Dagaal xoogan oo xalay ka dhacay Degmada Qoryooley iyo cabsi saaka ka jirta Degmadaasi

0
Monday July 18, 2016 - 12:41:03 in Wararka by
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal xoogan oo xalay ka dhacay Degmada Qoryooley iyo cabsi saaka ka jirta Degmadaasi

    Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Amisom iyo kuwa Al Shabaab, ayaa xalay wuxuu ka dhacay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii dagaalyahano Shabaabka ka tirsan ay gudaha u soo galeen Degmadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Amisom iyo kuwa Al Shabaab, ayaa xalay wuxuu ka dhacay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii dagaalyahano Shabaabka ka tirsan ay gudaha u soo galeen Degmadaasi.

Ciidamada Amisom ayaa la sheegay in shalay galab casir liiqii Banaanka ay uga baxeen Degmada Qoryooley, taasina ay keentay dagaalyahano Shabaabka ka tirsan inay gudaha u soo galaan Degmadaasi.

Ciidamada Amisom ayaa la sheegay in xalay fiidkii ay dib ugu noqdeen Magaalada Qoryooley, balse dagaalyahano Shabaabka ka tirsan ayaa la sheegay inay dagaal kala hor yimaadeen ciidamada Amisom ee gudaha Magaalada u soo galay.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa inuu socday ku dhawaad saacad, labada dhinacna waxaa soo kala gaaray Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Guddoomiyaha Degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa sheegay dagaalyahanada Shabaab in laga dilay saddex Askari, halka ciidamada Amisom uu sheegay inuu soo gaaray Khasaare, balse lama oga inta uu la eeg yahay Khasaarahaasi.

Ciidamada Amisom ayaa ku sugan Magaalada Qoryooley, hayeeshe waxaa jirta cabsi ku aadan xaalada Magaalada, maadaama dagalyahanada Shabaabka ka tirsan ay ku sugan yihiin duleedka Degmada Qoryooley.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip