Dad careysan oo ciidamada Amisom ku hor istaagay Isgoyska Soobe

0
Wednesday July 20, 2016 - 20:14:45 in Wararka by
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad careysan oo ciidamada Amisom ku hor istaagay Isgoyska Soobe

    Dad ka carooday Shil gaarioo ciidamada Amisom ay u geysteen gaari uu lahaa muwaadin Somaliyed ayaa maanta Is hor istaag ku sameeyayIsgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad ka carooday Shil gaarioo ciidamada Amisom ay u geysteen gaari uu lahaa muwaadin Somaliyed ayaa maanta Is hor istaag ku sameeyayIsgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka Amisom ayaa gaari muwaadin Somaliyed uu leeyahay waxa ay ku jiireen Nawaaxiga Wasaarada Arimaha Dibada Somaliya, oo ku dhaw Isgoyska Banaadir, waxaana ay uga soo dhaqaaqeen halkaasi.

Dad ka carooday falkaasi ayaa ciidamada Amisom waxa ku hor istaageen Isgoyska Soobe, iyagoo diiday ciidanka Amisom inay halkaasi maraan ilaa laga xaliyo Shilka ay geysteen.

A1

Ciidamada Amisom markii gaadiidkooda shilka ay geysanayeen, waxa ay dhaawaceen Muwaadin saarnaa gaariga shilka ay u geysteen.

Buuq iyo Sawaxan ka dhashay dadka is hor taagay gaadiidka ciidamada Amisom, ayaa ugu dambeyn waxa ay sababtay inay halkaasi soo gaaraan ciidamada Booliska Somaliya.

Ciidamada Booliska oo ay la socdaan ciidamada Taraafikada ayaa yimid goobta, waxaana la cabiray Shilka gaariga, iyadoo Taraafikada ay sheegeen in ciidamada Amisom ay qaldan yihiin.

Gaadiidka ciidamada Amisom iyo kii uu lahaa muwaadinka Somaliyed ayaa loo kaxeeyay Xarunta Visha Taraafiko, si halkaasi sharciga loogu qaado.

A2-768x432

Ciidamada Amisom ayaa caado ka dhigtay marka ay geystaan shilalka gaadiidka inay ka tagaan goobta shilka ay ka geysteen, iyaga oo aanan waxba u qaban gaariga shilka ay u geystaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip