Wasaarada Maaliyadda oo Nairobi ku qabatay kulan looga hadlayo midaynta dakhliga dalka

0
Monday July 18, 2016 - 13:17:51 in Wararka by
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Maaliyadda oo Nairobi ku qabatay kulan looga hadlayo midaynta dakhliga dalka

    Wasaarada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi isugu keentay khubaro ka socota maamul goboleedyada dalka, iyadoo ujeedka kulanku uu yahay in la isla meel dhigo sidii dowladda dhexe iyo maamulada goboladu uga wada shaqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi isugu keentay khubaro ka socota maamul goboleedyada dalka, iyadoo ujeedka kulanku uu yahay in la isla meel dhigo sidii dowladda dhexe iyo maamulada goboladu uga wada shaqayn lahaayeen midaynta canshuurahaiyo kor u qaadida dakhliga ka soo xarooda furdooyinka iyo canshuuraha bariga.

Ugu horayntii xiriiryaha mashruuca Maamulka Maaliyadda Dalka (PFM) Farxan Cali Maxamud oo xafiiskiisu soo qaban qaabiyey kulankaan ayaa sheegay in shirkaan uu ka soo bixi doono guddi qaran oo sii amba qaada dhamaystirka midaynta dakhliga dalka.

"Shirkaan wuxuu ku saasan yahay dhinaca xiriirka maaliyada iyo sidii ay u wadaagi lahayeen dowlada dhexe iyo maamulada dalka ka jira dakhliga dalka, iyo kala qaadashad wajibaad shaqo, haday noqon lahayd dhinaca canshuur aruurinta, dhinaca fulinta shuruucda dalka u degsan iyo la socoshada hanti dhowrka dhinca dakhliga iyo kharashaadka baxaya. Waxaa kale oo laga wada hadlayaa sidii loo qaybsan lahaa dakhliga iyo deeqaha soo gala dalka iyo qayb ahaan sidii cid walba ay uga heli lahayd dowladda dhexe saamiga ay ku leedahay madaama dalka uu ka hirgalay nidaamka federaalku” Ayuu yiri farxan oo dhanka kale xusay in ay ku rajo weyn yihiin marka shirku dhamaado 7 maalin kadib inuu ka soo baxo guddi qaran oo arimahaas sii wado, waxaana la isla qaadanayaa waajibaadka shaqo ee gudigaan waxaana loo samaynayaa qorsha howleed waqtiyeeysan, iyadoo laysla fahmayo waxa fedaraalku yahay iyo waafajinta qaybta kaga aadan dhanka maaliyadda”

Shirkaan ayaa qayb ka ahaa mashruuca lagu hormarinayo maamulka maaliyadda dalka oo ka kooban mashaariic kala duwan oo kor loogu qaadayo tayeeynta maaliyada. wuxuuna mashruucaan soo bilowday sanadkii 2013, isagoona hada si toos ah uga hirgaly dhamaan maamulada gobolada, waxaana u qorshaysan 5-ta sano ee soo socota in lagu kharash gareeyo Soomaaliya 200,000,000 $ waxaana ilaa hada gacanta lagu hayaa 50,000,000 $ oo ka mid ah lacagtaas, waxaana bixinteeda iska kaashaday deeq bixiyaasha caalamka, waxaana si gooni ah gacanta ugu haya Bangiga Aduunka, iyadoo sidoo kale mashruuca PFM uu taageero ka helo IMF iyo Bangiga Horumarinta African.

Shirkaan ayaa daba socday shir uu bishii November 2015 uu isugu keenay Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti, dhamaan Wasiirada Maaliyadda ee maamulada gobolada, shirkaas oo laga soo saaray war murtiyeed lagu qeexaya in la sii amba qaado qorshaha qaran ee lagu midaynayo canshuuraha dalka laguna yeelanayo kulamo joogta ah oo laysku weydaarasanayo aqoonta iyo khibradaha shaqo.

Gabagabda shirka ayaa laga soo saari doono gudi farsamo si hoose uga abuura jawi ku dhisan is aaminaad marka laga hadlayo sida loo qaybsanayo kheyraadka iyadoo la qeexayo heerka canshuur oo ay qaadayso dowladda dhexe iyo canshuuraha kale oo ka soo xarooda goboladda, isla markaana la waafajinayo shuruurda canshuuraha ee dalka u degsan iyo sharciga dib u habaynta maamulka maaliyada (PFM-act )

maaliyadmaaliyad1maaliyada


maliya1



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip