Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo maanta tababar u furay suxufiyiin :-{Daawo Sawirrada}

0
Wednesday July 20, 2016 - 19:14:54 in Wararka by
  • Visits: 526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo maanta tababar u furay suxufiyiin :-{Daawo Sawirrada}

    Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa maanta xarunta wasaaradda ka furay tababar ku saabsan Qaabka Wariyuhu isaga difaaco qataraha Xilliyada colaadaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa maanta xarunta wasaaradda ka furay tababar ku saabsan Qaabka Wariyuhu isaga difaaco qataraha Xilliyada colaadaha.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Shaqaalaha iyo tababarrada ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa bixinaya Hayadaha Caalamiga ee taageera Suxufiyiinta ee I.M.S & FOJO, waxaana ka qeybgalayaashu ku baran doonaan xirfadaha ay kaga gaashaaman lahaayeen haddii ay soo wajahdo Qatar dhanka ammaankooda la xiriirta.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Max’ed Cabdi Xayir "Maareeye” ayaa si rasmi ah u furay Tababarkan wuxuuna ka hadlay muhiimadda aqoonkororsigaan u leeyahay Suxufiyiinta marxaladda maanta dalku marayo.

" Waa fursad qaali ah oo loo baahan yahay in aad ka faa’ideysataan isla markaana xirfadda aad halkaan ka heshaan aad u gudbisaan warfidiyeenada kale aan nasiibka u helin, dhanka kale wasiirku wuxuu cadeeyay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso sidii Suxufiyiinta loo sugi lahaa ammaankooda” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Munaasabadda Furitaanka tababarkaan waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Md: C/llaahi Colaad Rooble, Agaasimaha guud ee warfaafinta Md: C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta.

T3-1-1024x683T2-1-768x512T1-1-768x512

T5-1-1024x683

T6-1-1024x683

T7-1-1024x683

T8-1-300x200

T24-768x512

T26-640x427




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip