Taliyaha Booliska Armenia oo la afduubtay

0
Monday July 18, 2016 - 12:11:32 in Wararka by
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska Armenia oo la afduubtay

    Kooxo hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe weerar ku qaaday Taliska Booliska ee magaalada Yerevan ee caasimada dalka Armenia, halkaasi oo ay dad ku qafaasheen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe weerar ku qaaday Taliska Booliska ee magaalada Yerevan ee caasimada dalka Armenia, halkaasi oo ay dad ku qafaasheen.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa xoog ku galay Taliska Booliska, iska horimaad halkaasi ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof inta la xaqiijiyey.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan Taliyaha Booliska iyo dad ku sugnaa xarunta Booliiska iyagoona hoosta ka soo xirtay daarta uu ku yaal Taliska booliska.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay Korneyl Booliska ka tirsan, waxaana ku dhaawacmay sadex Jeneraal oo Booliska dalkaasi ka tirsan.

Ciidamada Amaanka iyo kuwa Militariga ee Armenia ayaa isku gadaamay goobtaasi, waxaana la xiray dhamaan wadooyinka goobtaasi mara iyadoo tan iyo xalay ay labada dhinac is horfadhiyeen.

Waxaa weli socda waan waan u dhaxeysa kooxda hubeysan ee afduubka ku heysata Taliyaha Booliiska iyo dowlada Armenia. Waxaa la xaqiijiyey in kooxdan ay dalbatay in xabsiga laga siidaayo dadka loo heysto arrimaha siyaasada oo uu ku jiro mid ka mid ah hogaamiyayaasha mucaaridka dalkaasi.

Illaa iyo xalay dowlada Armenia ayaa xabsiga kasii daysay 50 qof oo kamid ah Mucaaridka dalkaasi, balse dowlada ayaa weli diidan inay siideyso ninkii aasaasay koox hubeysan ee mucaaridka oo lagu magacaabo Jirair Sefilian. Balse waan waanta ayaa weli socota.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip