Go'aanadii ka soo baxay shirkii Madasha Wada-Tashiga oo la taageeray

0
Monday July 18, 2016 - 12:08:03 in Wararka by
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go'aanadii ka soo baxay shirkii Madasha Wada-Tashiga oo la taageeray

    Shir ballaaran oo maalintii shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho qeybaha kala duwan ee bulshada ee ka soo jeeda Beesha Shiikhaal ayaa lagu taageeray go'aanadii shirkii Madasha Wada-tashiga qaran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir ballaaran oo maalintii shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho qeybaha kala duwan ee bulshada ee ka soo jeeda Beesha Shiikhaal ayaa lagu taageeray go'aanadii shirkii Madasha Wada-tashiga qaran.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro, xildhibaano ka tirsan maamul goboleedka Galmudug, Culumaa’udiin, Nabadoono, Salaadiin, aqoonyahano, haween iyo dhalinyaro.

Waxaa shirka laga soo saaray baaq lagu taageerayo go’aanadii shirka, waxaana ka mid ahaa:-

  1. Go’aankii Shirarkii isdaba jooga ahaa ee Madasha wadatashiga Qaranka ku gaartay Muqdisho iyo Beydhabo kuna aadanaa habsami usocodka doorasha dadban iyo inaan dib loo noqon lagana fogaado khilaaf dambe iyo sidoo kale Qaabkii Madaxdu ugu heshiisey qeybinta xubnaha Baarlamaanka Federaalka.
  2. Waxaa kale oo aan taageereynaa dadaalada beesha caalamka ee ku aadan in soomaaliya laga taageero qabsoomidda Doorashada 2016.
  3. Waxey beeshu cadeyneysaa in ay taageersan tahay go’aanadii kasoo baxay madasha Wada tashiga qaran.
  4. In Beeshu u hawlgasho si wadajir ah sidii loo heli lahaa xubinta Aqalka sare oo taalla Maamul gobaleyda aan degno guud, ayadoo lala kaashanayo cidda ay khuseyso .
  5. Waxay beeshu cambaareyneysaa qof ama koox kasta oo isku dayda kala faquuqa midnimada beesha waxna u dhimeysa dhaqanka iyo wadajirka soo jireenka ah ee beesha.
  6. Shirku wuxuu ugu baaqayaa beesha shiikhaal oo degta guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Maamulada Galmudug, Hiiraan/shabeelada dhexe, , Koonfur galbeed Jubbalnd iyo Banaadir in ay u istaagto ka qayb qaadashada Isbadalada siyaasiga ah ee 2016 kana kala socda deegaanada beesha.

kuku-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip