay adkeynayaan ammaanka Isbitaalka Deva iyo nawaaxigiisa, si aysan u dhicin carqalad ku aadan isku day lagu qaato allaabta taalo Isbitaalkaasi.

Isbitaalka Deva ayaa markiisi horeba waxaa lagu daaweyn jiray dadka haysta lacagaha iyo Madaxda Dowladda, maadaama uu yahay Isbitaal aad qaali u ah oo qiimo ahaan aysan iska bixin karin Qarashaadka dadka aanan lacagaha haysan.

Ninka masuulka ka ah Nile Academy ayaa lagu eedeyay inuu ka dambeeyay Afgambigii dhici soobay ee dalka Turkiga, taasina ay keentay in Turkiga uu Somaliya ka codsado in laga saaro Hay ’adaasi.

DAD CAREYSAN OO CIIDAMADA AMISOM KU HOR ISTAAGAY ISGOYSKA SOOBE

Dad ka carooday Shil gaari oo ciidamada Amisom ay u geysteen gaari uu lahaa muwaadin Somaliyed ayaa shalay Is hor istaag ku sameeyay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka Amisom ayaa gaari muwaadin Somaliyed uu leeyahay waxa ay ku jiireen Naw aaxiga Wasaarada Arimaha Dibada Somaliya, oo ku dhaw Isgoyska Banaadir, waxaana ay uga soo dhaqaaqeen halkaasi.

Dad ka carooday falkaasi ayaa ciidamada Amisom waxa ku hor istaageen Isgoyska Soobe, iy agoo diiday ciidanka Amisom inay halkaasi maraan ilaa laga xaliyo Shilka ay geysteen.

Ciidamada Amisom markii gaadiidkooda shilka ay geysanayeen, waxa ay dhaawaceen Muw aadin saarnaa gaariga shilka ay u geysteen.

Buuq iyo Sawaxan ka dhashay dadka is hor taagay gaadiidka ciidamada Amisom, ayaa ugu dambeyn waxa ay sababtay inay halkaasi soo gaaraan ciidamada Booliska Somaliya.

Ciidamada Booliska oo ay la socdaan ciidamada Taraafikada ayaa yimid goobta, waxaana la cabiray Shilka gaariga, iyadoo Taraafikada ay sheegeen in ciidamada Amisom ay qaldan yihiin.

Gaadiidka ciidamada Amisom iyo kii uu lahaa muwaadinka Somaliyed ayaa loo kaxeeyay Xarunta Visha Taraafiko, si halkaasi sharciga loogu qaado.

Ciidamada Amisom ayaa caado ka dhigtay marka ay geystaan shilalka gaadiidka inay ka tag aan goobta shilka ay ka geysteen, iyaga oo aanan waxba u qaban gaariga shilka ay u geystaan.

AXMED MACALIN FIQI OO SHEEGAY INAY DACWAD KA GUDBINAYAAN WASAARADA AMNIGA SOMALIYA

Siyaasiga Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Masuuliyiinta Axsaabta Siyaasadeed ee dalka ay aa sheegay inay dacwad ka gudbinayaan Wasaarada Amniga gudaha oo amaro dul dhigtay Hotel ada Muqdisho.

Wasaarada Amniga ayaa soo saartay amar sheegayaa inaan la qaban karin Shir aysan Wasa arada ka war haynin, taasi inta badan dhacda xilliyada doorashada in Dowlada ay biloowdo Cab urin.

"Warqaddaasi kasoo baxday wasaaradda waxay ahayd mid sharci darro ah, wax sharci ah oo ay ku qotontay iyo sharci ay daliilsanayso aysan jirin, warqad af Soomaali ah oo Saddex leen ah oo iska qoran hoteellada lagu amrayo inaan lagu shiri karin oo aan wax sharci ah ku fadhin sharcina aan soo daliilsan waxaan u aragnaa arrintaasi Dastuurka Federaalka qodobka 20aad farqaddiisa 1aad, kaasi oo dhahaya qof kasta waxa uu xaq u leeyahay inuu abaabulo kana qeybgalo kulamo ama bannaanbax si xasilooni ah cabasho loogu muujiinayo iyadoo aan ogolaasho loo baahneen, wax ogolaansho ah xitaa madaxweynaha u sarreeya looma baahna, Dastuurka ayaa sheegaya madaxweynaha Dastuurka ayuu ku dhisan yahay, wasaaradda amniga iyo wasaaradaha kalena Dastuurkan inay ilaaliyaan oo ixtiraamaan baa laga raabaa.” Ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi

Qoraalkii ku qornaa Warqada ayaa wuxuu sheegay inay aheyd in la iska ilaalinaayo halista Kooxda Shabaab.

"Warqaddaan waxaa ku qornaa si la isaga ilaalino Alshabaab, Alshabaab hoteelada lagama ilaaliyo dhexdooda ee waxaa laga ilaaliyaa bannaanka, Hoteelka waa meel nabdoon oo dadka how lahooda ku qabsanayaan amniga haddii la sugayo bannaanka ayaa laga sugaa ee gudahiisa iyo howlashiisa lagama sugo, waxaan arrintaan u aragnaa mid aan sharciga ku fadhin, waxay leeyihiin warqad iyo idin hanalaga soo qaato” ayuu yiri Fiqi

Wasaaradda amniga ayuu sheegay in howlo muhiim ah ay hayso balse dacwadda ay ka gudbinayaan ay la xiriirto oo kaliya warqadda ay dhawaan soo saartay.

"Annaga horta wax hadda nahor istaagay ma jirto, annaga waan soo jirnay waana shaqeyn eyanay, waa annagii Ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha gudaha dacweynay, haddana wasaarad da amniga ayaan dacwad ka gudbin doonnaa, taasi oo ku saabsan warqaddii u dambeysay, waxa an aaminsannahay inay dalka u adeegto, ka shaqeyo laakiin warqaddii darraad ay soo saartay wax ay ahayd mid sharciga hareer marsan.”

MADAXWEYNAHA TURKIGA OO XAALAD DEG DEG AH KU SOO ROGAY DALKIISA

Madaxweynaha Turkiga, ayaa waxaa uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dalkaasi uu ku soo rogay, ka dib markii uu fashilmay afgambigii lagu doonaayay in talada dalkaasi looga xay uubiyo.

Recep Tayyip Erdoğan oo xalay khudbad ka jeediyay Telefishinka Qaranka, ayaa wuxuu iclaa miyay muddo saddex bilood oo xaalad deg deg ihi lagu gelinaayo dalkaasi.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa sheegay in tallaabadaan loo qaaday sidii loogu xoojin lahaa dimoqraadiyadda dalka, loogana hortaggi lahaa qalqal amni oo dalka uu galo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in tani ay laamaha ammaanka ka caawinayso inay soo qab qabtaan kuwii soo maleygay inqilaabkii lagu doonaayay in lagu rido dowladda uu hogaamiyo.

Madaxweynaha, ayaa wuxuu qeexay inaanay tani liddi ku ahayn dimoqraadiyadda, islamarkaana ay waafaqsan tahay Dastuurka Qaranka, qodobkiisa ah in la ilaaliyo dimoqraadiyad da.

Madaxweyne Erdoğan, ayaa wuxuu wacad ku maray inay samayn doonaan wax kasta oo ay ku xaqiijinayaan amniga guud ee dalka.

Waxaa uu u mahadceliyay shacabka Turkiga oo fashiliyay afgambigaasi, islamarkaana ay tani noqon doonto mid ay taariikhda xusto, sida uu yiri.

Madaxweynaha, ayaa go’aankaan ku dhawaaqay, xilli uu Arbacadii la kulmay Guddiga Amn iga Qaranka, kulankaa oo ay kaga arrinsadeen go’aanka ay qaadanayaan, ka dib afgambigii dhici soobay ee Jimcihii ka dhacay dalkaasi.

ERDOGAN IYO OBAMA OO KHADKA TALEEFANKA KU WADA HADLAY

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo dhiggiisa Mareykanka Barack Obama ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay, kadib afgambigii dhicisoobay ee jimcihii la soo dhaafay dhacay.

Obama ayaa sheegay in Mareykanka uu Turkiga gacan ka siin doono baaritaanada ku aadan isku daygii afgambi ee fashilmay.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Obama uu khadka taleefanka kula xiriiray Tala adadii daraad Madaxweyne Erdogan, afar maalmood kadib isku daygii afgambi.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay cdosiga Turkiga ee ku aadan in loo soo gacan geliyo wadaadka lagu eedeynayo inuu ka dambeeyay afgambigii fashilmay.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa wax faah faahin ah ka bixin waxa uu Mareykanka ka ye elayo ninkaas, inkastoo dhowr jeer oo hore Mareykanka diiday inay wadaadkaas ku wareejiso.

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Turkiga ayaa sabtidii ku eedeeyay Mareykanka inuu ku lug la haa isku dayga afgambigaas fashilmay.

Hase ahaatee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa iska fogeeyay in Mareykanka uu wax door ah ku lahaa isku daygaas afgambi.

Mareykanka iyo Turkiga ayaa xiriir dhow oo saaxibtinimo ka dhaxeeya, iyadoo Mareykanka uu saldhig Milateri oo looga duulo Kooxda Daacish uu ku leeyahay Turkiga.

XIISAD DAGAAL OO WALI KA TAAGAN GOBOLKA SANAAG

Gobolka Sanaag Wararka ka imaanya ay sheegayaan in xiisad dagaal wali ay ka jirto deegaa nadii maalmo ka hor ay ku dagaalameen Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale dagaallo ay dhacaan.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa isku horfadhiya goobihii ay ku dagaalameen agagaarka BoodaCade oo u dhaxeysa Xingalool iyo Dhahar.

Wararka ayaa intaa ku daraya inay jiraan gurmadyo labada dhinac u direen aaggaga dagaal ee ay isku horfadhiyaan, waxaana barakac laga soo sheegayaa inuu ka jiro goobaha xiisada ay saa meysay.

Dagaalo culus oo labada dhinac ku dhex maray Isniintii ayaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo labada maamul ay dagaalka ka kala sheegteen guulo.

Ciidamada Somaliland ayaa Isniintii gacanta ku dhigay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu qabtay goobo ku dhow deegaanadii lagu dagaalamay.

Somaliland ayaa dhowaan ka bilowday diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashooyinka dee gaanada Gobolka Sanaag Bari oo ay ku doodeyso in maamulkeeda uu hoosyimaado, iyadoo Maa mulka Puntland uu ka soo horjeestay.

Labada Maamul ayaa muransan deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag oo midba midka kale uu sheeganayo in deegaanadiisa ay yihiin.

DAB KA KACAY DHISME DHEER OO KU YAALA MAGAALADA DUBAI .

Dab, ayaa waxaa uu galabta ka kacay Dhismaha Sulafa oo ka mid ah dhismooyinka ugu dha adheer ee ku yaala Magaalada Dubai ee Wadanka Emirateka Carabta.Qiiq, ayaa la arkaayay isa goo dibadda uga soo baxaaya daaqadaha qaar ee Dhismaha Sulafa, dadkuna waxay bilaabeen in ay bannaanka uga baxaan dhismahaasi.

Shaqaalaha gaadiidka dab demiska oo ku sugan goobta uu dabku ka kacay, ayaa waxay la tacaalayaan sidii ay u baqtiin lahaayeen dabkaasi, islamarkaana ay uga hortaggi lahaayeen in go obo hor leh uu ku fidiyo.

Markii dabka uu socday muddo laba saacadood, ayaa la sheegay in uu xoogeystay, inkastoo aan weli la soo sheegin cid illaa iyo hadda wax ku noqotay dabkaasi.

Dhismaha Sulafa, ayaa wuxuu ka kooban yahay 75 dabaq, dhirirkiisuna waxaa weeye amaba lagu tilmaamaa mid gaaraaya 285 mitir.

Dhismahan waa dhismaha 23aad ee ugu dheer Dubai. Dhanka caalamkuna wuxuu noqo nayaa dhismaha 127aad ee dunida ugu dheer.

XOGHAYIHII GAASHAANSHIGGA URURKA ONLF SHEEKH DEEQ MAXAMED OO LA DILAY

Ururka ONLF war kasoo baxay ayaa lagu xaqiijiyay in uu dhintay Xoghayahoodii Gaasha anshigga uuna ku dhintay iska horimaad maalintii Isniinta ee toddobaadkan ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu magacaabo CeelGaabta.

Sarkaal sare oo ka tirsan ONLF, oo lagu macagaabo Caddaani Hirmooge ayaa VOA u shee gay in xoghayaha la dilay oo lagu magacaabo Sheekh Deeq Maxamed ay la dhinteen laba xubnood oo kale oo ka tirsan ciidanka ONLF, kadib dagaal ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu magacaabo CeelGaabta.

Caddaani Hirmooge waxa uu sheegay in Mas’uuliyiinta lagu dilay dagaal ay si wadajir ah ugu qeyb qaateen Ciidamada Ethopia iyo kuwa Dowlada Soomaliya oo Tabababar kusoo qaatay Gu daha dalka Ethoipia.

Warar kaloo soo baxaya ayaa ku waramaya n xubin kale oo ka mid ah mas’uuliyiinta ONLF ay Maamulka Ahlusuna WalJamaaca ay ku qabteen magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ka dibna ninkaasi loo gacan geliyey dawladda Itoobiya. Xubnahan ka tirsan ONLF ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayna wateen baabuur kaasi oo cilladi ka gashay ka hor intii aan iska horimaadku dhicin.

BOGGA CAYAARAHA

SHAXDA RASMIGA AH EE KULANKA HUDDERSFIELD TOWN VS LIVERPOOL, SADIO MANE, FIRMINO IYO COUTINHO OO MARKALE KU SOO WADA BILAWDAY SHAXDA KLOPP

Liverpool ayaa kulankii afraad ee saaxiibtinimo la ciyaaraysa kooxda Huddersfield Town, wux uuna markale Klopp shaxdiisa ku soo wada bilaabay Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Philippe Coutinho. Goolhaye Karius ayaa goolka sii wata waxaana difaaca ka wada ciyaari doona Randal, Lovern Moreno iyo Lucas. Matip ayaa kulankii hore uu dhaawac ka soo gaadhay waxaana badalay Lucas.

Khadka dhexe waxaa ku jira da’yarka Stewart, Ejaria iyo saxiixa cusub ee Marko Grujic. Klo pp ayaa aad uga helay qaab ciyaareedka da’yarka Ejaria kaas oo isku muujiyay kulamadii hore ha lka Grujic uu kulankiisii ugu horeeyay ee Reds uu goolkiisii ugu horeeyay ku dhaliyay. Mane, Firmino iyo Coutinho ayaa safka hore ka wada ciyaari doona.3

SHAXAHA LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Liverpool: Karius, Randal, Lovren, Moreno, Lucas, Stewart, Ejaria, Grujic, Mane, Coutinho iyo Firmino.

Kaydka: Goerge, Ings, Kent, Wisdom, Markovic, Woodburn iyo AlexanderArnold.

HALKAN KAGA BOGO DARAASADA QIIMAYNTA PRIME TIME SPORT FOOTBALL VALUE INDEX OO DHAMAYSTIRAN IYO LIISKA CIYAARTOYDA KU SOO BAXDAY:



No

CIYAARTOYGA

KOOXDA

LACAGTA(Euros)

1.

Anthony Martial

Man United

47.15

 

2.

Leroy Sane

Schalke

37.13

3.

Renato Sanches

B/ Munich

34.55

4.

Dele Alli

Tottenham

34.14

5.

Kingsley Coman

B/ Munich

30.69

6.

Breel Embolo

Schalke

25.44

7.

Marcus Rashford

Man United

22.51

8.

Max Meyer

Schalke

21.64

9.

Kelechi Iheanacho

Man City

20.07

10.

Julian Weigl

B/Dortmund

19.82

11.

Gabriel Jesus

Palmeiras

19.82

12.

Youri Tielemans

Anderlecht

19.33

13.

Riechedly Bazoer

Ajax

19.15

14.

Niklas Sule

Hoffenheim

16.65

15.

Mahmoud Dahoud

B/M’gladbach

15.03

16.

Giovani Lo Celso

R/ Central

14.32

17.

Ruben Neves

Porto

14.09

18.

Ousmane Dembele

B/ Dortmund

14.05

19.

Gabriel Barbosa

Santos

13.89

20.

Gianluigi Donnarumma

AC Milan

13.75

CIYAARTOYDA SH/DHEXE IYO HIIRAAN OO U SOO GUDBAY SEMIFINALKA KADIB MARKII AY 10 UGAGA BADIYEEN GALMUDUG

Xulka Shabelaha dhexe iyo Hiiraan ayaa noqday xulkii ugu dhibco badan helay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka oo ka socda magaalada Muqdisho kadib markii uu 1 iyo 0 ugaga badiyay xulka Galmudug.

Xulka gobolka Sh/dhexe ayaa labadii kulan ee uu ciyaaray wada badiyay waxana uu sidaas ku yeeshay lix dhibcood kadib markii ay ka badiyeen xulalka Jubaland iyo Galmudug oo ay isku guruubka ahaayeen.

Ma jiro koox kale oo haysata lix dhibcood marka laga reebo gobolka Sh/dhexe iyadoo xulalka Banadir iyo Puntland oo isku guruub ahaa ay keensadeen min afar dhibcood.

Xulka Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa la ciyaari doono kulanka Semi finalka ah xulka maamul goboleedka Puntland. Halka ay sidoo kale wada ciyaari doonaan xulalka Banaadir iyo Jubbaland.

Tartankan ayaa lagu wadaa in uu soo afjarmo 25ka bishan oo ku beegan Isniinta soo aadan, waana tartankii ugu xiisaha iyo xamaasada badnaa eek a dhaca magaalada Muqdisho dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

AFAR KOOXOOD OO ISUGU SOO HARAY TARTANKA MAAMUL GOBOLEEDYADA SOOMAALIYA & GOORTA LA CIYAARAYO FINALKA

Waxaa soo dhammaaday heerka guruubyada tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya, waxaana heerka guruubyada ku haray Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa soo qaban qaabisay tartankaan, halka Gobolka Banaadir ay qaabilsan yihiin dejinta gobolada iyo soo dhaweynta, waxaana dhanka garsoorka iyo diiwaan gallinta gacan weyn ka geysanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Gobolka Banaadir, oo kusoo baxay kaalinta koowaad guruubka A, ayaa wajahaya maamul goboleedka Jubbaland oo kaalinta labaad ugu baxay guruubka B.

Sidoo kale gobollada tartankaan mataanaha ku ah ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa wajahaya Puntland oo kaalinta labaad ugu soo baxay guruubka A.

 

Si kastaba ha ahaatee, maalinta Axadda waa la nasan doonaa, waxaana tartankaan lasoo gabogabeyn doonaa maalinta Isniinta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25 /07/2016 sida ku xusan jadwalka ciyaaraha Dowlad goboleedyada Soomaaliya.

BAYERN MUNICH OO GUULDARO DHABARKA U SAARTAY MANCHESTER CITY, TABABARE GUARDIOLA OO GUULDARO KU BILAWDAY WAAYIHIISA CITY IYO ANCELOTTI OO GUUSHIISII UGU HORAYSAY KU GAARAY ALLIANZ ARENA

Kooxda Bayern Munich ayaa guul cidhiidhi ah ka gaaray kooxda Manchester City, wuxuuna Gaurdiola waayihiisa cusub ee Man City uu ku bilawday guuldaro uu kala kulmay kooxdiisii hore ee Bayern Munich. kooxda Carlo Ancelotti ayaa gool soo daahay oo uu dhaliyay da’yarka Erdal Öztürk ayaa Carlo Ancelotti ka caawisay in uu Bavaria la gaadho guushiisii ugu horaysay ee Allianz Arena.

DAQIIQADII 76 aad Bayern Munich ayaa jabisay ismari waagii waqtiga dheer soo taagnaa waxaana goolka furitaanka udhaliyay da’yarka Erdal Öztürk kaas oo ay sii caawisay in kubbada uu darbeeyay ay ku sii dhacday difaaca Man City ee Gaël Clichy, waxayna kubbadu gashay shabaqa Angus Gunn oo ciyaarta badal ku soo galay waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Bayern Munich hogaanka ciyaarta kula wareegtay

iyo Liverpool oo guulasheeda sii wadato

Bayern Munchen vs Manchester City 10

Huddersfield Town vs Liverpool 02



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip